Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka

Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka, Government Organization, Jigjiga, Jijiga.

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 30/09/2025

✨ Congratulations Jigjiga & Somali Regional State! ✨

Today marks a historic milestone—the completion of the 1st phase of the Jigjiga Corridor Development Project. This achievement is not just about roads, structures, or infrastructure; it is about the power of unity, determination, and the will of our people.

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 19/09/2025

Magaalada Jigjiga waxaa ka dhacay isu soo bax lagu muujinayo taageerada dhamaystirka iyo daahfurka biyo-xidheenka Abay.

Munaasabaddan oo lagu xardhay hal-ku-dhegga: “Guusha aan ka gaarney biyo-xidheenka Abay, ayaan ku gaari doonnaa warshadaha”, ayaa noqotay mid dhiirrigelin u ah shacabka iyo horumarka mustaqbalka dalka.

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 19/09/2025

Dadka ku nool magaalada Jigjiga oo isugu soo baxay wadada halbowlaha ah ee magaalada ayaa si weyn ugu dabaaldegay dhamaystirka biyo-xidheenka Abay. Shacabka ayaa muujiyay in mashruucan weyn uu caddeyn u yahay wadajirka iyo iskaashiga qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Biyo-xidheenka Abay, oo awood u leh inuu soo saaro ku dhawaad 600MW oo koronto ah, ayaa lagu wadaa in qeyb ka mid ah tamartaas laga iibiyo dalalka dibadda, si dalka loogu soo xareeyo lacag adag oo ka qeyb qaata koboca dhaqaalaha.

Xuququdda sawirada srtv

12/06/2025

Maamulka Dhulka oo Casriyaystay – Xalka Mustaqbalka ee Magaalada Jigjiga

06/06/2025

Ciid Mubaarak dhammaan Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan Bulshada Deegaanka Soomaalida iyo Muslimiinta ku nool dalkeenna. Ilaahay ha inagu gaadhsiiyo nabad iyo caafimaad Ciiddan teeda kale. Ciiddu ha inoo noqoto mid kheyr, is-jaceyl iyo naxariis ku dhisan.

Eid Mubarak – 1446H / 2025

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 04/06/2025

Barnaamijkii tababarka ee kor loogu qaadayay xirfadda injineerada ka hawlgala degmada Karamardha ayaa si rasmi ah loo soo xiray, iyadoo mudadii uu socday diiradda la saaray horumarinta aqoonta iyo kartida farsamo ee injineerada, si ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada. Tababarkan oo lagu qabtay xarunta degmada, ayaa waxaa bixiyay koox ka socotay Xafiiska Horumarinta iyo Dhismaha ee MMJ oo uu hoggaaminayo Eng. Guuleed Maxamad.

Munaasabadda xiritaanka ayaa lagu maamuusay horumarka la gaaray, iyadoo injineeradii ka qayb qaatay tababarka lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf ay si wadajir ah u bixiyeen Maareeye ku xigeenka degmada Karamardha Eng. Cabdi Fataax iyo Maareeyaha Wakaaladda MMJ Eng. Guuleed Maxamad, kuwaas oo xusay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay tayaynta adeegyada farsamo ee degmada.

25/05/2025

Kaydka Dhulka oo La Casriyeeyay – Tallaabo Horumarineed oo Lagu Xaqiijinayo Xuquuqda Dhulka

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 22/05/2025

Xafiiska horumarinta magaalada iyo dhismaha MMJ, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay barnaamij tababar kor loogu qaadayo xirfadda injineerada kooxda ka hawlgasha degmada Karamardha.

Tababarkani wuxuu qayb ka yahay mashruucyada horumarineed ee uu wado xafiiska horumarinta magaalada iyo dhismaha MMJ, iyadoo lagu dardargalinayo nidaamka cusub ee lagu dhijitalaynayo habraaca diiwaangelinta dhulka, waxaana laga bilaabay degmada kaaramardha.

Himiladu waa in la hirgeliyo hab casri ah oo daahfuran, ammaan ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo — si mustaqbalka loogu dabaqo dhammaan xaafadaha kale ee magaalada Jigjiga.

Waxaa xusid mudan, Maareeyaha guud ee
Eng. Ilyaas Axmad, ayaa door muuqda iyo hoggaamin firfircoon ka qaatay in uu qabsoomo tababarkan muhiimka ah ee loogu talagalay injineerada ka hawlgali afarta degmo ee MMJ, hawshaas oo hada ka socota degmada Karamardha. Dadaalkiisa joogtada ah, aragtidiisa fog iyo ka go’naanshihiisa dhijitalalaynta adeegyada dhulka ayaa horseeday in mashruucan uu si habsami leh u bilowdo, taas oo astaan u ah jiil cusub oo hogaaminaya isbeddelka iyo horumarka maamulka dhulka ee magaalada Jigjiga.

Photos from Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS's post 21/05/2025
Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 30/04/2025

Shaqooyinka Xafiiska ee maalinlaha ah oo si habsami leh u socda....

Photos from Wakaalada Hormarinta Iyo Maamulka Dhulka's post 21/04/2025

Kooxaha Diiwaangelinta Nidaamka Kadhastar-ka oo Saaka Ka Ambabaxay Xafiiska Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Dhulka ee MMJ

Saaka oo ay taariikhdu tahay 13ka mayasiya, ayaa waxaa si rasmi ah uga ambabaxay xarunta dhexe ee Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka Dhulka ee Maamulka Magaalada Jigjiga, kooxaha kala duwan ee loo xilsaaray fulinta hawsha diiwaangelinta nidaamka kadhastar-ka.

Kooxdan oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Wakaaladda, Eng. Guuleed Maxamed, ayaa socdaalkooda ku bilaabay Xafiiska Qabaha Xaafadda 5aad, halkaas oo ay kulan is xog wareysi ah kula yeesheen Guddoomiyaha Xaafadda 5aad, Mudane Awal C/dir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraaca shaqada, sida ay u dhici doonto geedi-socodka diiwaangelintu, iyo doorka maamulka xaafadda ee hawshaasi.

Guddoomiye Awal ayaa si diirran u soo dhaweeyay qorshahan, isagoo muujiyay diyaar garowgiisa iyo taageerada buuxda ee uu siinayo hawsha socota. Sidoo kale, wuxuu magacaabay xubno dheeraad ah oo la shaqeeya kooxaha diiwaangelinta si ay u fududaato hawlgalka.

Intaa kaddib, kooxdii diiwaangelinta ayaa si rasmi ah shaqadooda uga bilaabay qaybo kala duwan oo ka tirsan Xaafadda 5aad, iyagoo si toos ah u guda galay diiwaangelinta nidaamka kadhastar-ka iyo xog uruurinta la xiriirta.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Jigjiga
Jijiga