22/11/2023
Ol'olaha nadaafadu waa fayo-dhawrka iyo bilicda guud ee bulshada iyo deegaanka
/Jigjiga, Arbaca, Gudba / Hidhaar / November 22 2023, Xafiiska Beeraha ee DDS/
Ol'ole nadaafadeed oo ay kasoo qeyb-qaateen hogaaminta iyo shaqaalaha xafiiska ayaa ka qabsoontey xaafada lixaad [6aad] ee Maamulka Magaalada Jigjiga taas oo loogu diyaargarobayo xuska maalinta qoomiyadaha ee lagu qaban doono caasimada deegaanka ee Jigjiga.
20/10/2023
Waxaa maanta oo Jimce ah ka bilaabmey isla markaana ka qabsoomey hoolka iyo waaxda khayraad dabiiciga ee xafiiska imtixaanka tartamayaasha mashruuca [PACT/IFAD] ee boosaskan kala ah:
*Monitoring and Evaluation Specialist
*Knowledge Management & Communication Specialist
*Environment & Climate Change Assessment Specialist
*Environmental, Social & Climate Safeguard Specialist
*Gender & Social Inclusion Specialist
*Senior Finance Management Specialist
*Procurement Specialist
Ku xidhnow bogga Xafiiska Beeraha DDS.
18/10/2023
ℹ️ Sadaasha roobka todobaadlaha ee gaarka ah Dirir / Diqimti / 17 - 24 October 2023
🌧️ 🌧️ Roob miisaan leh ayaa laga filayaa gaar ahaan gobolada , , , , , iyo nawaaxigooda.
Faahfaahin dheeri ah 👉 shorturl.at/qxUY5
18/10/2023
Xafiiska Beeraha ee DDS waxa uu ogeysiinayaa tartamayaasha mashruuca [PACT/IFAD] iney soo baxeen Liiska-kooban (Shortlist) boosaskan kala ah:
*Monitoring and Evaluation Specialist
*Knowledge Management & Communication Specialist
*Environment & Climate Change Assessment Specialist
*Environmental, Social & Climate Safeguard Specialist
*Gender & Social Inclusion Specialist
*Senior Finance Management Specialist
*Procurement Specialist
Sidaas darteed, waxaan marlabaad ogeysiineynaa iney usoo diyaargarobaan imtixaanka maalinta Jimcaha ah ee Dirir / Diqimti / October/20/2023 saacaduna waa 09:00 AM ama 03:00 Subaxnimo goobtuna ay tahay hoolka Xafiiska Beeraha DDS.
04/10/2023
ℹ️ Xarunta Adeegsiga iyo Sadaasha Cimilada ee IGAD
Digniinta xaalada fatahaadaha ee la filayo 04 - 11 Kodxin/Dirir Meskerem/Diqimti / October 2023 - Sadaasha roobka todobaadlaha ee gaarka ah
🌊 Roobab aad usii miisaan culus ee ayaa laga filayaa gaar ahaan gobolada , , , iyo nawaaxigooda. Waxayna sare u qaadeysa duufaanadaasi iney saameyn ku yeeshaan hab-nololeeyada ka jira goobahaas ee u nugul fatahaadaha
Sidaas darteed, waxaan bulshada xoolo-dhaqato iyo xoolo-dhaqato beeraleyda ku wargalineynaa iney taxadir iyo feejignaan dheeri ah ka sameeyaan isla markaasna dalagyada jiinka wabiga, dooxooyinka iyo togagga hareerahooda ay kala baxaan sida: matoorada, dalagyada gaadhey xiligii goosashada ama la goostey iyo agabyada kale ee u nugul fatahaadaha la filayo.
Faahfaahin dheeri ah 👉shorturl.at/oIQ78
03/10/2023
Guddiga sare ee qorsheynta isbaddelka beeraha (Agricultural Transformation Plan) ayaa yeeshay kulan lagu qiimaynaayo qorshaha isbaddelka beeraha taasi oo ay ujeeddadeedu tahay sidii loo kobcin lahaa wax-soo-saarka deegaanka si loo abuuro isku filaansho dhinaca cuntada ah.
03/10/2023
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in isticmaalka qalabka beeraha uu aasaas u yahay horumarinta waxsoosaarka beeraha.
Xafiiska beeraha DDS ayaa cadeeyay in sannadkan qorshe ahaan loo qaatay in deegaanka la qodo dhul dhan 856 kun oo hiktar oo laga filayo inay ka soo go'aan 29 milyan oo kiintaal oo dalagyada kala duwan ah, si qorshahaasi loo xaqiijo loo baahan yahay helida qalabka beeraha oo badqaba gaar ahaan cagafyada wuxuuna xafiisku 15 degmo oo deegaanka ah ka soo kala xulay xubno isugu jira wadayaasha cagafta iyo farsamo -yaqaano si loo baro cilladbixinta cagafyada si loo yareeyo caqabdaha lasoo darsa qalabka beeraha xilliga falashada.
Xubnahan oo muddo ku jray kulliyada xirfadaha kala duwan ee Jigjiga ayaa la baray xirfado badan oo hada kahor ka daahnaa hakadna galin jiray shaqooyinka ay qabteen gaar ahaan xili-beereedka.
27/09/2023
Barashada farsamooyinka iyo xirfadaha qalabka beeruhu waa furaha dhaxal-reebka u noqonaya hannanka beerashada casriga ah ee waxsoosaarka beeraha
/Jigjiga : Kodxin 15/2016 T.I : Xafiiska Beeraha DDS/
Xafiiska Beeraha ee DDS oo ka duulaya qorshayaasha horumarineed ee ku aadan dhinaca waxsoosaarka tayo iyo tiro ahaanba ayaa waxa uu xafiisku ku hawlan yahay sidii bulshada xoolo-dhaqato beeraleyda ay u isticmaali lahaayeen farsamooyinka beerashada iyo isticmaalka qalabka beeraha si loo helo waxsoosaar dhaafsiisan quudka afka iyo gacanta
Haddaba iyadoo laga duulayo qorshahaas ayaa waxa uu xafiisku gaar ahaan waaxda fidinta iyo gudbinta farsamooyinka casriga ah ay tababar ugu qabatey dirawalada iyo farsamo-yaanada qalabka mishiinada beeraha (Mechanics & Operators) xubnahaas oo ka socda 15 degmo isla markaasna ku qaadanaya Kuliyada Xirfadaha iyo Farsamada ee Jigjiga (Jigjiga Polytechnic College) ayaa si habsami leh uga socda kuliyadaas, waxaana kormeer iyo indha-indheyn kusoo marey wasiir ku-xigeenka xafiiska beeraha DDS mudane Axmednur Cabdi isagoo masuulku uu u kuurgaley geedi-socodka baris-barasho ee tababarka.
19/09/2023
ℹ️ Sadaasha roobka todobaadlaha ee gaarka ah 19 - 26 Kodxin/Meskerem/Sep 2023
⛈️🌧️⛈️ Roob miisaan leh oo sii culus ayaa laga filayaa gaar ahaan gobolka iyo nawaaxigiisa, sidoo kale roob dhexdhexaad ah gobolada kale ee , badhtamaha dalka iyo waqooyiga .
Faahfaahin dheeri ah 👉🏿 shorturl.at/puCEK