Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur

Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur

Share

Bogan Waxaa si Toosa ugala Socon
Kartaan Waxqabadka & Warbixinada
Xafiiska Biyaha Degmada Galxamur.

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 04/06/2024

SANTARKA DOGOB

Waxaa santarka dogob ee degmada galxamur kasocda mashruuca biyo gelinta magaalada mashruucaa oo ka kooban

1: Elevation Reservoir 100m²
2: Generator House
3: Fence for borehole 50m²
4: water point (5)
5: cattleTroughs (2)
6: Raising main and distribution pipe line

Mashruucaa oo shaqadiisu ay marayso 80% aya lagu soo gabagabayn doono muda bila.

03/04/2024

23/24 RAMADAAN Madaxa Xafiiska Biyaha Degmada Galxamur Mudane Mahamed Abdi Mahamed oo Kaashanaya Xirfadlayaasha Waaxda Dayactirada Xafiiska Biyaha DDS ayaa Waxay dib uhawlgeliyey Ceelasha kala ah DOGOB iyo GAL-GARAS Ceelshaa oo Ciladoodu ahayd DHANKA PUMKA Waxaa Sidoo Kale Weli Xirfadlayaashu Gacanta Ku Hayaan Dayactirka Ceelka GALXAMUR 01 oo Laga Badalayo Xadhiga Dabka.

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 23/01/2024

GALXAMUR.

Munaasabada xuska 1aad ee sannad-guurada 31aad ee maalinta aasaaska Dawladda Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayey gudomiyaha dagmada Galxamur mudane Mahad /qaadir Xirsi ayaa lagu qabtay hoolka kulamada degmada Galxamur ee gobolka doollo.

Munaasabadan xuska aasaaska deegaanka oo ku beegan 23-ka January 1993 loona asteeyay in sanad kasta la xuso 23-ka bisha January oo hal-ku-dhag looga dhigay “xuska maalinta aasaaska Dawladda Deegaan Soomaalida waa bilawga bog cusub oo taariikhdeena ka mid ah” ayna ka kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bushada ku dhaqan degmada Galxamur ayaa lagu gorfeeyay taariikhda deegaanka iyo aasaaskii DDS.

Waxgaradka iyo bulshada kasoo qaybgashay munaasabadan ayaa ka hadlay taariikhda deegaanka iyagoo sidoo kalana bogaadiyay maalintani loo asteeyay xuska aasaaska deegaanka iyo dadaalka ay xukuumadu muujisay, sidoo kalana sheegay in maalintani ay tahay maalin muhiimad wayn u leh mudana in la wayneeyo.

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 24/09/2023



🌧🌧🌧

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 13/09/2023

Kormeer qiimeyn iyo dardargalin isugu jira oo lagu soo sameeyey mashruuca Biyo balaadhinta Tuulooyinka Dudun, Dogob iyo lug habreed ee degmada Galxamur

Madaxa xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo hawl wadeenada xafiiska oo ay wehelinayaan madaxa xafiiska biyaha degmada galxamur mudane maxamed cabdi maxamed iyo madaxa xafiiska maaliyada degmada mudane c/weli c/laahi abshir ayaa Kormeer qiimeyn iyo dardargalin isugu jira ku soo sameeyey mashruuca Biyo balaadhinta Tuulooyinka Dudun, Dogob iyo lug habreed ee degmada Galxamur

Mashruucan ayaa ka kooban dhismaha 3 keyd biyood ( 100^3, 100m^3 & 50m^3 ) , soo iibinta iyo dhigista 6km oo tuunbooyinka biyaha keena iyo kuwa qeybinaya isugu jirta, dhismaha 3 guri matoor, dhismaha 11 goobood oo ay dadku ka cabayaan iyo 8 goobaha xooluhu ka cabayaan.

Mashruucan oo miisaaniyadiisa laga bixinayo mashruuca one wash national program ayaa waxaa ku baxeysa 20.6 million waxaana gacanta ku heysa shirkada dhismaha ee Xaaji Bullo

Mashruucan ayuu gaabis badan ka jiraa Markii la eego Wakhtigii loogu talagaley inuu ku dhamaado iyadoo xafiisku uu wado talaabooyin shirkada lagula xisaabtamayo.

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 16/08/2023

Maansha Allah waxaa Maanta xafiiska biyaha ee DDS oo kaduulaya ka faa idaysiga Tamarta cadceeda ayaa xafiisku wuxuu ceelka Magalada Galxamur 01 kadhigay Solar System kaas oo Maanta sidhamaystiran loo tijaabiyay bulshaduna Ay aad uga Mahad celiyeen nidaamkan ka faa idaysiga cadceeda oo laga raysandoono qarashkii shidaalka.

Xisbigu abidkii hawaaro

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 14/08/2023

DEGMADA GALXAMUR

Waxaan maanta xadhig jarnay ceel cusub oo laga qoday qabalaha Gal-garas ee degmada galxamur ceelkaas oo ay bulshadu iskutashi kufuliyeen ceelkas oo dhererkiisu yahay 177 M lacagta kubaxday qodaalka ceel oo dhan 5,500,000,000 Birr

Xisbigu abidkii hawaaro

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 22/05/2023

Degmada galxamur. Maamulka degmada galxamur oo ugu horeeyo gudoomiyaha degmada mahad c/qaadir xirsi iyo madaxa xafiiska biyaha degmada galxamur Mahamed Abdi Mahamed ayaa xariga kaJaray solar systemka ceelbiyoodka santarka maygaagle kaas oo kamida mashaariicda waa weyn ee degmadu fulisay.
Sidookale waxaa dhanka kale soo dhaweeyey bulshada kunool santarka maygaagle oo kamahad celiyey mashruucan kaas oo looga baaqsan doono isticmaalka shidaal oo horay maalintii u isticmaali jiray 60 liter oo shidaala

# # #.xisbiga barwaaqo doollo.

Photos from Xafiiska Biyaha Degmada Gal-xamur's post 18/05/2023

DEGMADA GALXAMUR. Waxaan 09/09/2015 T.i daraasad biyo baadhisa kasamaynay qabale hoosadka gal-garas oo katirsan santarka galxamur 02 iyo qabale hoosaadka xodayo oo katirsan santarka dogob iyadoo lagu fulindoona qodista ceelashaa iskutashi shacab.

23/06/2022

💪🔥💪

Qiimeyntii hoggaaminta uga socotay xarunta gobolka Doollo ee Wardheer si wanaagsan ayay noogu dhamaatay, degmada Galxamurna waxay kaalinta koowaad ku gashay soo jeedinta warbixinta iyo isdifaaciddooda, sidoo kale waxaa si gaar ah shahaado sharaf loo guddoonsiiyay guddoomiye ku-xigeenka Degmada Galxamur Malyuun Cabdirixmaan, maadaama ay la timid karti, dadaal, ka go'naasho shaqo, iyo dhiirranaan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Jijiga