Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

Share

waa page ka Rasmiga ah ee wakalaada dabagalka maamulka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS

08/06/2026

Fariin Digniin:

Ka taxaddar Kareemada iyo Kiniinnada Bilicda!

Isticmaalka kareemada iyo kiniinnada bilicda ee aan la hubin tayadooda waxay halis weyn ku yihiin caafimaadka, Qaarkood waxay sababi karaan:-

1. Maqaarka oo gubta, finan daran ama jidhka madoobaada
2. Dhibaatooyin gudaha ah sida beerka iyo kelyaha oo waxyeelooba
3. Xasaasiyad ama infekshan halis ah

Talo:
Mar walba la tasho dhakhtar kahor intaadan isticmaalin wax cusub Ka fogow kareemooyinka iyo kiniinada aan la xaqiijin
Isticmaal kareemo dabiici ah, iyo cunto nafaqo leh

Caafimaadkaaga ka hormari bilicda!

05/06/2026

Wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada
dawada iyo adeega caafimaadka DDS

Fariin Caafimaad

SRS FMHACA

Waa maxay cosmotics?

Waxyaabaha la ismariyo iyo kuwa la isku qurxiyo (Cosmetics) waa alaabooyin
loo istcimaalo in lagu nadiifiyo, lagu qurxiyo, ama lagu badalo muuqaalka jirka.
Waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira kuwo maqaarka lagu nafaqeeyo iyo kuwo la isku qurxiyo

Waxaan dabagal ku samaynay xarumaha libiya cosmotics ka ee MM Jigjiga, maadaama waajibaadka waaxdu ka mid tahay fayo dhawrka cuntooyinka,
Cabitaanka & waxyaabaha la isku qurxiyo(cosmetics)
Waxaan ka soo uruurinay agab badan oo halis ku ah Caafimaadka maqaarka oo waxaana ka mida kuwa Sawirkoodu kuu muuqdo

N:B

Taxaddar Muhiim ah:

Waxyaabaha qaarkood waxaa ku jiri kara kiimikooyin maqaarkaaga
dhibaato u geysan kara ama keeni kara xasaasiyad. Waxaa habboon in si taxaddar leh loo akhriyo waxa ku jira (Ingredients) ama laga hubiyo
Wadajir ayaan uga shaqenaynaa Caafimaafka Bulshada
Kataxadar alaabaha sawirkoodu halkan ka muuqdo

Cunto ,cabitaan & cosmotics tayo leh

04/06/2026

Wakaalada Maamulka iyo Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS waxay bulshada, farmashiyeyaasha iyo dhammaan adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka ku wargelinaysaa inay xaqiijiyaan sharciyadda warqadaha dawo-qorista (Prescription-ka) ka hor bixinta ama qaadashada dawooyinka.

Warqadda dawo-qorista ee saxda ahi waa inay la haataa:-

✔️ inuu soo qoray xirfadle caafimaad oo ruqsad haysta.
✔️ waa inay la haataa magaca iyo saxiixa xirfadlaha caafimaadka ee qoray.
✔️ Waa inay la haato taariikh sax ah.
✔️ Waa inuu ku qornaado magaca bukaanku.
✔️ Waa inay lahaato shaambadda xarunta caafimaadka.
✔️ Waa inayna noqonin warqad been-abuur ah.

Farmashiyeyaasha waxaa lagu adkaynayaa inay si taxaddar leh u hubiyaan saxnaanta warqadaha dawo-qorista ka hor inta aan dawo la bixin. Sidoo kale, bulshada waxaa lagu wacyigelinayaa inay dawooyinka ka qaataan oo keliya goobaha sharciyeysan.

Xaqiijinta warqadaha dawo-qoristu waxay ka qayb qaadanaysaa badbaadada bukaanka, isticmaalka habboon ee dawooyinka iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara warqadaha been-abuurka ah.

Caafimaadka bulshada waa masuuliyad u baahan inaa wadajir u ilaalino

Photos from Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka's post 22/05/2026

Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS ayaa waddo olole wacyigelin ah oo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, lagu baraarujinayo khatarta caafimaad ee uu leeyahay isticmaalka tubaakada iyo sigaarku.

Ujeeddada ololahan ayaa ah in bulshada laga wacyigeliyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha sigaarka, iyadoo dadka isticmaala lagu dhiirrigelinayo inay joojiyaan, halka kuwa aan isticmaalinna looga digay loona sheegayo inay ka fogaadaan.

Wacyigelintan ayaa laga fuliyay iskuulada Magaalada Jigjiga, iyadoo ardayda lagu siiyay casharro iyo fariimo caafimaad oo ku saabsan waxyeellada tubaakadu u leedahay caafimaadka bulshada iyo deegaanka.

Sidoo kale, kooxaha wakaaladda ayaa gidaarada ku dhejiyay qoraalo mamnuucaya cabista sigaarka goobaha kala duwan, si loo xoojiyo ilaalinta caafimaadka bulshada iyo deegaanka nadiifta ah.

21/05/2026
08/05/2026

Digniin: Ka Taxadar Qaadashada Dawooyinka

1. Dawada Ha dhigin meel qoyan, kulul ama qorraxdu toos ugu dhacdo.
2. Carruurta ka fogee Dawada oo dhig meel aanay gaadhi karin.
3. Dawooyinka qaar ku kaydi talaagada.
4. Dawadaada qof kale Ha la wadaagin
5. Ha joojin daawada ka hor waqtiga dhakhtarku kuu qoray dhamaystiro.
6. Qiyaasta dawada ha isku badin oo ha qaadan in ka badan intii laguu qoray.

23/04/2026

Hoggaamiyeyaasha shirkadda Tians ayaa lagu xukumay 17 sano oo xabsi adag ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 40 milyan oo birr.
Shirkadda Tians Ethiopia Business iyo hoggaamiyeyaasheeda ayaa lagu helay dambi ah inay muddo sanado ah ku shaqeynayeen nidaam ganacsi sharci-darro ah oo ah “pyramid scheme” (nidaamka silsiladda ah). Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa ku ridday xukun culus.
Shirkaddu waxay adeegsatay rukhsad ay ku keento cuntooyin nafaqo leh si ay u daboosho hawlaheeda sharci-darrada ah. Intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2008 T.I, waxay si sharci-darro ah uga faa’iidaysteen in ka badan 40 milyan oo birr, iyagoo sidoo kale ku tuntay xuquuqda macaamiisha.

Eedeysanayaashu waxay dadka ku qori jireen magaca “wakiil iib (commission agent)” iyagoo ku khiyaamaynaya abaalmarino sida baabuur, safarro dibadda ah iyo lacag gunno ah si ay dad cusub ugu soo daraan silsiladda.

Falalkan ayaa lagu tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo ka hor imanaya xeerarka ganacsiga iyo ilaalinta macaamiisha, sidoo kale waxaa lagu helay dambi la xidhiidha lacag sharci-darro lagu helay oo la isku dayay in sharci loo ekeysiiyo.
Maxkamaddu waxay shirkadda ku xukuntay ganaax dhan 20 milyan oo birr, halka hoggaamiyeyaasha kala ah Mr. Doyong Gang iyo Ato Teodros Bekele mid kasta lagu xukumay 17 sano oo xabsi ah iyo 10 milyan oo birr ganaax ah. Booliska ayaa sidoo kale la faray inay soo qabtaan eedeysanayaal kale oo baxsad ah.

Hadaba bulshada deegaanka waxaa looga digayaa inay ku kadsoomaan ganacsiga hawshaas.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jijiga
00001

Opening Hours

Monday 08:00 - 00:00
Tuesday 08:00 - 00:00
Wednesday 08:00 - 00:00
Thursday 08:00 - 00:00
Friday 08:00 - 00:00