04/05/2025
Sheekadii Buugga Kooradadab
Xalqadii 10aad
________________________________________________
Sheekadu waxa ay inoo maraysay, wax taladii la isku maan dhaafo oo la isku mari waayoba,
waxaa lagu soo gunaanaday, in ergo geelii ka daba tagta la diro, iyada oo guddi kalena loo xil saaray sidii wixii bahdooda lagu tebayey ay u soo dhammaystiri lahaayeen, waxaana ergadaas madax looga dhigay, nin la yidhaahdo Nuur Maxamed (Nuur-Dhegey), kaasoo ka mid ahaa raggi ugu magaca dheeraa beesha Bari xilligaas, wuxuuna ahaa gabayaa caan ah, geesi iyo afhayeen aad loo xurmeeyo.
Waa ninkii isaga oo qolo kale ergo ugu tegey kuna raagey, iyaga oo h**e ugu garyigli waayey, ku lahaa:
• Kalkaan imi kalkiisii miyaa kaabiga i saaray
• Ma buquulladi baa kawiran kirada doonaayey
• Kabihii miyaa iga madhtaan karan aqoon waayey
•Kayakayaha dayreed miyaa kacakan i muuqday
•Iga kici kuwii shaaxin dhacay keeni ma hayaane
• Kud ha laayo gelaan u tago maanta karamaane
Intaas waxaa u dheerayd in uu ahaa xidid cusub oo la xiisanayo, ayna u doonanayd gabadh uu dhalay Garaadkii beesha Sanaag ee xilligaas, Garaad Maxamuud Cali.
Ergadii goortii ay soo gaadhay guryihii u horreeyey iyo hebelladii ay rabeen, ammintuna tahay gabbal sii ciiraya ayay u baydheen dhirtii guryaha ku dhoweyd. Ciddii meesha til goortii la arkay ragga badan ee u soo hoyday oo martida u ah, ayaa aaskii markii uu dam yidhi maqribna la tukaday dhulkiina himhimow nogday rag odayaal ahi u soo keceen xaggii martida, iyada oo ay daba socdaan wiilal kurayo ah oo gogol u soo qaaday. Salaan iyo isnabdayn ka dib waxaa martidi ku war bixisay inay ergo nabadeed yihiin.
Odayada beesha loo yimi waxay markiiba go'aansadeen inta aan guddoonka iyo Garaadka arrintu gaadhin inay u quus
rabaan oo ergadaas dibu celiyaan iyaga oo aan geeloodii tuludna ka siin. Haddii cabbaar la wada joogay hammuuntii iyo harraadkiina ka ba'ay socotadii, ayaa lagu yidhi waar meesha innaga soo kaxeeya aan xagga guryaha u hoy tagnee dhaxan iyo shuuxba waa jiraane, iyada oo ninba uu yidhi anigu hebel baan kaxaynayaa
anna hebel baan kaxaynayaa illayn debed la seexin maayo ragga, guri wada deeqana ma jiro e.
Ergadii iyagu hadal k**a soo celin oo ninba nin buu raacay, iyada oo loo talinayey sidii h**ey loo yidhi: “meyd iyo martiba waa loo taliyaa". Halkaas ayaa ninba martigiisii ku gurya geeyey, isaga oo u loogey neefkii uu u doorbiday, siiyeyna anfaco kale wixii uu u heli karayey. Goortii nin waliba hubsaday in uu harqaday jecleystayna inuu mugga iska nabad seexdo, illayn daal iyo diif baa haysaye hugiina iska fududeeyey, ayaa waxaa haddana marti walbi ku war helay, isaga oo marti geliyihiisii kicinayo war hebel, war he bal toos, balse jawaabta ka hor imanaysey waxa ay ahayd: xaashalillaahi! xaashaa lillaahi! meel aan wax mariyo ma hayo, isaga oo u qaatay in cunno kale loo kicinayo.
Waxaa se lagu yidhi: waar naftaada la baxso war ma hayside, rag ma noola, intaan labadeenaba laysku dilin!! Markaas ayaa nin waliba hanbaabiray, nin farriinti goor h**egaadhay iyo nin cawaysin loo sheega iyo nin saq dhexe ku baraarugayba, waxaana ergadii noqnin kabihiisa haleela iyo nimaan haleelin, nin weesada gala hela iyo nin hilmaamayba, iyada oo aanu ninna nin la socon oo uu moodayo in keligii nabad galay ayuu Bari dhankuu ka xigay wejiga saaray.
Beeshii martida loo ahaa falkaas xun ee ay ku sameeyeen ergada waxa uu ahaa talo ay habeennimadii gaadheen iyaga oo jawaab uga dhigaya falkii lagu sameeyey ergadii Weji-adag
Ergadii nabad raadinta ahayd waxaa ku dhacday dhibaato aad u weyn, oo sas iyo argagax leh, isaga oo mid walbaa cidla cararay xilli mugdi habeennimo ah, xawaarana ku maraya dhul aad u kala fog, si aan waagu ugu beryin deegaanka beeshan.
Ciddii beesha Bari dhegaha ayay taagayeen iyaga oo dhawraya wixi war ah ee soo kordha, waxa ayna mar walba rajaynayeen in ay si qumman wax u dhammaan doonaan in kasta oo dhiillona aanay dareenkooda ka madhnayn. Waxaa ergadii firxatay ugu soo horreeyey nin faranfarxeed ah oo ugu dhallinyaraa raggii ergada ahaa, oo u badnaa waayeel ayna ka muuqatay daal, dif iyo argagax weyn.
Waxa uu degmadii keenay war aad looga naxay, kaasi oo ahaa inuu keligii ka nabad galay ergadii isagana uu bixiyey nin ay qoys yihiin, waxa uuna sheekada ugu daray sida loo dagay oo markii h**e loo hagaajiyey markii danbena raggii birta looga waraabshey.
Warka dhiillada iyo naxdinta lihi wax ka dheerayn oge, waxa uu isla markiiba isaga tallaabay degmooyinkii oo idil, taas oo nin walba lamafilaan ku noqotay, iyada oo weliba lagu jirey maalmo kheyr iyo bil cideed. Haseyeeshee ergadii iyaga oo habqan ah oo midba mid aanu la socon, isuna war hayn ayay iska soo daba dhaceen, waxaana mid walbi sheegayey ama ku warramayey inti ninkii h**e sheegay!
Aw Muuse lsmacil Samatar oo ahaa Shiikh caalinm ah, guurti afmaalna ahaa waxa uu ku fadhiyey masallihisii, isaga oo goortuu tukaday tusbaxiisa ka qablax siinaya oo werdiga iyo raatibka afka ku hayey markii warka dhiillada ahi yimi. Aw Muuse aad buu uga naxay, balse ma danaynayn wixii hadal iyo faalle laga shubayey ardaagiisa weyn oo had iyo jeeraale aan laga waayin rag ku sheekaysanaya ama ku shawraya, gaar ahaan xilliga dhadooyin cusubi jirto. Waxa uuna afkiisa u xidhay isaga oo soomanaa berritona ay tahay maalintii ciidka barakaysan ugu horreysay, waa se lala yaabay waxa Aw Muuse aamusiyey maanta o kale.
Wiil dhallinyaro ah oo uu adeer u yahay ayaa u waraysi tagey gurigii odayga oo aayadiis weydiiyey wax gabay ah ma tirinayey adeerkay? Miyuu se iska daayey gabaygii?
Waxa ay tidhi: Eeddo wax hadal ahba k**a maqal beryahan. Aw Muuse markii loo sheegay su'aasha wiilka waxa uu gartay in tolkii ka rabo in uu dhacdadan wax ka yidhaahdo oo la sugayo murtidii looga bartay.
Haddii habeenkii la baryey, waxaa aroortii loo dareeray bankii weynaa ee salaadda ciidda lagu tukan lahaa, iyada oo aan loo kala hadhin carruur iyo cirroole, rag iyo haween, wixii beesha meesha tiil soo gaadhi karayey barxadda weyn, iyada oo intii hadhayna kaskaaska xoolaha iyo loogidda hilib ciideedka ku hawlanaayeen.
Aw Muuse oo ahaa Shiikh caalim ah oo murti
badan ayaa goortii uu tujiyey dadweynihii, salaaddii ciiddana uu dhammeeyey hortooda isa soo taagey, iyada oo la filayo inuu duco iyo wacdigii iyo waanadii looga bartay ku darayo, lana dhawrayo oo dhegaha loo raaricinayo, ayuu wiilkii intii uu gacanta soo qabtay isaga oo ku hal qabsanaya laga wederay gabaygan caanka noqday ee loo yaqaan “Darbadaaley" oo tilmaan ka bixinaya xaaladda colaadeed ee taagan, waxa uuna ku bilaabay:
*Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu dalil yahaye
*Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye
*Durdurkisii adigaa ahiyo, daristii weyneyde.
*Ducagabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye
*Da'daadaan lahaa waxay furfurin, dabarradii baase
*Duq baad tahaye joog baan labaa, waa la soo diidine.
*Duullaanka h**e waxaan laba, wiilasha u daaye
*Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay
*Dirgi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye
*Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode.
Aw muuse isaga oo sii wata gabaygsii aadka u dheeraa waxa uu ka warramayaa ergadii beesha Sanaag soo xumaysay oo soo hungowday, iyaga oo aan wada socon hadba mid dallankacaya oo firxad ahi dooxada imanayey:
• Nuur Maxamed geluu dalbaday, tuludna loo diidye
• Ergo dallan kacaysoo dulli ah, baa dooxadii timide
• Laaye wuxuu la soo duday bahdis, inay daweysaaye
Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waave
•Ogaalkaan dareen qabo mindhaa, uma dadaashaane.
• Dayacanow delleganow sidii, doog Alle cid siiyey
• Diigdiigsadow sida biciid, cid uma daardaare
• Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana k**a diide
Colaaddu heerka ay ka gaadhtey labada beelood isaga oo Aw Muuse wax ka tilmaamaya oo guubaabinaya dadkii dhegeysanayey waxaa ka mid ahaa hadalladiisii:
• Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug walle ma lehe.
• Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguma daaqeene
• Dabgaxa Dhirindbireed madaxyadaan, abidan duugoobin
• Doob-Cadalle iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey
• Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne
•Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane
• Haddaan diin la dhigan ama ninnimo, daabka la adkaysan
•Dulli baa lagu socdaa wacad Alle, labada daaroode.
Dadkii meesha isugu yimi dhacdadani fajiciso ayay ku noqotay, waayo k**a fileyn meesha iyo madasha toonna gabay, ee waxa ay sugayeen duco iyo Alla bari. Haseyeeshee markii uu AwMuuse darbad ka mid ah tuducyada gabaygiisa tiriyaba waxaa is beddelayey dareenka dhageystayaasha, taasi oo badankooda ku abuurtay qiiro iyo qamuunyo, waxaana aad u yaraa dadkii meesha ka tegay iyada oo milicduna hadba sii kululaanaysey.
Intii guryaha ku hadhayna goortay wax ku soo laabta guryihii waayeen ayay iyaga oo yaabban bankii salaadda ciidda lagu tukadey ka soo war dooneen, balse iyana sidii kuwii meesha fadhiyey ayay ciil iyo cadho madax martay mar alla iyo markay midhihii gabayga si dhuuxaanba.
Aw Muuse oo ku miyirsaday dadkii ku soo xoomay sida ay hadba ugu soo dhowaanayeen cagihiisa soo wada fadhiistay, iyaga oo dusha isaga soo baxay cadceeddiina korkiisa joogto oo la soo gaadhay xilligi salaadda Duhur ayaa darbaddi u danbaysey ku soo dujay duco iyo Alle u noqosho, dadkiina ku kala dareeriyey isaga oo leh:
*Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugaye
*Eebbow dambaabaye maqfiro, adigu hay diidin,
• Eebbow cisyaankaan daldalay, derejo ii dhaafi
• Eebbow waxaan horu dulmiyey, ba igu daymaynnin,
• Dabka belelka naaraha Allow, derekadaa hoose
• Eebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho,
• Eebbow kuwii lagu derbiey, hayga dacal yeelin,
*Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede
° Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye,
*Eebbow ma duudsidid xaqa oo, Daayin baad tahaye,
• Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri!
Saha dhacay ninba si u saameeye, Nuur-Dhegey waxa uu ahaa “hal laba midigle dheelmay dhanna uma bedqabo", waxa uuna aad uga xumaa colaadda fakatay ee tolweynihii dhex martay taas oo isaga iyo xilihiisii kala fogaysey, halka uu ka filayey gu'ga in uu la guri geli doono Bullo Garaad, Waxa uu gabyooxay
goox cidla ah, iyada oo saansaanyuhuna aanay u muuqan kuwa ka soo raynaya.
Waa inoo xalqada xigta iyo habeen danbe insha Allah.
La wadaag asxaabtaada kale si ay ula socdaan taxanaha sheekadan xiisaha badan.
Hubaal 2025
Mohamed deeq darajo