Bal ila qiyaas in waqtigu istaagay .. oo guuxa iyo sawaxanka nolosha oo dhammi ay aamuseen..
Aan qalbiyadeena u dhoofinno Madiina... Maalintii ugu tiiraanyada badnayd ee soo marta taariikhda dunida..
Muuqaalku ma ahan goob dagaal, mana ahan fagaare la camiray, ee waa qol yar gudihiis, oo ay hadheysay aamusnaan murugo xambaarsan
Halkaas, waxaa gogosha saaran Sayidkii Aadanaha,
Nabi Muxammad (SCW),
oo ku jira daqiiqadihiisii ugu dambeeyay ee adduunyada..
Jirkii sharafta badnaa ee xambaaray culayska dacwada saddex iyo labaatan sano,
ee u dulqaatay dhibkii gaalada iyo gaajadii go'doominta
ayaa hadda la tacaalaya sakaraatul mawdka..
Qolka bannaankiisa, waxaa fadhiyay Saxaabadii..
iyagoo ay hareeysay tiiraanyo aad u wayn, qalbiyadooduna la gariirayaan cabsi,
rumeysan la' in "Iftiinkii" noloshooda iftiimiyay uu hadda sii damayo..
Gudaha qolka .. Waxaa si aamusnaan ah u ilmaynaysa inantii Rasuulka, Faaduma (RC), iyadoo cod tiiraanyo leh ku leh: "Aabow.. Kurbada iyo sakaraadka ku haya cuslaa"
Isagoo xaaladaas ku jira, ayuu si hoose dhegteeda
ugu sheegay erayo sir ah, markaasay ooyday .. hadana mar kale ayuu wax u sheegay, markaasay qososhay.
Markii dambe oo arrintaas wax laga waydiiyayna, waxay tiri:"
"Marka h**e wuxuu ii sheegay inuu dhimanayo, waan ooyay .. Marka dambe wuxuu ii sheegay inaan ahay qofka ugu horreeya ehelkiisa ee ka daba iman doona, farxad darteed ayaana u qoslay."
Subxaanallaah Jacaylka ay u qabto ma aysan doonayn inay daqiiqadna ka maqnaato aragtidiisa..
Laakiin waxa layaabka leh ma ahayn xanuunka jireed ee hayay, ee waa waxa ku dhex jiray qalbigiisa sharafta badan xilli uu adduunyada macsalaameynayay..
Daqiiqadahaas adag ee sakaraadka, marka ay naftu dhuunta timaado, ee qof walba uu naftiisa kaliya u cararayo .. Nabigu (SCW) ma uusan dalban raaxo uu ku nasto, mana uusan ka tagin hanti iyo adduunyo toona..
ee wuxuu isugu geeyay awoodiisii hartay, wuxuuna kor u qaaday codkiisa oo daciif ah si uu nooga tago dardaarankii ugu dambeeyay, sida aabe naxariis badan oo u dardaarmaya carruurtiisa markii ugu dambeysay:
Salaadda... Salaadda .. iyo wixii ay gacmihiinnu hanteen."
Kadibna... waxaa dhacay wixii qalbiyada damqayay.
Daqiiqaddii ay ruuxdiisa daahirka ah u hilowday inay u hoyato Rafiiqul-Aclaa, Waxaa dibnihiisa sharafta leh ka soo baxay kalmad soo koobtay noloshiisa oo dhan:"
Ma uusan oran: “Naftayda”
mana uusan oran: “Ehelkayga”
ee wuxuu yiri cod jacayl iyo raxmad ka buuxdo:
"Ummaddayda.. Ummaddayda."
Bal ila qiyaas wll..
Inagoon goobtaas joogin,
Oo aanaan arag nuurka wejigiisa..
Haddana waxaan ku dhex jirnay
qalbigiisa xilligaas adag.
Wuu inoo damqanayay,
Wuxuuna inoo jeclaa si ka badan sida aan nafteena u jecelnahay..
Ugu dambayntii .. Jirkiisi daahirka ahaa wuu nastay,
Ruuxdiina waxay u hoyatay Rabbigeed..
Laakiin .. Jirkii uun baa naga qarsoomay, Balse xiisihii aan u qabnay ayaa qalbiyadeena ku haray..
Waana xiisahaas midka nagu kallifaya inaan qiranno xaqiiqada ah:
inaan gaabinay, oo tallaabadu nala simbiriirixatay marar badan .. Laakiin rajadeennu waa mid qura: Waa jacaylkii uu inoo qabay, iyo ducadiisii aan la celinayn.
Ilaahayow.. 🤲🤲🤲
sida aan u rumaynay asaga annagoo aan arag,
ha noo diidin inaan aragno Maalinta Qiyaamaha.
Naga dhig kuwa ka cabba gacantiisa sharafta leh,
cabitaan aan waligeed haraad ka dambayn..
si aan ugu niraahno markaas:
Ya Xabiiballaah .. waan kuu xiisnay.. ❤️🥰
Allow nabad iyo naxariis dushiisa ka yeel Nabi Muxammad ﷺ..
naguna kulmi isaga Jannada Naciimka, aniga, adiga, iyo dhammaan inta tiri: Aamiin..
Amin Ugas Mahad
alxamdulilah الحمد لله على كل حال
Bartamaha suuqii Madiina oo camiran, dadkuna ay ku mashquulsan yihiin ganacsi iyo adduunyo .. oo dadka qiimahooda lagu cabbiro jeebkooda iyo maalkooda
Waxaa dhex taagnaa nin alaabtiisa iibinaya, mana ogeyn in taariikhdu xusi doonto weligeed, sababtoo ah kelmad ka soo baxday Ninkii ugu sharafka badnaa koonka ﷺ.
Ninkani waa Saahir Ibnu Xiraam.
Waa nin reer miyi ah, faqiir ah, suurad ahaanna aan qurux badnayn, dadka magaca lehna k**a mid ahayn. Laakiin Rasuulka (SCW) ayaa si dhab ah u jeclaa.
Markuu miyiga ka yimaado wuxuu hadiyado fudud u keeni jiray Nebiga, Nebiguna (SCW) wuxuu dhihi jiray hadal qalbigiisa qaboojiyo:
"Saahir waa reer miyigeenna, annaguna waxaan nahay reer magaalgiisa"
Maalin isagoo suuqa jooga oo mashquul ah, ayaa waxaa gadaal kaga yimid gacmo diirran oo indhaha ka qabtay Saahir wuu naxay, wuxuuna yiri: "I daa! Waa kuma kan?"
Markuu soo jeestay .. wuxuu arkay wejigii nuurka badnaa ee Rasuulka (SCW). Farxad darteed, Saahir wuxuu hilmaamay suuqii, wuxuuna bilaabay inuu dhabarkiisa ku dhajiyo laabta Nebiga (SCW) si uu barako iyo ammaan u helo.
Nebiga (SCW) ayaa qoslay, oo dadkii suuqa joogay ku yiri isagoo saaxiibkii la kaftamaya:
«Yaa iibsanaya addoonkan?».
Halkaas .. Saahir wuxuu ku hadlay kelmad xanuun badan oo qalbigiisa ku jirtay, wuxuu yiri: "Rasuulkii Allow .. haddaba walahi waxaad ogaan doontaa inaan raqiis ahay oo cidina i rabin".
Nebigu (SCW) ma uusan oggolaan inuu qalbigiisu jabo, wuxuuna cod hoose oo naxariis leh ugu jawaabay:
«Laakiin .. Adigu Alle agtiisa faqiir k**a tihid .. Adigu Alle agtiisa Qaali baad ka tahay».
Saahir suuqa wuu ka baxay isagoo faqiir ah sidii uu ku soo galay, laakiin wuxuu ka baxay isagoo qalbigiisu yahay boqor. Wuxuuna si dhab ah u ogaaday in qiimaha dhabta ah uusan ahayn quruxda wejiga iyo lacagta, balse ay tahay sida uu Alle kuu arko.
Walaal, Dhowrista qalbiyada dadka waa Cibaado .. kelmad kaliya ayaa qof noloshiisa beddeli karta.
Ha ka bakhaylin kelmadda wanaagsan .. Mention dheh qof aad jeceshahay, una sheeg: "Walaal, adigu Qaali baad tahay".
Ugu dambayntii Haddii ay qisadan taabatay qalbigaaga, la wadaag dadka kale. Follow-gaagu waa taageero, Share kaaguna waa jacayl..
Saxaabigii Alle Tooska ula Hadlay Bilaa Xijaab..
Waxa uu ahaa Cabdullaahi Binu Camr Binu Xaraam Al-Ansaari (RC), oo ah aabaha saxaabiga caanka ah ee Jaabir Binu Cabdullaahi. Wuxuu ahaa nin iimaan dhab ah leh, oo aad ugu ooman inuu jidka Alle ku shahiido.
Ka hor inta aan loo bixin duulaankii Uxud, wuxuu u yeeray wiilkiisa Jaabir, wuxuuna ku yiri hadallo yaqiin iyo sagootin ka buuxdo:
"Wiilkaygiyow, Wallaahi waxaan isku arkaa inaan noqon doono kuwa ugu horreeya ee dagaalkan lagu
d!layo, dayn baa igu maqan ee iga bixi, walaalahaana si wanaagsan u dhowr."
Cabdullaahi wuxuu dhalay sagaal gabdhood, Jaabirna wuxuu ahaa wiilka qura ee uu lahaa.
Markii uu dagaalku bilowday, Cabdullaahi wuxuu soo bandhigay geesinimo aan la soo koobi karin, isagoo si naf hurnimo ah u dagaallamay ilaa uu ka shahiiday, wuxuuna ka mid ahaa shuhadadii ugu horraysay ee Uxud.
Dagaalka kadib, Jaabir ayaa yimid isagoo raadinaya meydka aabihiis. Maadaama gaaladii ay si arxan darro ah u jar! jareen oo ay u j!rdileen meydadka shuhadada,
Asaxaabtuna waxay isku dayeen inay Jaabir u diidaan inuu arko aabihiis oo xaaladaas ku sugan.
Laakiin Nabiga (SCW) ayaa yiri: "Iska daaya ha arkee."
Jaabir wuxuu yiri: "Markaan arkay wajiga aabahay, ayaan oohin is celin waayay."
Markaasuu Nabiga (SCW) u qalbi qaboojiyay oo yiri:
"Ooy ama ha ooyin, Malaa'igta ayaa garbaheeda ku hadhaysay ilaa kor loo qaaday." (Xadiis Saxiix ah).
Kadib Nabiga (ﷺ) ayaa u sheegay bishaaro weyn oo aan cid kale la siin, wuxuuna yiri:
"Jaabirow, Alle cidna lama hadlin weligiis ilaa inuu Xijaab gadaashiis kala hadlo ma ahee, laakiin Aabahaa si toos ah oo fool ka fool ah bilaa Xijaab ayuu ula hadlay"
Nabiga (SCW) wuxuu sii raaciyay in Alle uu ku yiri Aabahaa: "i weydiiso waxaad doonto waan ku siinayaaye."
Cabdullaahi wuxuu yiri: "Rabbiyow, dunidii dib iigu celi, si aan dartaada mar kale ugu shahiido."
Alle wuxuu yiri: "Waxaa xaggeyga ka ahaatay oo xukunkayga ah inaan dunida dib loogu soo laabanayn."
Cabdullaahi wuxuu yiri: "Haddaba Rabbiyow, gaarsii kuwa iga dambeeya xaalkayga iyo inaan raalli kaa ahay, adiguna aad raalli iga tahay."
Markaasuu Alle soo dejiyay aayaddan Qur'aanka ah ee la akhrin ilaa Maalinta Qiyaamaha:
﴿ولا تحسبنَّ الذين قُتلوا في سبيل الله أمواتًا، بل أحياءٌ عند ربهم يُرزقون، فرحين بما آتاهم الله من فضله﴾
﴾Ha u malaynina kuwa jidka Alle lagu dilay inay dhinteen, balse waa nool yihiin oo Rabbigood agtiisa ayaa lagu arzaaqayaa, iyagoo ku faraxsan waxa Alle siiyay oo fadligiisa ah﴿ [Aali-Cimraan: 169].
Intaas kadib, Rasuulka (SCW) wuxuu Jaabir ku garab istaagay bixinta dayntii aabihiis lagu lahaa, wuxuuna u barakeeyay timirtiisa ilaa dayntii oo dhan laga wada bixiyay.
Lix sano oo kaliya ayuu Cabdullaahi Binu Camr ku dhex jiray Islaamka, laakiin run sheegnimadiisa iyo daacadnimadiisa ayaa gaarsiisay maqaam aad u weyn:
- Waa Shahiid Jidka Alle ku dhintay.
- Waa mid Alle toos ula hadlay Bilaa Xijaab.
- Waa mid aayad Qur'aan lagu soo dejiyay oo la akhrin ilaa Qiyaamaha.
Alle ha ka raalli noqdo, annagana Jannada ha inagula kulmiyo.
Gabagabadii.. Alle waxaan ka baryaynaa inuu na siiyo iimaan dhab ah, jacaylka shahiidnimada, iyo khatimo wanaagsan, nagana dhigo kuwa raaca Sunnada Nabiga (ﷺ)..
اللهم صلِّ وسلم وبارك على نبينا محمد، وعلى آله وصحبه أجمعين.
Qiyaas adigoo buur dhexeeda ku jira, roob xoogganina uu da’ayo, kadibna aad gashay god si aad naftaada uga gabbaadsato .. Laakiin mar qura uu soo dhacay dhagax wayn oo xiray afkii godka aad ka soo gashay
Mugdi iyo Cabsi ayaa ku hareeray. iyo hawo yaraan Geeriduna waxay u muuqataa mid la hubo.
Sheekadani ma ahan mid aan iska abuuray, balse waa dhacdo dhab ah oo uu Xabiibkeenna Muxamed ﷺ nooga waramay, taas oo ku dhacday saddex nin oo wada safrayay waagii h**e.
Markii dhagaxu xiray, waxay isku dayeen inay riixaan, laakiin dhagaxu ma dhaqaaqin. Ugu dambayn, Waxay garowsadeen inaysan xoog kaga baxayn, ee ay kaliya ku badbaadi karaan Xiriirka gaarka ah ee ay Alle la leeyihiin".
Waxayna ku heshiiyeen in mid walba uu Alle ku baryo camalkii ugu khayrka badnaa ee uu sameeyay isagoo Alle dartiis u sameeyay.
Kii ugu horreeyay ayaa billaabay oo yiri:
"Ilaahow, waxaan lahaa labo waalid oo aad u da’ weyn, mana aanan siin jirin caanaha fiidkii cidna iyaga ka hor, ha ahaato qoyskayga ama xoolahayga. Maalin ayaa raadinta daaqa geedaha ila fogaatay, markaan imidna way hurdeen. Waan dhibsaday inaan toosiyo, mana aanan jeclaysan inaan cid kale siiyo iyaga ka hor. Weelka ayaan gacanta ku hayay anigoo sugaya inay toosaan ilaa waagu ka baryay, markaas ayay tooseen oo ay caanahoodii cabbeen.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Markaasuu dhagaxii yara furmay, laakiin weli ma bixi karaan.
Waxaa hadlay kii labaad oo yiri: "Ilaahow, waxaan lahaa gabar ina adeertay ah oo aan dadka ugu jeclaa. Waxaan ka dalbaday nafteeda wayna iga diiday, ilaa ay ka timid sano abaar daran ah. Way ii timid, waxaana siiyay Boqol iyo Labaatan (120) Diinaar si ay nafteeda iigu oggolaato. Wayna yeeshay duruufda haysata darteed. Markii aan u awood sheegtay, waxay tiri: 'Alle ka cabso, hana ku xad gudbin sharaftayda ilaa si xaq ah oo xalaal mooyee.
Markaas ayaan ka leexday anigoo aad u jecel iyada, dahabkii aan siiyayna waan u dhaafay.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Dhagaxii haddana wuu dhaqaaqay, laakiin weli ma bixi karaan.
Ugu dambayntii, Waxaa hadlay kii saddexaad oo yiri: "Ilaahow, waxaan shaqaaleeyay dad Shaqaale ah, xaqoodiina waan siiyay marka laga reebo nin kaliya oo isagu tagay isagoo xaqiisii qaadan. Lacagtiisii waan u dhaqaaleeyay oo waan u maal galiyay ilaa ay ka dhasheen xoolo badan. Muddo dheer kadib ayuu ii yimid wuxuuna yiri: 'Addoonkii Allow, ii dhiib xaqaygii'.
Waxaan ku iri: Intaas aad arkayso oo geel, lo', ari iyo addoomo ahba, xaqaadii waaye ee qaado.
Ninkii wuu yaabay oo yiri: 'Addoonkii Allow, ha igu jees jeesin. Waxaan ku iri: 'Kuguma jees jeesayo'.
Markaasuu qaatay xoolihii oo dhan, waxbana k**a uusan tagin.
🤲 Ilaahow, haddaan taas u sameeyay raalligelintaada, naga fur dhibka aan ku jirno".
Isla markii uu hadalka dhammeeyay, dhagaxii weynaa wuu dhaqaaqay, waddadiina way u furantay, wayna soo bexeen iyagoo nabad qaba oo socda.
Walaal, ogoow marka ay albaabada dunidu kaa xirmaan, in waxa kuu furayaa ay yihiin camalkaaga wanaagsan ee aad "Sirta" uga dhigtay adiga iyo Alle dhexdkiina. Sidaa darteed, kaydso camal wanaagsan oo aad maalinta cidhiidhiga kaga baxsato.
Hadaba, saddexdan nin sheekadooda ninkee baa kuugu saamayn badnayd?
Fadlan ila Share garee muuqaalkan, waayo dad badan ayaa u baahan inay ogaadaan qiimaha camalka wanaagsan.. 💯
Inta aanan kala tagin, aynu ku wada salinno Xabiibkeenna Muxamed (SCW)... 🤍
Qiyaas nin aan d!lin hal ama labo qof.. balse d!lay 100 nafood.. 👇
Ma u malaynaysaa in qofkaas oo kale uu boos ku leeyahay naxariista Alle?
Sheekadani ma ahan mid khayaali ah, balse waa xadiis saxiix ah oo uu Rasuulku ﷺ nooga waramay. Waa nin reer Banii Israa’iil ahaa oo naftiisa ku xad gudbay, dh!ig badanna daadiyay, ilaa ay dhulku ku ciriiryoodeen, markaasuu damcay inuu toobad keeno.
Wuxuu u tagay nin Caabid ah oo cibaado badan balse cilmi yar, wuxuuna waydiiyay: "Waxaan d!lay 99 qof, ee toobad ma ii bannaantahay?".
Ninkii caabidka ahaa arrintii ayuu waynaysaday wuxuuna yiri: "Maya".
Ninkii wuu carooday, waana d!lay caabidkii si uu tirada uga dhigo 100! 💯
Laakiin dabkii qoomamada iyo shalaayga k**a demin qalbigiisa..
Wuxuu raadiyay Caalim fahmaya naxariista Alle, wuxuuna waydiiyay isla su’aashii: "Waxaan d!lay 100 qof, ee toobad ma ii bannaantahay?".
Caalimkii wuxuu ugu jawaabay hadal rajo beelkii burburiyay: Oo yaa kaa hor istaagi kara toobadda Alle?
Laakiin wuxuu kula taliyay shuruud muhiim ah, isagoo ku yiri: "Ka tag dhulkaaga waayo waa dhul xun, oo aad tuulo kale oo ay joogaan dad Alle caabuda ee la cibaadeyso".
Ninkii wuu baxay isagoo toobad keenaya, qalbigiisuna uu lugihiisa ka dheereeyo.. Balse dhexda ayaa geeridii ugu timid..
Halkaas waxaa ka dhacay dooddii u dhaxaysay Malaa'igta Naxariista iyo Malaa'igta Cadaabka.
🔴 Malaa'igta Cadaabka waxay tiri: "Weli khayr ma uusan samayn".
🟢 Malaa'igta Naxariista waxay tiri: "Wuxuu yimid isagoo toobad keen ah oo qalbigiisu Alle u soo jeedo".
Alle ayaa u waxyooday Malaa'igtii inay qiyaasaan masaafooyinka labada tuulo dhulka xun iyo dhulka toobadda.
Riwaayadaha qaarkoodna waxay sheegayaan, in Alle amray dhulkii wanaagsanaa inuu soo dhawaado, dhulkii xumaana inuu sii fogaado..
Waxayna heleen isagoo dhulkii toobadda hal taako uga dhow.. Sidaas ayaana Alle ugu dambidhaafay
Cibro qaadashada qisadan waxay ina baraysaa:
Weligaa ha xirin albaab uu Alle furay, hana quusan si kasta oo dambigaagu u waynaado. Haddii qalbigaagu si dhab ah Alle ugu soo jeesto, Alle wuxuu kuu sakhirayaa koonka oo dhan si laguugu aqbalo. Naxariista Alle ayaa ka waasacsan dambiyadeenna oo dhan.
Qaybtee kuugu saamayn badnayd sheekadan? Horay ma u maqashay?
U share garee muuqaalkaan si niyad leh, waayo qofka wanaagga ku haga dadka, ajarkiisu wuxuu la mid yahay kii sameeyay. 🤍🥰
Waxaana laga yaabaa share gareentaadu inay toosiso qalbi hurda ama ay rajo geliso naf daalan.. 💯😍
غباء منك نعم غباء منك
أن تعيش حياتك حزينا بسبب شخص يعيش حياته بكل سعادة
Laga soo bilaabo nin u baxay inuu dilo Nebiga ﷺ .. ilaa daaci dadka hanuuniya
Dagaalkii Badar kaddib, waxaa wada fariistay Cumayr bin Wahab iyo Safwaan bin Umayya. Wiilka Cumayr wuxuu maxbuus u ahaa Muslimiinta, Cumar qalbigiisana waxaa ka buuxay caro iyo ciil aad u daran.
Cumayr ayaa ku yiri Safwaan:
"Haddii aysan ahaan lahayn dayn igu taagan iyo baqdin aan u qabo carruurtayda inay dayacmaan gadaashay .. waan tegi lahaa oo dili lahaa Muxammad ﷺ"
Safwaan ayaa ugu jawaabay:
"Dayntaada anigaa qaba... carruurtaaduna waa carruurtayda… Soco oo soo dil Muxammad (SCW)"
Cumayr wuxuu qaatay seeftiisii, wuxuuna u kicitimay dhanka Madiina, laakiin Alle ayaa u qoray waddo kale…
Markii uu Madiina gaaray, waxaa arkay Cumar bin Khaddaab oo yiri:
"Wallaahi ninkani shar mooyee wax kale uma imaan"
Wuxuuna si adag u qabtay oo u geeyey Nebiga (SCW).
Cumayr wuxuu istaagay Rasuulka (SCW) hortiisa, isagoo iska dhigaya inuu u yimid furashada wiilkiisa, laakiin Nebiga (SCW) ayaa kashifay sirtii qarsoonayd, wuxuuna ku yiri:
"Mayee, waxaad u timid inaad i disho…"
Seeftii ayaa gacantiisa ka dhacday, Cumayr wuxuu la qarxay oohin wuxuuna yiri:
"Waxaan qirayaa inaad tahay Rasuulkii Alle .. Wallaahi cidna ma ogayn arrintan aniga iyo Safwaan mooyee"
Wuxuuna si daacadnimo ah u raaciyey:
"Waxaan la dagaallamayey nuurka Alle, waxaana dhibi jiray Mu'miniinta .. ee ii idan inaan aado oo aan dadkayga dacwada gaarsiiyo, haddii aysan hanuuninna sidii ay asxaabtayda u dhibi jireen ayaan u dhibayaa, dib dambena shar wade u noqon maayo."
Nebigu (SCW) wuu u oggolaaday, wiilkiisiina wuu u sii daayey, taas oo ahayd naxariis iyo deeqsinimo sare.
Cumayr wuxuu ku laabtay Makka isagoo ah daaci geesi ah, dadkana ugu yeera Islaamka, waxaana gacantiisa ku soo islaamay dad badan.
Dhanka Safwaan, markii uu maqlay islaamka Cumayr, wuu dhaartay wuxuuna yiri:
"Wallaahi lama hadlayo, waligayna waxbana tari maayo"
Maalintii Furashada Makka, Cumayr wuxuu u yimid inuu nabad iyo aamin u raadiyo Safwaan oo ka baqayey Nebiga (SCW).
Cumayr wuxuu siiyey Safwaan Go'ii ama Burdadii Nebiga (SCW) calaamad ahaan inuu aamin yahay, markaas ayuu Safwaan xaqiiqsaday naxariista Islaamka, wuxuuna ku soo biiray diinta isagoo qalbigiisu dhab u rumeeyey.
Aqyaarta Qisadani ma ahan dhacdo taariikheed oo kaliya, ee waa cashar ku saabsan isbeddelka quluubta iyo hanuunka nafta, iyo sida uu Alle ugu furo waddada khayrka xitaa ciddii ku noolayd mugdiga.
Aan ka qaadanno cashar iyo cibro qisadaan: Ninkii u baxay inuu dilo Nebiga (SCW) .. wuxuu noqday daaci dadka hanuuniya.. Allahu Akbar..☝️❤️
Igula saliya Nebiga (SCW) Waxaan Alle ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwo hadalka dhegaysta oo raaca kiisa ugu wanaagsan.. ❤️🤲🥰
Ugu dambeyntii, haddii aad jeceshahay dhacdooyinka cajiibka ah ee taariikh nololeedka Nebigeenna ﷺ iyo qoraallada diiniga ah ee xusuusta iyo iimaanka xoojiya,
follow saar page-ka.. 🫡❤️
Xigasho Xamse mx
Qisada Ninkii Amray Wiilashiisa Inay Gubaan Cabsi Uu Alle Ka Qabo Darteed.. 😰🔥
Dadkii inaga horreeyay ee Reer Banii Israa'iil waxaa ku jiray nin dambiyada ay culaysiyeen ilaa ay la noqotay inuu xambaarsan yahay buuro Wuxuu cimri dheer ku noolaa macsi, khayrkana uma badneyn. Naftiisa wuxuu ka dareemayay daciifnimo iyo inuu ka fog yahay cibaadada Alle, ilaa uu qalbigiisu la gariiray cabsi uu ka qabo wixii uu horay u sameeyay. Maalmuhu way socdeen isaguna wuxuu sii dhex galayay badweynta dambiyada, inkastoo uu hoosta ka ogaa in la kulanka Alle uu xaq yahay, xisaabtuna ay tahay mid dhici doonta, haddana ma awoodin inuu soo laabto; dambiyada ayaa qafaashay, waxaana kaxaysatay hawada naftiisa.
Markii ay soo dhawaatay saacaddii geerida, oo uu dareemay in malaa'iktii Alle ay cimrigiisa dhinac kasta ka soo hareereeyeen, ayuu u yeeray wiilashiisii isagoo ku jira daqiiqadihiisii ugu dambeeyay, wuxuuna ku yiri ereyo Saamen leh:
"Wiilashaydow, anigu weligay khayr ma samayn. Haddii aan dhinto i guba, kadibna i shiid, dabadeedna dambaskayga ku firdhiya hawada maalin ay jiro dabaylo aad u xoog badan, wallahi haddii Alle awoodda leh igu xaladdaan wuxuu i cadaabi doonaa cadaab uusan cidna ka mid ah uunkiisa ku cadaabin."
📚 Waxa wariyay Bukhaari iyo Muslim
Waa nin ka cabsanaya Alle inkastoo uu dambiile yahay. Qalbigiisu wuxuu qirsan yahay weynida Alle xitaa haddii uu amarkiisa khilaafay. Cabsidiisa ayaa ka weynaatay camalkiisa, rajada uu badbaadada ka qabayna way ka xoog badnayd macsidiisa. Kadibna ninkii wuu dhintay...
Wiilashiisii way sameeyeen wixii uu amray; way gubeen, wayna shiideen ilaa uu dambas noqday, dabadeedna waxay qaadeen dambaskiisii oo ay ku firdhiyeen hawada. Dabayshuna waxay u kala daadisay jihooyin kala duwan, dambaskiisuna wuxuu noqday qayb ka mid ah dhulka, ciidda, buuraha, iyo badda, isagoo u malaynayay inuu ka dhuuman karo indhaha Xisaabta.
Laakiin yaa leh boqortooyada Samooyinka iyo Dhulka?
Yaa waxa uu doono ku yiraahda "Ahow" oo ay noqdaan?
Alle ayaa ka soo ururiyay qaybihiisii kala firdhay, in yar in yar, wuxuuna ku soo celiyay sidii uu ahaa maalintii ugu horreysay ee la abuuray, ilaa uu ninkii hor istaagay Alle isagoo addoon daciif ah oo gariiraya.
Markaas ayaa Rabbiga Caalamiinta Awoodda leh ku yiri:
"Maxaa kugu xambaaray waxa aad samaysay?"
Ninkii ayaa ku jawaabay isagoo khushuucsan oo cabsi la gariiraya:
"Cabsidaada, Rabbiyow."
📚 Saxiiix Muslim
Markaas ayuu Alle (SWT) yiri kalmad koonka gilgishay:
"Waan kuu dambi dhaafay."
Waa loo dambi dhaafay inkastoo uu dambiyo lahaa. Uma shafeeco qaadin camal suuban, mana badbaadin soon iyo salaad, balse waxaa badbaadiyay Cabsida Dhabta ah ee uu Alle ka qabay iyo iimaan nool oo ku soo dhacay dhamaadkii cimrigiisa.
Hadaba aqyaarta Casharada iyo Cibrada aan ka baran karno Qisadaan ayaa ah: Naxariista Alle Waxay ka weyn tahay dambiga si kasta oo uu u weyn yahay .. Cabsida Alle Waa mid ka mid ah camallada qalbiga ugu weyn, waxayna sabab u noqon kartaa badbaadada.
Qofkii Alle u soo laabta, xitaa haddii uu cimri dheer ku jiray macsi, wuu badbaadaa .. Alle waxba k**a awood badna, wuu ogyahay halka ay martay in yar oo kasta oo jirka bini'aadamka ka mid ah.
Ugu dambayntii muhiimaddu maaha sidaad ku bilaawday macsida, ee waa sidaad ku heli laheed Khaatumo wanaagsan.
Alle (SWT) wuxuu ku yiri quraanka:
﴿قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ﴾
Haddii qisadani taabatay qalbigaaga, Sii faafi, laga yaabee inay baraarujiso naf ku jirta macsi ama ay toosiso naf daalan, ama ay u furto albaabka rajada qalbi murugaysan.
Waxaa laga yaabaa inuu aqriyo qof dambigu culaysiyay sida ninkaan oo kale, markaasna uu ku badbaado sababtaada .. Sidee bay u qurux badan tahay inaad sabab u noqoto in qof bini'aadam ah uu Rabbigiis u soo laabto. Qiyaas ajarkaas.. 😍
Ugu dambayntii soo qor Magac ka mid ah Magacyada quruxda badan ee Alle.. ☝️❤️
Haddi aad tahay dadka xiiseeya muuqaalada diiniga ah fadlan follow deh profile-ka.. 🫡❤️
Xigasho: hamza mx
27/11/2025
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Community School
Jijiga
2646
