SRS Bureau of Innovation and Technology

Call Directions Website Contact the organization

SRS Bureau of Innovation and Technology Boggan waxaa loogu talo galay in lagu soo bandhigo wax-qabadka xafiiska Curinta iyo Tiknoolojiyada.

08/10/2026
Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Curinta iyo Tignoolajiyada waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Maxam...
06/10/2026

Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Curinta iyo Tignoolajiyada waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Maxamed Cali Daahir, munaasabadda dib loogu soo magacaabay xilka Wasiirka Xafiiska.

Waxaan Mudanaha u rajaynaynaa in Alle ku garab galo gudashada masuuliyadda loo igmaday, una fududeeyo hawlaha iyo waajibaadka horyaalla, si loo sii xoojiyo horumarka Curinta iyo Teknolojiyadda.

Hambalyo Wasiir Maxamed Cali Daahir!
Waxaan kuu rajaynaynaa guul, horumar iyo waxqabad miro-dhal ah. 🌟

Hambalyo, Wasiir Maxamed Cali Dahir Oo Markale loo Magacaabay Xafiiska Curinta Iyo Tiknolajiyada DDS.
01/10/2026

Hambalyo, Wasiir Maxamed Cali Dahir Oo Markale loo Magacaabay Xafiiska Curinta Iyo Tiknolajiyada DDS.

Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyadda DDS ayaa maanta gaadhsiiyay Degamada Shabeeley Mashiinka Diyaarinta Calafka Xoolaha...
08/09/2026

Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyadda DDS ayaa maanta gaadhsiiyay Degamada Shabeeley Mashiinka Diyaarinta Calafka Xoolaha iyo Digaagga iyo Mashiinka Tumista Hadhuudhka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero iskaashatooyinka xoolaha, beeraha iyo digaagga ee degmada ka aas-aasan.
Hawshani waxay qayb ka tahay dadaallada Xafiisku ku xoojinayo gudbinta iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah, kor u qaadista wax-soo-saarka, yareynta shaqada iyo kharashaadka, iyo horumarinta awoodda iskaashatooyinka iyo bulshada deegaanka.
Mashiinadan oo ah kuwa xafiisku farsameeyay asagoo kaashanayo Engineerro maxalli ah (Local) ayaa lagu tababaray iskaashatooyinka ayadoo lagu baray habka loo isticmaalo, loo maareeyo, loona dayactiro mashiinnada, si ay si wax-ku-ool ah ugu adeegsadaan kor uqaadista wax-soo-saarka xoolaha, beeraha iyo digaagga.
Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyadda DDS wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu gaarsiinayo tignoolajiyada ku habboon bulshada, laguna taageerayo wax-soo-saarka iyo horumarinta nololeed ee bulshada deegaanka.
​“Local Innovation, Sustainable Solutions, Better Livelihoods.”

08/09/2026
20/07/2026
20/07/2026
20/07/2026

Xarunta Hal-abuurka ee Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyada Deegaanka ayaa si rasmi ah loo daah-furay.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muhumed Omer iyo Wasiirka Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyada ayaa si wadajir ah u furay xarunta, iyadoo isla maalintaas lagu qabtay Shirweynaha ICT-ga ee DDS 2026 GC.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay madax, khubaro, hal-abuurayaal, hay’ado dawladeed, shirkado tiknoolajiyadeed, jaamacado iyo daneeyayaal kale.

Shirweynuhu wuxuu diiradda saaray horumarinta tiknoolajiyadda, hal-abuurka iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo la xoojiyay muhiimadda adeegyada casriga ah, taageeridda ganacsiyada curdinka ah iyo dhiirrigelinta dhallinyarada.

Xarunta Hal-abuurku waa goob casri ah oo loogu talagalay kobcinta ganacsiyada yaryar, cilmi-baadhista, tababarrada iyo horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah.

Intii uu socday shirweynuhu, waxaa la qabtay bandhigyo iyo dood-cilmiyeedyo lagu xoojinayay iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Daah-furka xaruntan wuxuu astaan u yahay bilow cusub oo lagu horumarinayo tiknoolajiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Deegaanka Soomaalida

Address

Https://www. Google. Com/maps/place/9%C2%B021'16. 7%22N+42%C2%B047'47. 7%22E/@9. 3546367, 42. 7954765, 374m/data=, 3m2, 1e3, 4b1, 4m9, 1m2, 2m1, 1sJijiga, +Bint, 3m5, 1s0x0:0x0, 7e2, 8m2, 3d9. 3546337
Jijiga

Opening Hours

Monday 08:30 - 17:30
Tuesday 08:30 - 17:00
Wednesday 08:30 - 17:30
Thursday 08:30 - 17:30
Friday 08:30 - 17:00

Telephone

+251915000862

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRS Bureau of Innovation and Technology posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SRS Bureau of Innovation and Technology:

Shortcuts

Share