18/02/2026
Ramadan Mubarak
Embassy of the Federal Republic of Somalia, New Delhi.
18/02/2026
Ramadan Mubarak
17/02/2026
OGAYSIIS MUHIIMA.
31/01/2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay Magaaladda New Delhi dhigiisa Dr. S. Jaishankar.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo balaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga , waxbarashada iyo caafimaadka. Sidoo kale intii kulanku socday waxaa laga wada hadlay xaalada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xidhan Jeelka Dhexe ee Taloja , ee magaaladda Mumbai ee dalka Hindiya.
31/01/2026
New Delhi, India| 30 Janaayo 2026.
Intii uu socday Shirka Wasiiradda Carabta iyo Hindiya, waxaa kulan kulan diblomaasiyadeed yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbojoogta ee Jamhuuriyadda Yemen, Ambassador Mustafa Axmed Naaman.
Labada masuul ayaa wadatashiyo dhow ka yeeshey xaalada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah ee labadda dal.
29/01/2026
Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa caawa soo gaadhay magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya.
Wasiirka ayaa ka qayb galaya Shirwaynaha Labaad ee Iskaashiga Hindiya iyo Caalamka Carabta oo qabsoomidoona maalmaha 30-31 Janaayo 2026.
Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhaweeyey Madax Sare oo ka socotey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya , Danjiraha Soomaaliya u fadhiga Dalka Hindiya Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya.
Inta uu shirku socdo, Wasiirka iyo Waftiga la socda waxay Shir Duceedyo ( Sideline Meetings) la yeelan doonaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamo dhawra.🇸🇴🇮🇳
18/01/2026
WARGELIN MUHIIMA.🇸🇴🇮🇳
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Hindiya , in Safaaradda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Hindiya bilowdey bixinta adeega Kaarka Aqoonsiga Qaranka NIRA.
Sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa cidii dooneysa adeegan cusub iney timaado Xarunta Safaaradda ama la soo xiriiraan 📞 +918130092683.
Dawlada Hindiya oo si adag uga soo horjeesatay in lagu xadgudbo Midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
04/01/2026
25/12/2025
New Delhi- India, 25 December 2025.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Hindiya, waxay bogaadineysaa doorashada taariikhiga ah ee Bulshada Gobolka Banaadir sida tooska ah u dooranayaan masuuliyiinta ku matali doona Goloyaasha Degmooyinka Gobolka.
Mudo ku dhaw nus qarni ayay bulshada ku nool gobolka Banaadir sugayeen in fursadan maanta oo kale soo marto. Talaabadani waxay muhiim utahay dawlad dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya, waxa kale oo ay fududeyneysaa in doorosho toosi - Hal Qof , Hal Cod- dalkoo dhan ka qabsoonto.
‐---‐----------------------------
The Embassy of the Federal Republic of Somalia in New Delhi, India commends and appreciates the historic opportunity afforded to the residents of the Banadir Region to directly elect their municipal councillors through a landmark 'one man, one vote' election, a feat unparalleled in over half a century. Equal representation through voting is vital for state-building and peace-building in states recovering from civil unrest and social mistrust
20/12/2025
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya waxaa ay soo dhoweysey wafdi ka socoda Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS oo soo gaarey Magaalada caasimada ah ee New Delhi si ay uga qaybgalaan Shirka Caalamiga ah ee Labaad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Daawada Dhaqameed (2nd WHO Global Summit on Traditional Medical) kaasi oo lagu qabtey magaalada New Delhi ee dalka Hindiya intii u dhaxeysay 17-19 December 2025.
Shirka waxaa si rasmi ah u furey Shri J.P. Nadda — Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Qoyska ee Hindiya (Union Health Minister) iyo Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus — Agaasimaha Guud ee WHO.
Muhiimada Shirkan wuxuu uu ahaa horumarinta caafimaadka guud, isku-darka daawada dhaqameed iyo tan casriga ah, iyo dhisidda nidaamyo caafimaad oo waara, loona dhan yahay, isla markaana ku saleysan cilmi iyo badbaado.