03/06/2025
Arrinta Sayidka ee maalmahan dhax wareegaysay baraha bulshada, waxaad moodaa in dadka qaarkood ay si laab la kac ah u qalad ufahmeen in sayid meeshii h**e ee uu yaalay laga wareejiyo oo lageeyo goob cusub oo kuhaboon. Haddii ay noqoto in laqaado, waa arrin u baahan in diirada lasaaro sidii si nabad ah loo xallin lahaa isdiidooyinka siyaasadeed, amni iyo midda keenaysa isku dirka dadka
Waxaa jira shaqsiyaad aan iyagu wax talo ah kulahayn in laqaado sayidka, deegaanku waa Somali galbeed, waa nabad, dawlada ayaa gacanta kuhaysa dhamaan amniga deegaanka heer tuulo illaa heer maamul magaalo, cid qabiil maanta kufaanto majirto marka lajoogo gudaha DDS, qabiilna k**a shaqeeyo
Dowlada waxaa u banaan inay la timaado xal waara oo laga gaadho dhinacyo badan oo ay siyaasadu ugu h**eyso, Waxaa jira dadka kusoo dhuumanaya xaalada hadda taagan oo deegaanka ka abuuraya khal khal amni darro taasina tuurto gal marnaba ma'aha,
Haddii ay noqoto dhinaca quruxda iyo horumarka magaalada, qof diidan majiro in sayidka lageeyo goob dalxiiska kufiican oo indhaha dadka magalada yimaada soo jiidan kara, sababtoo ah goobtii h**e waxay ahayd waddo ay gaadiidku isticmaalan oo majirin in dhalinyarta iyo guud ahaanba dadka magaaladu ay halkaas aadaan mar marka ay ciidaha tahay umbaa layara tagi jiray
Xaaladan hadda taagani waxay muujinaysaa inay imaan karaan kooxo qas wadayaal ah oo gabaad kadhiganaya hebel baa sidaa yidhi iyo anigaa haya fikir fiicane hala i dhagaysto. War adeerayaal waxyaabo idinka waawayn ayaan faraha kula jirtaane kabaxa waxan aad shacabka ku akhrinaysaan
Mar labaad: deegaanka soomalida waxaa amnigiisa gacanta kuhaya ciidan awood badan oo aan qabiil kushaqaynin, waxay qaataan amarka kasoo baxa madaxdooda, mana dhagaystaan nin kasoo horjeeda horumarka iyo nabada ballaadhan ee deegaanku maanta haysto
#
22/10/2024
Waxyaabaha ugu waawayn ee deegaankeenu kunoqon karo degaan jira oo dadku wada jeclaadaan waxaa kamida
Dhaqanka, Luuqada, Qaab labiska dharka, Diinta, Astaanta, Noocyada Cuntada, Qiyamka, Anshaxa Awlaada iyo Guud ahaan dadka,
Dhaqankeenu wuxuu inoo horseedi doonaa inaan horumarino heerka nolosheena. Qiyamka Dhaqanku waa mabaadii'da iyo fikradaha ugu waawayn ee aas aaska hab dhaqanka Bulshada
Maanta halkeen joognaa? maxaanse Ka ognahay halka uu marayo dhaqankiii deegaanku?
#
30/07/2024
10 SABABOOD OO AYNA RAGGU JECLAYN INAY GABADH KAWAYN GUURSADAAN
1. WAY XANAAQ BADAN TAHAY
Markaad wax isku qabataan ha ahaato arrimaha qoyska ama waxyaabo kale oo la xidhiidha nolosha caadiga ah, inta badan isma fahmaysaan waxayna is waydiinaysa" Hadalkayga muu maqlo" taasna waxay sababtaa inay si dhibyar u cadhooto
2. HADALKAAGA MA IXTIRAAMTO
Hadalkaaga waxba k**a soo qaadayso, waxay marwalba doontaa inaad iyada uun dhagaysato adigana waxaad tidhaahdo waxba uma aragto
3. WAY KHAYAAMO BADAN YIHIIN
Waxay soo aragtay dad kala duwan, meelo kala duwan iyo duruufo kala duwan oo aan isku dhawayn. Waxay lasoo dhaqantay dad leh dabeecado kala duwan iyo dad ayna isku wanagsanyn waligeedba. Waxay isku daydaa inay ku maamusha wax walban ay iyadu gacanta kuhayso kadibna waxyaabo badan bay is dabo marin kartaa mar haday maamulka la wareegtay
4. KUMA IXTIRAAMAYSO
Gabadha kaawayni kuma ixtiraamayso waxayba kuu aragtaa wiil ka yar oo ay iyagu siday doonto ula dhaqmi karto iyo mid aan kasoo bixi karin mas'uuliyada qoyska
5. MAR WALBA WAXAY ISKU DAYDAA INAY KU CADAADISO
Waxay isku aragtaa inay kaa khibrad badan tahay kaana waayo aragsan tahay sidookale waxaad isku qabanysaan dhanka maamulka qayska iyo xidhiidhka arrimaha bulshada iyo qaraabada sidaa darteed inta badan amarkaaga ma qaadanayso
6. WAX QABAD KEEDU MA FIICNA
Maadama ay da' ahaan wayn tahay, ma qaban karto shaqooyin badan oo yaalla guriga wayna cag culus tahay halka gabahdha yar ay daqiiqado gudohood wax walba awoodo
7. DHANKA DHALMADA CARUURTA KUMA WANAGSANA DA' AHAAN
Way waynaatay mana awoodo inay caruur badan kuu dhasho Alle kasakow Jidh ahaana hoos bay udhacday awoodeedu
8. ISMA FAHMAYSAN INTA BADAN
Waxaa laga yaaba shay ay gabadha yar fahmi lahayd oo aad si wada jir ah u wada xalin lahayden inay iyadu kaa fikir duwan tahay waxayna kuleedahy anagaa kaa wayne nadhagayso
9. LA TACAAMULKA BULSHADA
Gabadha wayni maadama ay soo martay meelo badan waxay soo aragtay dadyaw kala duwan oo nolosheeda saa
17/07/2024
Wax takhasus caafimaad ah oo ay leeyihiin malahan awal h**eba dadka waxay kaqadan jireen lacago xad dhaaf ah oo aan suurto gal ahayn marka loo eego adeeg xumadooda
Waxaa jira oo iyana marag madoon ah in qaar kamida xarumahaas dadku dhib badan ku qabeen " Tusaale"
" Maalin waxaa dhacday gabadh walaashay ah oo xanuunsan ayaan gaynay xarunta caafimaadka ee puntland 2, Markii la baadhay gabadhii, waxay nagu dheheen xogaaa suga, ileen qoladu intay waraaqaha qaadaan ayay meelo kale oo aanaan aqoon kasoo baadhayaan
Waxaan ku idhi " war seed wax uwadaan maad wax noo sheegtaan. Waxay iigu jawaabeen" Soomalida dhibka haysta waa dulqaad la'aan'e inyar iska sug" Haye baan idhi"
Waxay nagu gaaadhay illaa salaadii duhur, kadib waxaan go'aansaday inaaana maalin dambe tegin xarumahaas kor lagu sheregay
Sidookle waxaa jirta" Yilaq" wuxuu tigidhka jaraaa 3:30_ 4:00 Habeenkii waa marka ay dadku wada hurdaan
Suurto gal matahay in qof xilligaaas dhaxamaha iyo dhibaatooyinka kle iska jiraan inuu tago oo uuu waliba saf dheer sii galo?
Anigu waxaan soo jeedin lahaaba in Yilak Shaqo joojin lagu sameeyo