30/03/2026
Iskaashiga Xafiiska iskaashatooyinka DDS.
Tar:- 30/03/2026.
Goobta:- hollka xafiiska.
Saacada:-2:30
Agendayasha.
1. Dhaadhicinta Jaraaidk xisbiga
2. Dhaadhicinta jihooyinka Kasoo baxay kulankii Hogaaminta sare ee xisbiga.
3. Conference gii iskaashiga.
4. Qaadashada Kaarka Codbixinta
Waxaa saaka nooga qabsoomay hoolka xafiiska Shirkii iskaashiyada xisbiga barwaaqo ee xafiiska.Shirkan oo ay kasoo qeybgaleen hogaaminta xafiiska ayaa waxaa furay/Shirgudoomiyey wasiirka xafiiska Mudane Tahir Sheikh abd bashr.
ajandayaashaas ayey si qota dheer uga doodeen xubnaha,qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo ee Segtarka 4aad (xafiiska iskaashatooyinka.DDS.
Dood dheer kadib, Hogaaminta xafiisku waxay kula dardarmeen xubnaha xisbiga inay qataaan kaarka codbixinta, isla markaana la halgamana propaganda lagu marin habaabinaayo bulshada.
Isniin: 21 Megabit 2018T.I
16/03/2026
“A training on cooperative auditing in the region was provided to 20 professionals, with the help of the Federal Cooperative Commission, to improve the auditing of cooperatives and strengthen the quality of auditors.”
14/03/2026
tababar hanti dowrka ah oo ay bixinayeen xirfadlayaal heer fedaraal ah ayaa looqabatay xirfadlayaasha heer deegaan kaasoo ujeedadiisu ahayd xaqiijinta hanti dhowrka iskaashatooyinka DDS.
16/02/2026
Maanta abaaro maqribkii 6:40 PM waxaa noo qabsoomay Munaasabada shaacinta balanqaadka Xisbiga barwaaqo ee doorashada 7aad yakatit 9,2018 I.T kana qobsoontay taaladii h**e ee sayidka
11/02/2026
Waa astaanta uu u doortay xisbiga barwaaqo inuu isticmaalo doorashada 7 ee dalka ka dhacaysa
Waxay astaantani calaamad u tahay in xisbiga barwaaqo siiyay ahmida koobaad in lagaadho isku filaasha cuntada.
31/01/2026
Waxaa la daah-furay wajiga koowaad ee Mashruuca Dalxiiska Shabeeleey.
Munaasibadda daah-furka mashruucani waxaa ka qayb'galay Ra’iisul Wasaaraha JDFI, Dr. Abiyi Axmed, Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Soomaalia, Mudane Xasan Sheekh Maxammuud, masuuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan.
Xaruntani oo ay ku baxday lacag ku dhaw 8 Bilyan oo Birr ayaa dhismaheeda si hal-abuur leh loogu qaabeeyay Buulka dhaqanka Soomaalida, oo astaan u ah bulshada deegaanka, gaar ahaan reer-guuraaga. Mana ahan oo kaliya mashruuc dalxiis; ee waa muraayad lagu milicsanayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.
Mashruucan ayaa sidoo kale door muuqda ka qaadan doona kobcinta dhaqaalaha deegaanka, abuurista fursado shaqo iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalxiiska.
Magaalada Shabeeleey, oo ka mid ah maamul-magaalooyinkii dhawaan la ansixiyay, ayaa iyaduna si xawli ah u koraysa, iyada oo uu mashruucani u horseedayo muhiimad istaraatiiji ah iyo mustaqbal horumarineed oo rajo leh.
Guud ahaan, Shabeeleey Tourism Center waxa ay astaan u noqonaysaa isbeddel cusub oo ka curtay Deegaanka Soomaalida — deegaan h**ey uga maqnaa saami-qaybsiga horumarka dalka, balse isbeddelka kaddib ku socda dardar xooggan oo dhanka horumarka ah.
25/01/2026
Kulan lagu qiimaynayay waxqabad ka lixda bilood ee iskaashatooyinkabkaydka iyo Amahda, SMEs iyo CIG-da ee mashruuca LLRP Taageerada siiyo ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
waxaana kasoo qayb galay xafiisyada bahwadaagata ah, shaqaalaha mashruuca iyo madax xafiiseedada iskaashatooyinka ee 26 dagmo ee mashruucu ka hawlgalo.
Kulankan oo lagu qiimeeyay waxqabadka lixda bilood ee 2018 ayay kalaastar walba soo jeediyeen wixii uqabsoomay, kadibna suaalo laga waydiiyay, talo bixinna loo soo jeediyay.
Ugudanbayn waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay xubnihii hormuudka ahaan ee shaqaalaha mashruuca iyo Madax xafiiseedyadii sidii loogu taloglay uga Soo dhalaalay shaqada.
24/01/2026
"Isbadalkii kadib waxa waxayn laga qabtay ka run sheegida taariikhda deegaanka, horumarka ka shaqaynta midnimada shacabka iyo astaamihii deegaanka" Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar .
Xuska sanad-guurada 33aad ee 23-ka January, oo ah Maalinta Midnimada Shacabka Deegaanka Soomaalida, ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada DDS.
Munaasabadda oo halku-dhigyadeeda ay kamid aheen “Halgankii aabayaasheen waa midhaha midnimada maanta” ayaa waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Maxamed Cumar, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Marwo Ayaan Cabdi, xisbiyada siyaasadda, madax ka socotay wadamada jaarka oo uu ka mid yahay Mudane Nadiif Jaamac Aadan, Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa (Governor of Garissa County) madax iyo marti sharaf kale.
Intii lagu guda jiray xuska, waxaa la soo bandhigay taariikhda iyo marxaladihii adkaa ee uu deegaanku soo maray, gaar as,aaskii deegaanka 1993-kii, xilligaas oo bulshada Deegaanka Soomaalidu ay ka maqnaayeen maamul u gaar ah, matalaad siyaasadeed iyo xuquuq dastuuri ah. Sannadkii 1993-kii ayaa noqday bilow cusub, waxaana la aasaasay Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo la sameeyey calan, dastuur, baarlamaan iyo hay’ado dawli ah oo deegaan . Taasi oo isbadalkii kadib xukuumaddu astaysey in sanad walba si joogta loo xuso maalintan.
Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay in isbadalkii kadib waxaa wax wayn laga qabtay ka run sheegida taariikhda deegaanka, horumarka, ka shaqaynta midnimada shacabka,iyo astaamihii deegaanka lana sii wadaayo ka jawaabida baahiyaha bulshada.