08/06/2019
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta kormeer ku tagay iskuullka Hoose/dhexe sare ee Ileys oo kamid ah iskuullada ku yaala Gobalka Banaadir, Waxa uuna kula kulmay arday loo diyaarshay in mustaqbalka dhow ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax taraan.
29/04/2017
R/wasaare Kheyre ayaa sheegay in Tayenta Waxbarashada dalka ay muhiim u tahay horumarka dalka, xili maanta uu kormeeray wasaarado ay kamid tahay W/waxbarashada.
15/12/2016
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee JF Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa Jaamacadaha, Dalladaha Waxbarashada, Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhaman xarumaha waxbarshada dalka in ay gurmad weyn ka geystaan xaalada abaaraha ee dalka ka jirto. Aan caawino walaalaheena maanta noo baahan.
12/12/2016
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS oo la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jordan.
05/12/2016
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS Dr. Cabduqaadir Hashi oo galabta si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3-aad ee dib u eegista Waxbarashada Soomaaliya.
05/12/2016
Xeritaanka Shirweynaha 3-aad ee dib u eegista Waxbarashada Soomaaliya
04/12/2016
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS oo maanta si rasmi u furay shirweynaha 3-aad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya
30/11/2016
Waxaa maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku soo gabagaboobe shirka dib u eegista waxbarashada PL waxaana ka qeyb galay wafdi uu hogaaminayo Wasiir-dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare DFS Mudane Cabdullahi Bile Nuur. Waxaana dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doona shirka ugu weyn ee dib u eegista Waxbarashada Soomaaliya.
17/11/2016
Wasaaradda Waxbarashada waxa ay ka digaysaa boobka lagu hayo dhulka Dugsiga Howl wadaag. Wasaaradda dhulkaas waxa ay ugu talagashay in laga dhiso Dugsi wax lagu baro ardayda araga naafada ka ah (Indhaha la) nasiib daro waxaa jira dad doonaya in ay boobaan iyaga oo waraaqado ka soo qaate xafiisyo ka mid ah dowlada!!.
Fadlan taageer waxbarista ardayda araga la!
17/11/2016
Fadlan haddii aad u baahan tahay macluumaad dheeri ah oo Wasaaradda ku saabsan booqo website-ka wasaaradda
www.moesomalia.net
Wasaarada Waxbarashada , Hiddaha & Tacliinta Sare