16/04/2026
"የሕዝባችን ህይወት እስኪለወጥ ድረስ ተግተን እንሰራለን"
- ጠቅላይ ሚኒስትር ዐቢይ አሕመድ (ዶ/ር)
DEGMADA ARAARSO WAXAY KAMID TAHAY 11DEGMO EE GOBOLKA JARAR
WAXAY KAKOOBAN TAHAY 20 QABALEE
16/04/2026
"የሕዝባችን ህይወት እስኪለወጥ ድረስ ተግተን እንሰራለን"
- ጠቅላይ ሚኒስትር ዐቢይ አሕመድ (ዶ/ር)
Xisbiga Barwaaqo
Dhinaca Waxbarashada:
Sannadihii u dambeeyay, Tayada waxbarashada Deegaanka waxaa saldhig u ahaa macallimiin tababaran, arday diyaarsan, waalidiin ka qayb qaata, maamul hufan, manhaj casri ah, iyo taageero joogto ah oo dowladeed.
Waxyaabaha Muhiimka ah ee La Qabtay Todobadii Sano ee Isbadelka
■ Kaabayaasha Waxbarashada (2011–2018): Waxaa la hirgeliyay 863 dugsi, oo ay ku jiraan dugsiyada bar-baarinta, hoose-dhexe iyo kuwa sare.
■ Dugsiyada Hoyga: 13 dugsi hoy ah (Boarding) ayaa la dhisay si loo taageero ardayda ka imanaysa meelaha fog.
■ Kulliyadaha Farsamada: 3 kulliyadood oo xirfadaha lagu barto ayaa la aasaasay, si kor loogu qaado shaqo-abuurka dhalinyarada.
■ Xaaladda Guud: Deegaanka waxaa maanta ka jira 2,391 dugsi, 2 jaamacadood (Jigjiga iyo Qabridahar), iyo 20 kulliyadood.
Haddaba, Muwaadin, si aan usii xoojino guulaha Xisbiga Barwaaqo ee dhinaca waxbarasho una saxno galdaloolooyinka nka kajiro dooro Xisbiga Barwaaqo.
Astaanta Doorashada Xisbiga waa Xidhmo Qamadi ah
"Han iyo Horumar".
09/04/2026
Shirka Ganacsatada Degmada
Gudiga dabagalka iyo ladagaalanka sicir bararka maceeshada ayaa shir ay uqabteen ganacsatada magaalada araarso lagaga hadlay, fulinta go,aamada jaangaynta uu xafiiska gadiidka iyo ganacsiga degmadu soo saaray.
Ganacsatada ayaa dhankooda iyaguna soo jeediyay talooyin iyo sidii xafiiska iyo bahwadagta ganacsatadu si dhow ugu wada shaqayn lahaayeen
Gabogabadii kulanka ayaa waxay gudigu dar,daaran kasiiyeen ganacsatada sidii looga taxadari lahaa saamaynta isbad badalka ganacsi ee xaaladaha ay dagaalada caalamku ay keeneen, maadaama maceeshada inta badan kasoo degto dibada.
05/04/2026
05/04/2026
Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Degmada Araarso
Ujeedo:- Jaangoynta Maciishada kala duwan
Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka degmada Ayaa soo saaray go,aamo lagu xadidayo, islamarkaana lagu jaangooynayo maceeshada kala duwan ee kala ah:
1. Raashinka kala duwan: Tafaariiqda iyo Jumladaba
2. Sharaabka: Jumlada iyo Tafaariiqda iyo
3. Biyaha: jumlada iyo tafaariiqda.
4. Ladagaalanka shidaalka suuqa madow iyo uhogaansanka qiimaha shidaalka ee H**e loo jaangooyey
Jaangoyntan kala duwan ayaa lagu soo dhajiyay
Goobaha bakhaarada iyo meelaha bulshadu isugu Timaado ee Suuqa magaalada ararso.
Hadaba waxaan bulshada degmada araarso si xushmadleh ugu codsanaynaa inayna qiimahaas wax kabadalan ku iibsan maciishadaas kala duwan cidii fulin waydana inay lasoo wadaagaan hayadaha dawlada.
Degmada Ararso ee Gobalka Jarar waxaa kacurtay roobkii guga, beeralayda degmada ayaana kuhowlan qodaalka iyo diyaargarowga qodaalka beeraha ee xili roobadkan guga.
Iyadoo lagu jiro wacyigalinta iyo abaabulka bulshada ayaa waxaa maanta lagudoonsiiyay matooro iyo qarbado loogu talo galay iskaashatooyin kadhisan 5 qabalee kuwaas oo larabo in ay waxkabadalaan waxsooo saarkii h**e oo awal h**e roobka kaliya sugi jiray balse hada qaabka waraabka casriga ah kubadalaya.
Waxaa kaloo lagudoonsiiyay siidhkii, iyo qalabkii beeraha oo kala duwan.
Maamulka degmada ayaa sheegay in
Wax wada qabsiga iyo in qaab iskaashatooyinku waxsoosaar iyo tayo ahaanba ay fiicantahay waxsoo saarka shaqsiga ah, soona saari karaan waxsoo saar iyaga kufilaada iyo mid bulshada kale kufilaan kara.
Maamulka ayaa sidoo kale iskaashatooyinka qalabka lagu wareejiyay kula dar,daarmay inay sidii loogu talo galay uga faaiidaystaan, tusaalana bulshada kale u noqdaan.
Iskaashatooyinka ayaa iyaguna waxay balan qaadeen inay kafaaiidaysanayaan islamarkaana kasoo baxayaan waajibaadka.
31/03/2026

30/03/2026
Galinkii Danbe Ee Maanta
KULANKA XUBNSHA ISKAASHIYADA XISBIGA BARWAAQO EE DEGMADA ARAARSO
Waxaa galinkii danbe ee maanta Hoolka Shirarka ee Xarunta Degmada ka Qabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha iskaashiyada Xisbiga Barwaaqo Kulankan oo ahaa Mid diirada lagu saarayey Dardargelinta Nidaamka Xisbiga iyo kan Dawladnimo, waxaana lagaga wada hadlay qodobada soo socda:
1. Sugidda Amniga: In la xoojiyo xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee degmada.
2. Arrimaha Doorashada 7-aad: ee heer qaran iyo doorka kaga aadan xubnaha xisbiga
3. Adeeg-bixinta: Adkaynta hufnaanta adeegga dadweynaha iyo shaqo-galka xafiisyada dawladda.
4. Wacyigelinta: La dagaallanka borobogaandada iyo wararka been-abuurka ah ee lidka ku ah xasilloonida.
5.Dardargalinta qaadashada aqoonsiga qaranka(National ID)
6.Abaabulka Qodashada Beeraha
GUNAANAD
Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday jawi is-afgarad ah, iyadoo la isku raacay in si wadajir ah loogu istaago dardargelinta Qorshayaasha Xisbiga Barwaaqo iyo fulinta adeegyada bulshada ee horay loo qorsheeyay, si loogu adeego shacabka Degmada araarso.
28/03/2026
Wacyigelin Muhiim ah oo ku Socota Shacabka Degmada Araarso
Shacabka ku nool Degmada Araarso waxaa lagu wargelinayaa muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo qaato kaarka codbixinta, isla markaana si firfircoon looga qayb qaato diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Qaadashada kaarka codbixintu waa xaq dastuuri ah iyo waajib muwaadinimo oo qof kasta saaran. Waa fursad aad ku muujin karto aragtidaada, kuna dooran karto hoggaanka mustaqbalkaaga iyo kan deegaankaaga.
10 maalmood oo keliya ayaa ka hadhay diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Ka faa’iidayso fursaddan oo gudo waajibaadkaaga muwaadinimo adigoo codkaaga dhiibanaya.
Isbedelku wuxu ku yimaada dorasho oo keliya
Muwaadin isdiiwaangeli oo qaado kaarka codbixinta.