14/05/2026
Danjirada dalka Safaaradda Jamhuuriyadda Filibiin ee dalka Kenya iyo Soomaaliya, Marwa Marie Charlotte G. Tang, lagu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi.
Danjirada ayaa booqashadeedu ahayd booqasho shaqo, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle,
Booqashadan ayaa ahayd mid lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan wada shaqeynta safaaradaha, isdhaafsiga khibradaha, iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Filibiin.
Labada Danjire waxa ay sidoo kale diiradda saareeen arimo la xiriira Golaha Amaanka oo ay xiligaan Soomaaliya ka tahay xubin muhim ah.
Danjire Jabriil ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn xooga usaarayso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah ee caalamka, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, horumarinta iyo wada shaqeynta caalamiga ah.
13/05/2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Abdi iyo dhigiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti; Mudane Abdoulkader Houssein Omar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda Gen. Abubakhar Jeje Odongo ayaa siwada jira uga qaybgalay casho-sharaf qaran ee uu martigeliyay madaxweynaha dalka Kenya, Mudane Dr. William Samoei Ruto, kaas ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Nairobi.
12/05/2026
Dowladda Soomaaliya oo qeyb ka ah Shirka Sare Ee Afrika Iyo Faransiiska Ee Ka socda Magaalada Nairobi
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu wehlinayo Danjire Jabril Ibrahim Abdulle, iyo diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa ka qeybgalay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo maalintii labaad ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkaan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay madax dowladeed, wasiirro, iyo saraakiil sare, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta hay’adaha maamul ee caalamiga ah, iyo horumarinta nidaam caalami ah oo loo dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya matalaad caddaalad ah oo ay helaan Afrika iyo dalalka soo koraya.
Shirweynaha Africa Forward Summit 2026 oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Faransiiska, gaar ahaan dhinacyada hal-abuurka, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed. Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa “France Partnership for Innovation and Growth” ayaa waxaa ka qayb galay madax iyo masuuliyiin sar sare oo ka kala socday dalalka Afrika iyo caalamka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda France, Wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee dalal badan oo Afrikaan ah, Guddoomiyaha Midowga Afrika, madaxda urur goboleedka igad iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan waxaa uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane cabdisalaan cabdi cali waxaa ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Intii uu shirku socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, horumarinta maalgashiga, taageeridda hal-abuurka dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha, amniga gobolka, isbeddelka cimilada iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi waara oo dhinacyada ganacsiga iyo tiknoolajiyadda ah.
Wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madax iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalal iyo hay’ado caalami ah, iyadoo laga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, taageerada horumarinta Soomaaliya, iskaashiga amniga iyo dhiirrigelinta maalgashiga caalamiga ah ee dalka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo ka qeyb qaata dib-u-dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka
12/05/2026
Madaxweynaha Kenya oo kulan casho sharaf ah ku casuumay Madax iyo diblomaasiyiin
Kulanka casha sharafta ah ee uu Madaxweynaha Kenya dhigay waxaa ka qeybgalay Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle iyo xubno kale oo madasha lagu casuumay.
Danjire Jabriil ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qayb-galo Casho-sharafta Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Dr. William S. Ruto, oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faransiiska, Mudane Emmanuel Macron ku martigaliyay Madaxda iyo mas’uuliyiintii ka qeybgashay Shir-madaxeedka (Africa Forward).taas oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya”.
Madaxda dawladaha iyo xukuumadaha, Wasiirrada, hoggaamiyeyaasha ururrada caalamiga ah, madaxda ganacsiga adduunka, iyo wakiillo matalayay bulshada Afrika, ayaa ka qeybgashay casho-sharaftan, taas oo ka turjumaysa doorka sii kordhaya ee Afrika ee qaabaynta wadahadallada caalamiga ah, ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Gobalka iyo caalamka intuba.
12/05/2026
Xarumaha Shirarka ee Qaramada Midoobay oo laga dhagax dhigay
Nairobi
Danjiraha Dowladda Somaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin lagu casuumay, ka qeybgalka dhagax-dhigga Mashruuca Xarumaha Shirarka ee cusub ee Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi.
“Waxaa farxad ii ahayd inaan ku biiro mas'uuliyiin kale si aan u goob-joog u noqdo munaasabadda dhagax-dhigga Mashruuca Xarumaha Shirarka ee cusub ee Qaramada Midoobay iyo daah-furka wejiyada dhammaystirmay ee Qorshaha Guud (Master Plan), kuwaas oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne William Ruto Madaxweynaha Dalka Kenya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres”.ayuu yiri Danjire Jabril.
Danjiraha ayaa iftiimiyay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON), oo ah xarunta kaliya ee Qaramada Midoobay ku taal Afrika iyo guud ahaan Koonfurta Caalamka (Global South), uu miisaan gaar ah ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah ee maanta.
Xafiiskan wuxuu Qaramada Midoobay u soo dhoweynayaa waddamada Afrika iyo dadkooda, isagoo abuuraya fursad weyn oo lagu muujiyo aragtida Afrikaanka iyo mudnaanta Koonfurta Caalamka ee ku aaddan dublamaasiyadda caalamiga ah iyo geeddi-socodka go'aan-gaarista adduunka.
“Dardargelinta casriyeynta iyo ballaarinta UNON waxay ka dhigan tahay wax ka badan koritaanka hay’adeed; waxay sidoo kale ka tarjumaysaa balan-qaad xooggan oo ku aaddan hannaanka dhinacyada badan ee loo dhan yahay, matalaad caddaalad ah iyo iskaashi caalami ah oo dhab ah, kaas oo salka ku haya mas'uuliyad wadajir ah iyo ixtiraam labada dhinac ah”.ayuu Danjiraha hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.
Xafiisyadan cusub waxa ay Madaxda Soomaaliya fursad u siineysaa in shirarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, halkan uga qeybgalaan, iyadoo aan loo safrin xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
12/05/2026
Wafdi ka socday Soomaaliya oo ka qayb galay shirka, Africa France Summit
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Feederaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, oo wehlliyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka qayb-galay Shirka heer Wasiir ee looga hadlayay Dib-u-habaynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo qayb ka ahaa Shir-madaxeedka "Africa Forward" ee ka dhacay Nairobi, si loo xoojiyo codka Afrika iyo matalaad caddaalad ah.
Kulankan oo ahaa kulan gaar ah oo heer Wasiiro ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee dalalka Afrika, iyadoo kulanka ay goob joog ahaayeen Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, Madaxda Urur Goboleedka IGAD, Diblomaasiyinta Safaaradda Soomaaliya iyo xubno ka tiiirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Shirka waxaa si gaar ah looga dooday dib-u-habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo adeegsiga awoodda diidmada qayaxan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in Afrika hesho matalaad buuxda oo caddaalad ah gudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dalalka Afrika iyo in cod mideysan laga yeesho arrimaha khuseeya nabadda iyo ammaanka qaaradda.
Wasiir Cabdisalaam oo uu wehliye Danjire Jabril ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay wasiiro iyo madax kale oo uu ku jiro wasiirka arimaha Dibadda iyo arimaha qurbo joogta ee dalka kenya.
12/05/2026
Midowga Yurub oo Dib u Xaqiijiyay Taageerada Nabadda iyo Dawladnimada Soomaaliya.
Kulankii ugu horeeyay ee Wada-hadalka Siyaasadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu qabtay Muqdisho, kuna salaysanaa qaab-dhismeedka Heshiiska Samoa, ayaa wuxuu calaamad u yahay guul weyn oo laga gaaray iskaashiga ku dhisan kalsoonida, mudnaanta la kala siiyo iyo ixtiraamka labada dhinac.
Talaabadani ayaa waxay dib u xaqiijinaysaa xiriirka soo jireenka ah iyo ballan-qaadka wadajirka ah ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa door weyn ka coyaatay Xoojinta maamul-wanaagga dimuqraadiga ah, taageeridda horumarinta hay'adaha iyo dardargelinta isbeddelka dhaqaalaha lagu taageerayo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Sanadihii la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu ahaa saaxiib garab taagan Soomaaliya xilliyadii kala guurka, nabadadeynya iyo hannaanka Qaranka lagu dhisayo; iyagoo gacan ka geystay dib-u-habaynta qaybaha amniga, taageerada maamul-wanaagga, dhisidda awoodda hay’adaha dowliga ah iyo dadaallada horumarineed ee sii xoojinaya adkaysiga iyo xasilloonida dalka oo dhan.
09/05/2026
The Nairobi West Hospital oo kamida Isbitaalada ugu waaweyn dalka Kenya ayaa martiqaad u fidiyay hogaanka Safaraadda Soomaaliya inay boqasho sharafeed ku yimaadaan Isbitaalka. Nairobi West Hospital ayaa ah Isbitaal taariikh ku leh dadka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay daaweynta dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay xiligii dagaaladda sokeeye iyo dhaawacyo ay geeysteen kooxaha argagaxisada.
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle iyo wafdigii la socday waxaa si diiran u soo dhaweeyay aas-aasaha iyo guddoomiyaha isbitaalka, Dr. Umesh Saini, iyo howlwadeenada Isbitaalka. Dhanka kale, Marwa Tina Saini iyo Eng. Arjinder Bhachu ayaa wafdiga ku soo wareejiyay qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo adeega bukaanada.
Waxay ahayd mid si gaar ah dhiirrigelin u leh in The Nairobi West Hospital, oo ka soo bilaawday hal qol-yar sannadihii 1980-meeyadii, haddana u maanta koray kana mid yahay xarumaha caafimaad ee ugu horreeya Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Danjire Jabril ayaa ugu mahadceliyay adeegga joogtada ah ee isbitaalku u hayo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya iyo Soomaaliya. Xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo ah mid aad u si xoogeysanaya, ayaa keenay in labada dal iska kaalmeeystaan horumarinta adeega caafimaadka.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa ay ahayd markii wafdi ka socda Isbitaalka uu booqasho ku tagay magaalada Muqadishu si loo sii kordhiyo wadashaqeeynta Nairobi West Hospital iyo Isbitaalada ku yaala dalka Soomaaliya.
04/05/2026
Danjire Jabriil Ibraahiim Cabdulle ayaa xarunta Safaraadda Soomaaliya ku soo dhaweeyay Dhalinyarada hoggaamisa Xarunta Guryosamo.
Kulankaan ayaa sharraxaad kooban laga siiyay Danjiraha howlaha muhiimka ah ee Guryosamo u qabato Bulahada Soomaaliyeed ee ku sugan Waddamada Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxda Guryosamo waxaa hoggaaminayay Axmed Abshir Geedi oo ah Guddoomiyaha Guryosamo, waxaana ku wehlinayay kulanka Agaasimaha Guryosamo ee Kenya Cali-faatax Jeelle iyo Abwaan Camaari oo ah Madaxa Wacyigalinta Guryosamo.
Danjire Jabriil ayaa uga mahadceliyay Dhalinyarada Soomaaliyeed is-xilqaanka weyn ee ay sameeyeen walina joogteeyaan, waxa uuna u balan qaaday in Safaraadda Soomaaliya iyo howlqadeenadeeds ay soo dhaweeyay barnamjikan , Kaalina ka qaadan doonan howlahaas.
Sidoo kale Danjire Jabriil waxa uu ka aqbalay Dhalinyarada Guryosamo in uu kala soo qayb qaato Guurwadareedka iyo Shaqo Abuurka ay Magaalada Muqdisho ugu samayn doonaan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee naafada ah.
04/05/2026
Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjiraha dalka bangaladesh Mudane Chiranjib Sarker.
Kulanka dhex maray labada Danjire ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo dan wadaag ah labada dal, oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangladesh.
Waxaan sidoo kale is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan iskaashiga gudaha madallada caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA), ayagoo muujinnay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn isku duuban oo ku aaddan mudnaanta caalamiga ah.
28/04/2026
Shir looga hadlayay Horumarinta qoditaanka Macdanta, sifeeynt iyo iibgeynya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo kobcin lahaa qodista, sifeynta iyo sare u qaadista qiimaha macdanta, islamarkaana lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, loona xoojin lahaa dhoofinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalalka Afrika.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dalalka Afrika, sida wasiiro, maalgashadayaal, iyo khubaro ku xeel dheer warshadaha macdanta, iyagoo ka dooday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga gobolka si kor loogu qaado farsamaynta gudaha ee macdanta, halkii si ceeriin ah loo dhoofin lahaa.
Soomaaliya ayaa muhiimad gaara siinaysay inay waayo-aragnimo ka barato dalalka in mudo ah ku soo jiray ka Macaashka qodista macdanta iyo kheyraadka dabiiciga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Mudane Daahir Shire Mohamed waxaana ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Wasiir Dahir ayaa door muuqda oo istiraatiiji ah ka qaatay shirkaan muhiimadda u leh umadda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda macdanta, iyadoo la dhiirrigelinayo maalgashi, horumarinta tiknoolajiyada, iyo abuurista suuqyo dhoofineed oo waara.
Sidoo kale, wasiirro iyo wufuud ka kala socday dalal badan oo Afrikaan ah ayaa shirka ka qayb galay, iyagoo soo bandhigay istaraatiijiyado iyo waayo-aragnimo la xiriirta maaraynta kheyraadka, horumarinta warshadaha macdanta, iyo abuurista fursado shaqo oo ku xiran silsiladda qiimaha.
Qabashada shirkaan ayaa waxaa kaalin muhim ah ka qaatay safaradada Soomaaliya. Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle iyadoo in mudo an ku howlanaa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan dalka Kenya oo ay ku nool yihiin dad Soomaali ah.
Dhanke kale, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Mohamed, oo la hadlay warbaahinta, ayaa uga warbixiyay muhiimada shirkan, isagoo xusay in uu yahay madal muhiim u ah dalalka Afrika si ay u xoojiyaan iskaashiga, una dhiirigeliyaan maalgashiga, isla markaana ay kor ugu qaadaan qiimaha lagu daro kheyraadka macdanta.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shirku uu si gaar ah diiradda u saarayo sidii dalalka Afrika uga gudbi lahaayeen dhoofinta macdanta ceeriinka loona horumarin lahaa farsamaynta gudaha, taas oo horseedi karta koboc dhaqaale, shaqo abuur, iyo horumar waara.