25/12/2025
Qiyaas adigoo buur dhexeeda ku jira, roob xoogganina uu da’ayo, kadibna aad gashay god si aad naftaada uga gabbaadsato .. Laakiin mar qura uu soo dhacay dhagax wayn oo xiray afkii godka aad ka soo gashay
Mugdi iyo Cabsi ayaa ku hareeray. iyo hawo yaraan Geeriduna waxay u muuqataa mid la hubo.
Sheekadani ma ahan mid aan iska abuuray, balse waa dhacdo dhab ah oo uu Xabiibkeenna Muxamed ﷺ nooga waramay, taas oo ku dhacday saddex nin oo wada safrayay waagii h**e.
Markii dhagaxu xiray, waxay isku dayeen inay riixaan, laakiin dhagaxu ma dhaqaaqin. Ugu dambayn, Waxay garowsadeen inaysan xoog kaga baxayn, ee ay kaliya ku badbaadi karaan Xiriirka gaarka ah ee ay Alle la leeyihiin".
Waxayna ku heshiiyeen in mid walba uu Alle ku baryo camalkii ugu khayrka badnaa ee uu sameeyay isagoo Alle dartiis u sameeyay.
Kii ugu horreeyay ayaa billaabay oo yiri:
"Ilaahow, waxaan lahaa labo waalid oo aad u da’ weyn, mana aanan siin jirin caanaha fiidkii cidna iyaga ka hor, ha ahaato qoyskayga ama xoolahayga. Maalin ayaa raadinta daaqa geedaha ila fogaatay, markaan imidna way hurdeen. Waan dhibsaday inaan toosiyo, mana aanan jeclaysan inaan cid kale siiyo iyaga ka hor. Weelka ayaan gacanta ku hayay anigoo sugaya inay toosaan ilaa waagu ka baryay, markaas ayay tooseen oo ay caanahoodii cabbeen.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Markaasuu dhagaxii yara furmay, laakiin weli ma bixi karaan.
Waxaa hadlay kii labaad oo yiri: "Ilaahow, waxaan lahaa gabar ina adeertay ah oo aan dadka ugu jeclaa. Waxaan ka dalbaday nafteeda wayna iga diiday, ilaa ay ka timid sano abaar daran ah. Way ii timid, waxaana siiyay Boqol iyo Labaatan (120) Diinaar si ay nafteeda iigu oggolaato. Wayna yeeshay duruufda haysata darteed. Markii aan u awood sheegtay, waxay tiri: 'Alle ka cabso, hana ku xad gudbin sharaftayda ilaa si xaq ah oo xalaal mooyee.
Markaas ayaan ka leexday anigoo aad u jecel iyada, dahabkii aan siiyayna waan u dhaafay.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Dhagaxii haddana wuu dhaqaaqay, laakiin weli ma bixi karaan.
Ugu dambayntii, Waxaa hadlay kii saddexaad oo yiri: "Ilaahow, waxaan shaqaaleeyay dad Shaqaale ah, xaqoodiina waan siiyay marka laga reebo nin kaliya oo isagu tagay isagoo xaqiisii qaadan. Lacagtiisii waan u dhaqaaleeyay oo waan u maal galiyay ilaa ay ka dhasheen xoolo badan. Muddo dheer kadib ayuu ii yimid wuxuuna yiri: 'Addoonkii Allow, ii dhiib xaqaygii'.
Waxaan ku iri: Intaas aad arkayso oo geel, lo', ari iyo addoomo ahba, xaqaadii waaye ee qaado.
Ninkii wuu yaabay oo yiri: 'Addoonkii Allow, ha igu jees jeesin. Waxaan ku iri: 'Kuguma jees jeesayo'.
Markaasuu qaatay xoolihii oo dhan, waxbana k**a uusan tagin.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Isla markii uu hadalka dhammeeyay, dhagaxii weynaa wuu dhaqaaqay, waddadiina way u furantay, wayna soo bexeen iyagoo nabad qaba oo socda.
Walaal, ogoow marka ay albaabada dunidu kaa xirmaan, in waxa kuu furayaa ay yihiin camalkaaga wanaagsan ee aad "Sirta" uga dhigtay adiga iyo Alle dhexdkiina. Sidaa darteed, kaydso camal wanaagsan oo aad maalinta cidhiidhiga kaga baxsato.
Hadaba, saddexdan nin sheekadooda ninkee baa kuugu saamayn badnayd?
Fadlan ila Share garee muuqaalkan, waayo dad badan ayaa u baahan inay ogaadaan qiimaha camalka wanaagsan.. 💯
Inta aanan kala tagin, aynu ku wada salinno Xabiibkeenna Muxamed (SCW)... 🤍