๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ

๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ

Share

Breking News

Photos from ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐ซ๐ฌ๐ฎ๐ฆ's post 23/04/2025
Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 22/04/2025

Jigjiga: Hogaaminta Heer Deegaanka Ee Kormeerka Taakulaynta Iyo Dabo-galka Adeeg Bixinta Gobolka Faafan Iyo maamul Magaalooyinkiisa Ayaa Maanta Kormeer Iyo Dabo-gal Kusoo Maray Xarumaha Adeeg Bixinta Iyo Mashaariicaha Magaalada Jigjiga.

Hoggaaminta ayaa soo kormeeray xaaladda adeeg bixinta iyo mashaariicda ka socda magaalada jigjiga oo ay ka mid yihiin xarumaha waxbarashada, caafimaadka, xuramaha magaalo hoosaaddada, mashruuca biyo leexinta magaalada iyo mashruuca horumarinta marinada magaalada, iyagoo goobaha ay marayeen ka dhagaysanayay baahiyaha ay tabayaan.

Ujeedka kormeerkan ayaa ah ukuurgalka ogaanshaha xaaladaha ay ku sugan yihiin xuramaha adeeg bixinta iyo mashaariicaha ka socda magaalada, si loo dardargaliyo korna loogu qaado adeegbixinta loo hayo bulshada.

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 22/04/2025

OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
---------------------------------------------------------------------------
Waxaa dhamaan xubnaha barayaasha magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ee buuxiyay shuruudaha barenimo ee dugsiga hoyga Sheed-dheer lala socodsiinayaa inay u diyaargaroobaan imtixaanka qoraalka ah, maalinta Jimcaha 10:00 AM subaxnimo oo ku beegan 17/08/2017 T.I goobta imtixaanka lagu galayo waa Dugsiga Hoyga Sheed-dheer

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 22/04/2025

Guddoomiyaha Gobolka Faafan ayaa sheegay in la sii xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo Nabadda, Dariswanaagga iyo Wada noolaanshaha shacabka Mar uu waraysi siiyay Wakaalada Warbaahinta DDS.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la sii wadi doono qorshayaasha iskaashiga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta, islamarkaana kor loo qaadayo wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka reer guuraaga ah, taasi oo lagaga hortagayo isku dhacyada iyo khilaafaadka ka dhasha is-fahan laโ€™aanta.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay nabadu, wuxuna shacaka ugu baaqay inay ka qaybqataan nabadgelyada iyo doorka ay ku leeyihiin ilaalinta midnimada.

Xafiiska Maamulka Gobolka Faafan.

22/04/2025

Fariinta Waalidka

Masuuliyad ka-balaadhan ilmaha in ay nafaqeeyaan, kool-kooliyaan, daryeelaan ayaa saaran.

Masuuliyadaasina waa maxay?

- Waa in ay si dhow ula socdaan nidaamkooda waxbarasho.
- Si dhow in ay ula shaqeeyaan Macalimiinta iyo Iskuulada.
- โ In ay ka war-hayaan xaalada waxbarasho ee ilmahooda markay iskuulka joogaan iyo markay guriga joogaan.

Hada waxaa la yidhi ilmuhu dhawr saacadood ayuu iskuulka jooga, laakiin inta badan waalidkii buu la jooga. Macnaheedu waxaa weeyo: waalidku wuxuu hayaa wakhti kabadan wakhtiga ay Macalimiintu hayaan oo ama ay ku dabagali karaan kuna toosin karaan. So, waxaan odhan lahaa waalidka masuuliyad gaar ah ha iska saaraan xaalada ay ardaydoodu ku sugantahay. Si dhow Macalimiinta ha ula socdaan hana ula munaaqashoodaan, iskuulka hasoo booqdaan. Haka qayb-qaataan nidaamka dayactirada iskuulada. Intay yimaadaan ha arkaan meesha iskuulku yahay iyo meesha ardaydoodu ay wax-kubartaan.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS,
Mudane Maxamed Sheekh Aadan Ismaaciil.

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 22/04/2025

Waxaa maanta oo bisha Miasiya tahay 9, 2017 T.I. (April 17, 2025), sidii caadiga ahayd, ka qabsoomay madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta DDS Kulankii caadiga ee Guddiga Maaraynta Xafiiska Qorshaynta.

Kulanka waxa guddoominayay Wasiirka Xafiiska Qorshaynta, Mudane Omar-Farouk Haaji Warfa, waxaan goob-joog ahaa Ku-xigeenada Madaxa Xafiiska iyo xubnaha Guddiga Maaraynta Xafiiska.

Ajendaha kulanku wuxuu darnaa:
Qiimaynta dib u eegidda qodobadii lagu heshiiyey kulankii ugu dambeeyey ee Guddiga Maaraynta oo ku taariikhaysnaa Megabit 25, 2017 T.I.
Iyo waxqabadka kale ugu mihiimsan ee ay waaxuhu qabteen ayna ka mid ahaayeen:

1. dhammaystirka Warbixinta Waxqabadka Qorshaha Horumarinta Saddexda Sano (2015 - 2017 EFY);
2. u diyaargarowga Qorshe-Howleedka SM 2018 (2025/2026);
3. dhammaystirka isku-daridka warbixinta waxqabadka sagaalka bilood SM 2017;
4. u diyaargarowga Qorshaha Horumarinta Shanta Sano (2017 - 2022 EFY);
5. dhammaystirka daraasadaha kala duwan ee waaxahaha Xafiisku gacanta ku hayo:


Agaasimayaasha iyo hoggaaminta sare ee Xafiiska Qorshaynta ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada kore (progress updatea).

Gabagabadii shirka, waxa la isla qaatay shaqooyinka mudnaanta leh iyo kuwa u baahan dardargalinta oo ay ka mid yihiin: (Key takeaways and action points).

Ugu dambayna waxa kulanka soo gunaanaday Wasiirka Xafiiska Qorshaynta, Mudane Omar-Farouk Haaji Warfa.

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 22/04/2025

Kulankan Sadex Geesoodka ah oo kaqabsoomay Xafiiska Wasiir Kuxigeenka Caafiimaadka DDS Ujeedadkiisuna ahayd Sidii loo Xakamayn la ah Cudur Dilaca Kasoo Cusboonaday Degmada Baabili ee Gobolka Faafan.

Kulankan oo ay hogaminaysay Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka DDS Marwo Xaawo Suleebaan ayna kaqayb galeen xubno kasocaday golaha xildhibanada deegaanka, gudoomiyaha gobolka faafan, madax xafiiseedyada caafiimaadka gobolka iyo degmooyinka waxana si qoto dheer la iskula fiiriyey sidii loo xakamayn lahaa cudur dilaaca kasoo cusboonaday degmada baabili.

Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka Marwo Xaawo Sulaybaan ayaa sheegtay inay muhiim tahay in si dhaba loo wajahay xakmaynta cudur dilaacyada (Jadeecada) maalmihii lasoo dhafay waxayna xustay inay cidwalba doorkeeda qaadato iyada oo lamarayo hababka caafiimaad ee igu sahlan.

Dhankiisa gudomiyaha gobolka Faafan Mudane Khadar Axmed Nuur ayaa sheegay inay si dhaba u wajihi doonaan kashaqaynta hawshan isaga oo madax xafiiseedyada caafiimaadka ee gobolka iyo degmada inay xooga saaraan xakamaynta cudur dilaaca laga soo sheegayo degmada baabili.

Ugu danabayn xafiiska caafiimaadka ayaa wada dadalo lagu xoojinayo laguna xakamaynayo cudur dilaacayada xiliyada kala duwan soo food saara bulshada deegaanka.

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 20/04/2025

Shirka Isku Xidhka Booliska iyo Bulshada ee Barkaca Qolaji ee degmada Babili gobolka Faafan DDS

Maanta ayaa waxaa barkaca Qolaji lagu qabtay shir lagu xoojinayo xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa booliska iyo bulshada degmada
Shirkaas waxaa furay Guddoomiyaha Degmada Baabili, Mudane Cabdi Caydiid Beegsi, iyo Kornayl Axmed Ibraahim iyo masuuliyiin degmada Baabili.

Sidoo kale, waxaa shirka kasoo qaybgalay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, ee bulshada barkaca Qolaji, kuwaas oo muujiyay taageeradooda ku aaddan nabadgelyada iyo iskaashiga lala yeesho hayโ€™adaha ammaanka.
Shirkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya bulshada iyo booliska, si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.

fafan media

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 19/04/2025

Xubno ka mid ah hogaaminta xildhibaannada (Kookaska) ayaa soo gaadhay magaalada Dhagaxbuur.

Xubnahan hogaaminta ah ayaa booqasho iyo taakulayn ku sameeyay cusbitaalka Dhagaxbuur gaar ahaan waaxda hooyada iyo dhalaanka iyo waaxda emergencyga, sidoo kale indhoโ€™indhayn ay ku sameeyeen mashruuca dhismaha wayn ee gudaha cusbitaalka.

Kormeerkan Xildhibaannada ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo ogaan lahaa adeegyada uu bixiyo cusbitaaalka caqabadaha iyo taakulayn ay gaadhsiiyeen hooyada ku umulaysa dhakhtarka oo isugu jirta dhar iyo caano, iyagoo xildhibaanadu sheegeen inay dhiirigalin ku dhasho hooyadu maadaama dhakhtarku uu ka warhaynayo caafimaadkooda kuna xidhnaadaan cusbitaalka iyagoona kulamo la yeeshay maamulka cusbitaalka Dhagaxbuur.

Intaasi kaddib hogaamintan xildhibaanada ayaa kulan la yeeshay haweenka Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo ay ka wadahadleen xeer-hoosaadka (Kookaska) Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo laga dhisay gudi afar xubnood ah.

Fafan media TV

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 17/04/2025

"Laga soo bilaabo 1983 illaa 2010-kii degmada Mula waxaa lagga hirgaliyay 48 mashruuc oo kaliya, halka 2010-kii illaa iyo haatan degmada laga fuliyay 135 mashruuc, taasi oo ka dhigaysa saddex jibaar wixii la qabtay isbedelkii kahor", Mudane C/xakiin Sh. Xasan, Wasiirka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.

Mula: Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay wafdigii kormeerka iyo taakulada ka waday gobolka Faafan, halkaasi oo masuuliyiinta heer deegaan kulamo kula qaateen maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool xarunta degmada iyo tuulooyinka Qooraan, Horakhaliifa iyo Sanxaskulle, si bulshadu uga hadlaan baahidooda ku aadan adeegyada aasaasiga. Masuuliyiinta ayaa sida oo kale soo kormeeray dugsiga sare ee degmada Mula iyo adeegbixinta xarunta caafimaadka ee degmada.

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Maxamed Cabdi ayaa tilmaamay in xukuumadda isbeddelku goor kasta diyaar u tahay ka jawaabida baahida bulshada, isagoo intaasi ku daray in baahiyaha ay bulshadu soo dhigeen hoos loo eegi doono.

Photos from ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ป ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ๐—ถ๐—ฎ ๐—ง๐—ฉ's post 15/04/2025

Qiimaynta Kormeerka Gobolka Erar.

Kulan uu hogaaminayay madaxa Arimaha Xisbiga ee Xisbiga Barwaaqo ee deegaanka Soomaalida, mudane Faysal Rashiid, ayaa ka qabsoomay xarunta gobolka Erar ee magaalada Fiiq.

Kulankan ayaa lagu qiimeeyay natiijooyinka kormeerkii ay hogaaminta heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo kusoo mareen degmooyinka gobolka, waxaana laysla meel dhigay talooyinka iyo Jihooyinka lagu xalinayo caqabadaha kormeerka lagu xaqiijiyay islamarkaana lagu dhiiri galinayo shaqooyinka qabsoomay.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jijiga