31/05/2026
Yaa balamiyay 😂
Strategic Communications & Public Diplomacy
Horn of Africa Security Affairs
Policy interpretation and regional analysis
Views based on open-source research.
31/05/2026
Yaa balamiyay 😂
30/05/2026
Ciyaaryahay iska dhaafe taageere ahaan xataa ugu qaadi meeysid Baseey.😂
Here we go, PSG Congratulations 🏆
30/05/2026
Mar hadii uu Arne Slot, baxay waa noo fadhisaa.
30/05/2026
Katag meesha mar hadii xiirane baxay hadaa Kooxda la daawan karaa. 👏🏻
30/05/2026
Congratulations PSG - Paris Saint-Germain 🏆
30/05/2026
Kulankii dhex maray Wasiir Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasiir Ku Xigeenka Difaaca Ruushka ayaa muujinaya dadaallada ay Soomaaliya ku dooneyso inay ballaariso iskaashiga dhinacyada amniga, dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada. Wadahadalladan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay mudnaanta siinayso horumarinta awooddeeda difaac iyo kor u qaadista tayada hay’adaha amniga.
Taariikh ahaan, Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti waxay lahaayeen xiriir dhow oo milatari iyo mid istaraatiiji ah, kaas oo door ka qaatay dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Intii lagu jiray xilligii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay ka faa’iidaysatay tababaro, qalab iyo taageero farsamo oo gacan ka geystay horumarinta ciidamada dhulka, cirka iyo badda.
Maanta, xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka ayaa ka duwan tii h**e, taas oo ka dhigaysa in iskaashi kasta lagu saleeyo danaha qaran, baahiyaha amni ee jira iyo isbeddellada ka socda nidaamka caalamiga ah. Ruushku wuxuu weli ka mid yahay quwadaha milatari ee waaweyn dunida, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, difaaca dhulka iyo farsamooyinka milatari.
Haddii Soomaaliya si miisaaman oo xeeladaysan u maareyso xiriirrada ay la leedahay quwadaha kala duwan ee caalamka, iyadoo ilaalinaysa iskaashiga ay la leedahay saaxiibbadeeda reer galbeed iyo kuwa bariga, waxaa suurtagal ah in ay ka faa’iidaysato fursado badan oo la xiriira tababar, aqoon kororsi, dhismaha hay’adaha difaaca iyo horumarinta awoodda ciidamada. Guusha arrintaasse waxay ku xirnaan doontaa sida iskaashiyadaas loogu wajaho baahiyaha dhabta ah ee amniga qaranka, halkii laga eegi lahaa dhinac siyaasadeed ama tartanka quwadaha waaweyn.
Ugu dambayn, awood ciidan oo waarta laguma dhiso oo keliya qalab iyo tababar dibadeed, balse waxay u baahan tahay qorshe qaran oo muddo dheer ah, hoggaan wanaagsan, maalgelin joogto ah iyo hay’ado amni oo xirfad iyo hufnaan leh. Iskaashiga caalamiga ahi wuxuu noqon karaa qayb muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodkaas, balse mas’uuliyadda ugu weyn waxay had iyo jeer saaran tahay awoodda gudaha ee dalka.
Ma kula tahay i bariga uu ka saaxiibnima wanagsanyahay Galbeedka?
Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa ka hadlay dhacdadii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee ku dhacday dhisme dad daganyihiin oo ku yalaa Romania.
Waxuu yiri "Qofna ma sheegi karo halka ay ka timid diyaarad gaar ah ilaa baaritaan rasmi ah lagu sameeyo diyaaraddaas.
Waxaan ognahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay h**e ugu galeen Finland, Poland, iyo qaar ka mid ah dalalka Baltic-ga. Falcelintii ugu horreysay markaas waxay ahayd isla sida hadda ka jirta Romania.”
Putin ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay degdeg in la go’aamiyo cidda leh diyaaradda ku dhacday dhismaha, isagoo soo jeediyay in baaritaan dhameystiran la sameeyo ka hor inta aan eed loo jeedin dhinac gaar ah.!
29/05/2026
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee u dambeeyay ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Pakistan ku leedahay dadaallada lagu dejinayo xiisadaha gobolka iyo dhiirrigelinta wada hadalka.
Kadib kulankii dhexmaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga, amniga, iyo horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo Rubio uu si gaar ah ugu mahadceliyay Pakistan doorka ay ka qaadaneyso horumarinta nabadda Bariga Dhexe.
Kulankani wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu ku wajahan yahay qolka xaaladaha degdegga ah ee Aqalka Cad si uu u gaaro go’aannada ugu dambeeya ee la xiriira Nuclear ka Iran, isagoo sheegay inuu kala dooranaayo waddo diblomaasiyadeed iyo tallaabooyin milatari uu qaado.
Xaaladdan, Pakistan waxay sii ahaaneysaa mid ka mid ah waddamada ugu muhiimsan ee fududeynaya wada hadalka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha gobolka.
29/05/2026
Shirka Midowga Dhaqaalaha ee Eurasia (EAEU) oo ka qabsoomay sanadkaan Astana, Kazakhstan, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa tilmaamay in ururku uu sii xoojinayo isdhexgalka dhaqaale, ganacsiga iyo isticmaalka lacagaha qaran ee dalalka xubnaha ka ah, isagoo ku tilmaamay EAEU mid sii kordhinaya doorkiisa dhaqaale ee gobolka, iyo inay badeecadaha ku kala bedelanayaan lacagahooda qaran!
Sida uu sheegay, ganacsiga gudaha EAEU wuxuu gaaray $95 bilyan sannadkii 2025, halka wax-soo-saarka beeraha uu kordhay 4.6%, dhismahuna 4.2%, iyadoo kobac laga diiwaangeliyay inta badan qeybaha dhaqaalaha.
Midowgaan oo ay ku mideysan yihiin Ruushka 🇷🇺, Belarus 🇧🇾, Kazakhstan 🇰🇿, Armenia 🇦🇲 iyo Kyrgyzstan 🇰🇬, ayaa sidoo kale sii ballaarinaya xiriirradiisa dhaqaale, iyadoo heshiisyo ganacsi lala gaaray dalalka Mongolia, Imaaraadka Carabta iyo Indonesia, isla markaana wadahadallo lala wado Hindiya.
Ujeeddada ururkan ayaa ah in la fududeeyo ganacsiga, maalgashiga, iyo isu socodka badeecadaha, adeegyada, iyo shaqaalaha, iyadoo la dhisayo suuq dhaqaale oo mideysan oo ka gudba xuduudaha wadamada kumideeysan!
Sidoo kale Juqraafi ahaan, EAEU wuxuu ku yaal meel istiraatiiji ah oo isku xirta Yurub iyo Aasiya, taasoo siinaysa muhiimad sii kordheysa oo dhinacyada ganacsiga, tamarta, iyo isku xirnaanta gobolka ah. Iyadoo nidaamka dhaqaalaha caalamku uu sii wajahayo isbeddello waaweyn, ururrada gobolka sida EAEU ayaa sii noqonaya aalado muhiim u ah iskaashiga dhaqaale, isku filnaanshaha, iyo wada shaqeynta dowladaha dhaca Eurasia!
Maxaa kuu baxay?