12/04/2026
1,651 arday ayaa u fadhiistay imtaxaanka Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha.
Ardaydani oo isuga jirta 536 arday oo baratay xirfadaha dhaadher iyo 1115 arday oo baratay xirfadaha gaagaban ayaa u fadhiistay imtaxaanka Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha.Ardaydani oo baratay xirfadaha kale duwan ee aay kulliyadu bixiso ayaa u fadhiisatay imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfadlaaysha kaas oo lagu xaqiijinaayo tayadooda xirfadeed ee aay muddo soo wadeen.
Imtixaanka Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha wuxuu door muhiim ah ka qaataa hubinta in ardaydu leeyihiin xirfad dhab ah oo la jaanqaadi karo suuqa shaqada, isla markaana ay awood u leeyihiin inay si wax ku ool ah uga qeyb qaataan horumarinta bulshada.
12/03/2026
Waxaa Maanta Hoolka Degmada Filtu Kaqabsoomay shir aay Iska Kaashadeen Xubin kasocda Xafiiska Xirafadaha iyo shaqo Abuurka , Kuliyada TVETka Filtu iyo Maamulka Degmada Filtu
ujeeda shirka ayaa ahaay Wacyagilinta Bulshada ee Diwaangilinta Dadka Xirafadaha Leh,diwaangilinta Dadka Camal Laaanta ah, diwaangilinta Ganacsiga Qoyska iyo diwaangilinta Shirkaha Kajira Degmada
Ayadoo Lagu diwaangilinaayo Nidaamka Biometric
Si aay Bulshada Degmada ugu Faaideystaan Furadaha Kajira Dalka iyo Deegaankaba
08/03/2026
Ardayda barata Level 4 qeeybta caafimaadka xoolaha ayaa tababarka iskaashiga oo sii wadata tababbarkooga ayaa ku baxay qabalaha Cabdi maadey. Tababarkaan oo aay iska kaashadeen kulliyada, xafiiska xoolaha degmada filtu iyo hay'adda RACIDA ayaa ka caawinaya ardayda inay si toos ah u bartaan hababka saxda ah ee loo maareeyo arrimaha xoolaha, taas oo muhiim u ah horumarinta xirfadooda mustaqbalka.
05/03/2026
Ardayda barata Level 4 qeeybta caafimaadka xoolaha ayaa tababarka iskaashiga ku baxay qabalaha xaydimta. Tababarkaan oo aay iska kaashadeen kulliyada filtu iyo xafiiska xoolaha degmada filtu ayaa ka caawinaya ardayda inay si toos ah u bartaan hababka saxda ah ee loo maareeyo arrimaha xoolaha, taas oo muhiim u ah horumarinta xirfadooda mustaqbalka.
18/02/2026
Maanta waxaa tababar ku saabsan Kobcinta Hal-abuurka Ganacsiga loo qabtay ardayda dhigata kulliyadda, gaar ahaan kuwa sanadkan dhameysanaya waxbarashadooda, si ay u hormariyaan xirfadooda iyo fahamkooda nidaamka ganacsiga.
Tababarkan waxaa soo agaasimay Waaxda Fidinta Adeegga Warshadaha iyo Gudbinta Farsamooyinka Casriga ah, iyadoo ujeeddadu tahay in ardayda lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha muhiimka u ah bilaabidda iyo maareynta ganacsi guuleysta.
Sidoo kale, ardayda waxaa dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyey Maareeye Ku-xigeenka Kulliyadda, Mudane Cabdi Macalin Bashir, oo ku booriyey inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarkan, maadaama uu door weyn ka qaadan doono horumarinta mustaqbalkooda iyo kobcinta fursadahooda ganacsi.
14/02/2026
Kadib tababar iyo qiimeyn socotay muddo 10 cisho ah, ayaa waxaa la abaalmariyey shaqaalaha Kulliyada xirfadaha iyo Farsamada ee Filtu, kuwaas oo hormuud ka ahaa kana soo dhalaalay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, iyagoo muujiyey dadaal, karti, iyo masuuliyad sare ee shaqada iska sareen.
Abaalmarinta shaqaalaha waxaa guddoonsiiyey Maareeye Ku-xigeenka kulliyada, Mudane Abdi macalin bashir, iyo sidoo kale Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee kulliyada, kuwaas oo bogaadiyey shaqaalaha dadaalka dheeraadka ah muujiyey iyo natiijooyinka wanaagsan ee ay gaareen.
Ujeeddada abaalmarintan ayaa ah dhiirrigelinta shaqaalaha si ay u sii wadaan horumarinta tayada shaqada iyo kor u qaadidda waxqabadka kulliyada.
25/12/2025
Masuuliyiin uu hogaaminayo wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo abuurka DDS, mudane Xusen Geydh Axmed sidoo kalena uu wehliyo mareeya kuxigeenka kulliyada xirfadaha iyo farsamada ee Filtu mudane Cabdi M-Bashiir ayaa soo kormeeray geedi socodka shaqo ee kuliyadaasi.
Masuliyiintani ayaa usocday kormeer, dabagal iyo taakuleyn, xaqiijinta geedi socodka baris barasho iyo adeeg bixinta guud.
24/12/2025
Wasiirka xafiiska xirfadaha iyo shaqo abuurka mudane Xuseen Geydh iyo mareeyahay ku-xigeenka kulliyada xirfadaha iyo farsamada ee Filtu mudane cabdi M-Bashiir ayaa soo kormeeray geedi socodka kuliyada xirfadaha iyo farsamada Filtu laanta degmada Dollo-addo.
Masuuliyiinta ayaa usocday kormeer, dabagal iyo taakuleyn, xaqiijinta geedi socodka baris barasho iyo adeeg bixinta guud.
24/12/2025
Team kasocda xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-Abuurka DDS ayaa soo gaaray Kuliyada Tababarada xirfadaha iyo Farsamada Ee Filtu, teamkaan ayaa usocday kormeer,dabagal iyo taakulaynta xaqiijinta geedi socodka baris barasho iyo geedi socodka adeeg bixinta.
10/12/2025
Waxaa si rasmi ah maanta usoo xirmay tababarka wareega sadexaad ee sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee xubnaha xisbig barwaaqo ee kulliyada xirfadaha iyo farsamada ee Filtu iyo laanta kulliyada ee Doollo-addo.
Tababarkani oo socday 2dii maalin ee lasoo dhaafay ayaa halku-dhag looga dhigay “Aragtida Dowlada Wadajirka waa Horumarinta Waaxyaha Kala Duwan ee Dalka.”
Inta uu tababarku socdo ayaa waxaa diirada lagu saarayy mowduucyo la xiriira aragtida dowlada ee ku dhisan fikirka wadajirka ah, ee horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo miyiga, warshadaha, horumarinta magaalooyinka iyo magaaleynta, iyo dalxiiska.
Tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo aqoonta, xirfadaha, iyo kartida hoggamineed ee xubnaha Xisbiga Barwaaqo.
14/11/2025
Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay tababbar loo qabtay qaar kamid ah macallimiinta kulliyadda.
Tababbarkan ayaa ahaa mid ay macallimiintu ku qaadanayeen casharro ku saabsan darasaadka Ficilka (Action Research) iyo software-ka lagu falanqeeyo daraasaadka (SPSS Training).
Kadib markii uu tababbarku soo idlaaday, waxaa dhamaan macallimiinta la dardaarmay mareeya ku-xigeenka kulliyadda Mudane Cabdi Macallin, iyo agaasinka waaxda fidinta adeegga warshadaha iyo gudbinta farsamooyinka casriga ah. iyagoo ku boorriyay in waxyaabaha ay tababbarka ku qaateen loo beddelo wax-qabad miro dhal ah oo ka muuqda shaqada macallinka.
11/11/2025
Waxaa degmada doollo addo gaadhay xubno kasocda kulliyad xirfadaha iyo Farsamada ee Filtu.
Ujeedka guud ee xubnahani ayaa ahaa wacyigalinta iyo abaabulka soo xareynta ardayda sannad miisaniyeedka 2018 t.i sameynta darasaadka baahida farsamooyinka casriga ah.
Sidoo kale xubnaha ayaa sameyay daraasadka dadka halabuurka leh iyo uruurinta xogaha shirkadaha.
Uga horeyn xubnaha ayaa kulan laqaatay maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan iyaga u sharaxay fa'idada aay ubadkooda u leedahay barashada xirfadaha kale duwan.