Hiigsi Party Puntland State Of Somalia

Hiigsi Party Puntland State Of Somalia

Share

waxaanu noqon doona Party ga kali ah ee ay Hiigsan doonaan umada reer Puntland kuna salaysan cadaalada iyo horumarka

02/02/2021

Beelaha gobalka Mudug ee Puntland ayaa qodobo ka soo saaray Shir maalmahaan uga socday Gaalkacyo.
...........................................................................................
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Shirka wadatashiga beelaha gobolka Mudug
Golden Plaza Hotel
Gaalkacyo Puntland,Somalia
February 2nd 2021

Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay labada bisha Febraayo sanadka 2021 waxaa Hotel Golden
Plaza ee magaaladda Gaalkacyo ku qabsoomay shir ay isugu yimaadeen beelaha degga gobolka Mudug ee Puntland kaasoo ujeedadiisu ahayd in beelaha gobolku ka tashadaan xaaladda guud ee gobolka,bogaadiyaan waxqabadka iyo horumarka ka jira gobolka isla markaana ka tala bixiyaan caqabadaha jira ee saamaynta taban ku yeelan kara horumarkii la gaaray.

Shirka oo daba socday shirar gooni gooni ah oo beeluhu si gaar gaar ah u yeesheen waxaa looga hadlay arimo badan oo khuseeya danaha gobolka waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arimahan hoose.

• Dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo

• U astaynta magaaladda Gaalkacyo in lagu qabto doorashadda heer federal ee Puntland

• Awoodsiinta waxgaradka,nabadoonadda iyo isimadda gobolka ee xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanadda iyo talo ku yeelashada xubnaha beelaha gobolka Mudug u matali doona heer federal.

Shirka oo ahaa mid furan oo lagu cabiarayey aragtida waxgaradka gobolka waxaa lagu heshiiyey oo kasoo baxay qodobadan hoose,

1. Shirku waxuu bogaadiyey habka iyo hanaanka ay dawladda Puntland u martay xakamaynta sicir bararka waxuuna ku booriyey ganacsatada in la qaato oo la socodsiiyo lacagta shillin Soomaaliga iyadoo loo marayo talo bixintii ay soo saareen guddigii ay dawladdu u saartay.

2. Shirku waxuu ku amaanay dawladda Puntland ka shaqaynta iyo dadaalka badan ee ay galiyeen la dagaalanka ka ganacsiga mukhaadaraadka iyo maandooriyayaasha iyadoo in
1

kastoo laga dareemayo hoos u dhac balaaran ay hadana wali jiraan in gobolka ay ka jiraan lagana dareemayo isticmaalka iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka taasoo u baahan in si wada jir ah shacab iyo dawladba wax looga qabto.

Waxa kaloo shirku soo jeediyey in beelaha gobolka iyo dawladdu iska kaashadaan xalinta khilaafaadka ka dhasaha dhulalka laysku qabsado taasoo khalkhal galisa amaanka.

3. Shirku waxuu bogaadiyey isdhexgalka dadyowga kuwada dhaqan labada dhinac ee gobolka Mudug ama labada maamul taasoo keentay inay kororto kalsoonidda iyo is aaminaada dadka ku dhaqan gobolka.

4. Shirku waxuu soo dhawaynayaa shirka siyaasadeed ee ka qabsoomaya magaaladda Dhuusamareeb waxuuna u rajaynayaa inay kasoo baxaan qodoba mira dhal ah oo looga gudbo khilaafka hadda jira horseedana doorasho laysala ogol yahay,xor iyo xalaal ah umadda soommaliyeedna u horseeda midnimo iyo wadajir

5. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha,dawladaha hoose iyo dimuqraadiyaynta inay bilowdo dhismaha golaha deegaanka ee degmadda Gaalkacyo si loo baahiyo is maamulka shacabka loogana baaqsado in hakad ku yimaado mashaariicda horumarineed ee ka socda degmadda kuwasoo badankoodu ku xiran yihiin jiritaanka golle deegaan oo dadku soo doorteen.

6. Shirku waxuu ka codsaday madaxweynaha dawladda Puntland in iyadoo la tixgalinayo dib u eegista heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray magaaladda Muqdishi 17kii
September ee kal h**e,lana tixgalinayo baaqyo h**e oo waxgaradka gobolku u gudbiyeen madaxwenae Siciid Cabdulaahi Deni kuwaasoo ku aaadanaa in iyadoo laga duulayo halka ay juquraafi ahaan dhacdo magaaladda Gaalkacyo oo ay kawada dhisan yihiin labo maamul isla markaana maamul ka mid ahi u asteeyey inay noqoto goob doorasho federal uu u aqoonsado in doorashooyinka heer federal ee Puntland qaybtood dawladda Puntland ku qabato magaaladda Gaalacyo si loo ilaaliyo lahaanshaha iyo taariikhda magaaladda.Shirku wuxuu sidoo kale ugu yeeray isimadda Gobolka in aan ka harin kana daalin inay dawladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha kala hadlaan arintaasi.

7. Shirku waxuu ugu baaqay dawladda Puntland inay ka hadasho bulshaddana u caddayso in doorashadda heer federal ay noqoto mid hufan ayna kala cad yihiin doorarka kala duwan ee ay ku kala leeyihiin waxgaradka qabaailka iyo guddiga doorashadu soo xulista ergooyinka iyo cidda beeluhu u dirsanayaan inay ku matalaan tartanka xildhibaanadda ee lagu heshiiyo I yadoo la raacayo habraacyadda doorashooyinka si meesha looga saaro tuhunka ah inuu jiro b**b qorshaysan iyo inla rabo in la baalmaro rabitaanka qabaailka lana soo saaro xildhibaano aan kalsooni badan ku qabin beelaha iyo deegaamadda ay matali doonaan.

Dhamaad

13/11/2019

Fariinta Musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland 2019 Mudane CabdiJaml Cismaan Maxamed.

- -

SII FAAFI LA WADAAG ASXAABTADA.

22/10/2019

Fiqi Abdinaasir Maxamuud Mire oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe.

Soo dhaweynta Fiqiga waxaa ka qayb-galay qaarka mid ah Golaha Xukuumada Puntland,gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Puntland,maamulka gobolka nugaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

09/10/2019

Xildhibaan Aweys Axmed Sardheeye oo Ka mid ah Xildhibinaada Golaha Shacabka Baarlamaanka Puntland ahna xubin Ka mid ah Gudiga Arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland oo booqasho shaqo Ku jooga Gobolka mudug Gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo Xildhibaanka iyo Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa booqday Xaruunta Gudoonka waxbarashda Gobolka Mudug ,Dugsiga hoose dhexe. Ee Salaama iyo Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo.

08/09/2019

Tababar 3 Maalin Soconayay oo Kor loogu Qaadayo Xirfadaha Gudiyada Bulshada ee Kormeerka iyo Daba-galka Mashaariic-da Deegaanada Laamiga Kabaxsan ayaa lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Bosaaso.

Gudiyadan oo Qaabilsan Daba-Galka Afar (4) Mashruuc ee Dowladda Puntland Ka Hirgalinayso Deegaanadan Hoose ee Laamiga Ka-baxsan iyadoo Taageero ka Helaysa Mashruuca TIS+/USAID. Kuwaas oo kala ah:
1.Mashruuca Dhismaha Guriga Faleen-ka iyo Gelitaanka Leyrka Cad-ceeda Kushaqeeya ee Magaalada Qandala.
2.Mashruuca Dhismaha Wadada Lafagoray ee Degmada Bareeda.
3. Mashruuca Wadada Galgala ee Degmada Bosaaso.

Wasiir-ka Wasarada Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeenta Dowladda Puntland Mudane Ahmed Bashiir Muse iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Yusuf Mohamed Waceys Dhado ayaa ka qeyb-galay Furitaanka iyo Xiritaanka Shirka.

12/08/2019

Munaasabada caleemo saarka Nabadoon Maxamed Cali Shire oo ka dhacday Degmada Burtinle.

Photos from Hiigsi Party Puntland State Of Somalia's post 30/07/2019

Carruurta Light House School Garowe wax ka barata iyo bareyaasha iskuulka ayaa maanta dabbaaldeg iyo tijaabo hordhac ah sameeyay si ay ugu diyaargaroobaan xuska 1-da Agoosto iyo munaasabadda loogu debbaaldegayo sanadguuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aassaaskii dowladda Puntland 🇸🇱.

Mukhtaar Suudaani

01/07/2019

Wasiirka Shaqada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadik Warfa waa Siyaasiga kaliya ee og deegaanka laga soo doortay lana socda baahiyaha ka jira halkaas asaga oo marwalba garabsiiya ururrada bulshoda.
Ururka Dhallinyarada Galdogob, ayaa Shahaaddo Sharaf siiyay Mudane, Sadik Warfa.

Photos from Hiigsi Party Puntland State Of Somalia's post 20/06/2019

Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Qaxootiga aduunka ayaa Maanta Waxaa lagu Qabatay Aqalka Dowlada hoose ee Xamar

munasabadaan ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Madaxda Gobolka Banaadir .Wakiilka UNHCR
Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Federal ah
Waxayna Kusoo Gaba Gabowday Jawi aad u Wanaagsan

19/06/2019

Sooyaalkii Madaxweyne Dr.Mohamed Mursi (1951 – 2019)

Halgan Dheer iyo Geeri Sharaf leh

Waa Sooyaalka Taariikh nololeed kooban oo uu leeyahay Madaxweyne Magaciisa Taariikhda baal dahab ah ka galay muddo yar gudaheeda, Waa Madaxweyne Xaafidul Quraan ah, sita Darajada PHD, noqday Xildhibaanka dunida ugu fiican, ka dhashay qoys beeralay ah, kasoo mid noqday Ciidanka Dalkiisa, ahaa Professor ka soo shaqeeyay Jaamacadaha Dalal kala duwan.

Intii yarayd ee uu hayey Xilka Madaxweynaha, in badan oo dadka ah waxaa ka qarsoonaa inuu Dr. Mohamed Mursi ahaa Shakhsi Hibo ah (Hadyad Eebe) oo Alle ku mannastay Shacabka reer Masar oo 7000 sano in kabadan ku soo jiray Gumaysi iyo Faraaciin iska dhexlayey Xilka kuwaas oo laga dhexlay Saboolnimo iyo Aqoon la'aan. Waxay ahayd Tijaabo ay Masaaridu galeen, balse ay ku guul daraysteen, waxay ahayd Bidhaan u iftiintay ka dibna ka dantay oo ay galeen Mugdi aysan garanayn goorta ay ka bixi doonaan. Waxay ahayd Riyo u rumowday balse Riyooyin kale ay dib ugu noqdeen.

Ciidanka Masar oo iyagu Bir iyo Dab ku xukumayay shacabka Masar laga soo bilaabo 1952, ayaa Kacdoon bulsho Xilka looga tuuray madaxoodii ugu sareeyey ee Xusni Mubaarak sanadkii 2011. Waxayna ahayd Taariikh weyn oo dunida oo dhan u horseeday Isbadel, gaar ahaan dunida Carabta oo dalal badani ay is xigxigsadeen kacdoonadu, Kali talisyo badanna looga tuuray awoodii ay marooqsiga ku haysteen mudada dheer. Masar ayaa iyadu xaalkeedu gaar ahaa marka la eego mugga weyn ee ay ku fadhido iyo dal weyn dunida Muslimka u horseedi kara ilbaxnimo iyo horumar awgeed, rajana laga qabay in Kacdoonkii ka dhacay ay soo celiso haybadii ay lahayd ummadda Muslimka ah oo u oomanaynd Xurriyad iyo Sinaan.

Dr. Mohamed Mursi ayaa Shaashadaha dunida soo galay kadib markii uu soo rashaxay Xizbiigiisii Xuriyada iyo Cadaalada oo ay aasaastay Xarakada Ikhwaanul Muslimiinka oo ah Xarako soo halgamaysay 90 sano in ka badan, Masarna marka la xuso ay ku lamaantahay. Dr Mursi ayaa la sheegaa in aysan rabitaankiisa markaa ahayn inuu xilkaas isu soo taago, balse uu noqday musharaxii labaad markay ciidinku diideen Khayrat Al-shaadir oo markii h**e ikhwaanku u diyaariyeen inuu tartarnka doorashada uu galo.

Dr Mursi ayaa doorashadii kaga adkaaday Ahmed Shafiiq musharixii ay wateen Ciidanka iyo dowladihii diidanaa Kacdoonada oo iyagu dhaqaale badan ku bixiyey, wuxuuna ahaa codkii shacabka Masar iyo rabitaankooda. Intaa kuma ekeyne, Dr. Mursi wuxuu soo bandhigay Khibrad, Karti, Hufnaan, iyo Barnaamij Doorasho oo heersare ahaa, waxay sidoo kale bulshadu ay yaqaaneen inuu kasoo jeeday Xarako weyn oo muddo dheer xurriyada usoo halgamaysay wax badana dunida Muslimka u hurtay. Madaxweyne Mohamed Mursi 16/6/2012 ayuu xilka qabtay, waxaana uu lawareegay dal dhaqaalihiisu aad hooseeyey, kasoo baxay kacdoon iyo burbur ku yimid habkii dowladdu u dhisnayd gaar ahaan Amniga , Ururo badan oo kala damac duwanaa iskuna eryeyey xukunka iyo Ciidanka oo iyagu dalka meel walba heystay oo xilka u wareejiyey magac ahaan balse si dhab ah iyagu umaamulayey ilaha dhaqaalaha, Garsoorka, Warbaahinta iyo Sirdoonka.

Dr. Mursi wuxuu ka dhabeeyey fulinta qorshihiisa iyadoo uu la kulmay caqabado waaweyn taasoo si ula kac ah ay u sameynayeen Ciidanka iyo Axsaabtii mucaaradka ahayd, mana aysan siin fursad uu ku taabbo geliyo wax badan oo u qorshaysnaa. Iyadoo uu cadaadiska intaa la eg uu la kulmayna, wuxuu dhidibadda u taagay mabda’a xuriyada iyo sinaanta, wuxuu ladagaalamay nooc walba oo musuqmaasuq ahaa iyo ku tagri falka awoodaha. Dr Mursi ayaa waxqabadkiisa halkii sano uu joogay ka mid ahaa:

1. Masar waxay gaartay isku fillaansho waxsoo saarka Qamadiga, isaga oo beeralayda ka cafiyey deymihii lagu lahaa si uu u dhiirigeliyo wax-soosaarka qamadiga loogana maarmo ku tiirsanaanta dibada.
2. Wuxuu diiday in Masar Deymo ka qaadatay Baniga aduunka isagoo diiday Shuruuddaha Baniga oo khatar gelinayey dhaqaalaha dalkaas. Deymaha Masar lagu lahaa intii uu joogay Mursi ayaa ahayd 43.2 Billion USD, halka hada oo uu Abdulfatah SISI Xukumo Deynta masar lagu leeyahay waxay maraysaa 88.1 Billion USD taasoo Masar ay Kab ka hesho Dowladaha Khaliijka, saadaasha dhaqaale ee dalkaasna waa mid sii xumaanaysa.
3. Wuxuu dhiirigeliyey wax soosaar ka Warshadaha gaar ahaan Raashiinka, Dawada iyo Hubka (waana Tallaabada uu udhintay markii uu ku dhawaaqay qorshahaas sida la rumaysanyahay)
4. Wuxuu kordhiyey mushaarka shaqaalaha Dowladda, waxaana kor u kacay waxsoosaarkooda iyadoo dowladduna ay soo xaraysay dakhli badan
5. Wuxuu heshiisyo caalami ah oo Warshadayn ah lasoo galay dalalka Baraaziil oo ay ku ballamayn samayn Gawaari, Turkiga, Malaysia iyo kuwa Kale.
6. GDP ayaa kor u kacay 2.4% sanadka xilka uu hayey.
7. Waxaa kordhay dalxiisayaasha Masar soo booqday iyaga oo sanadkaas gaaray in kudhow 9 Million dalxiise.
8. Maalgashiga dalka ayaa gaaray in ka badan 180 billion Gini lacagta Masar.

04/01/2019

Musharax Madaxweyne Eng Maxamed Cismaan Cali Maad ayaa Hambalyo u diray Guddonka Cusub ee Barlamaanka Puntland oo maanta oo Jimce ah lagu doortay Xarunta Barlamaanka Puntland.

Photos from Hiigsi Party Puntland State Of Somalia's post 31/12/2018

Eng.Maxamed Cismaan Calimaad ayaa maalintii labaad ka qayb-galay kulan maalintii labaad ay ku yesheen xarunta PDRC musharaxiinta culimada Puntland iyo gudiga amaanka, isla markaana looga hadlayey arrimha doorashooyinka iyo sidii doorashadu u noqon lahayd mid xor iyo xallaala.

Want your business to be the top-listed Government Service in London?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


London
2545