Dadka

Directions

Dadka page kan waxuu ku soo gudbin doonaa war iyo sheekooyin aad u xiiso badan fadlan nagu soo biir oo page like saar. akhbaraadka deeganka somalida halkaan kala soco

07/09/2026

Odayaasha iyo waxgaradka qabalaha laaqeey ayaa si weyn uga cabasho ugu muujiyey magacaabista maamulka Santarka Laaqeey, oo hoos taga degmada Doolow-Bay ee Gobolka Afder.
Odayaasha ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay mid walaac badan abuurtay, maadaama qofka loo magacaabay xilka uu noqonayo markii shanaad ee uu xilkan qabto. Shacabka iyo waxgaradka deegaanka ayaa su’aal geliyey sababta marar badan loogu soo celinayo isla qofkaas, iyagoo ku tilmaamay in muddadii uu xilka hayey ay jireen cabashooyin iyo eedeymo la xiriira wax isdaba marin iyo maamul-xumo.
Odayaasha ayaa ugu baaqay hay’adaha ay khusayso iyo maamulka degmada in ay si dhab ah u dhageystaan cabashada shacabka, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo magacaabista, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo danta bulshada deegaanka.
Waxgaradka santarka waxay sidoo kale xuseen in magacaabista xilalka maamulka lagu saleeyo kartida, hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka, si loo helo maamul si dhab ah ugu adeega bulshada.
Ugu dambeyn, odayaasha iyo shacabka qabalaha waxay codsanayaan in cabashadooda si rasmi ah loo qaado, loona sameeyo baaritaan iyo qiimeyn ku saabsan sababta qofkan loogu soo celiyey xilka markii shanaad.

06/09/2026
Dooro Xildhibaan Cabdifatax Cabbaas.Calaamaddiisu waa weel biyo lagu shubayo, taas oo astaan u ah in bulshada biyo lala ...
24/05/2026

Dooro Xildhibaan Cabdifatax Cabbaas.
Calaamaddiisu waa weel biyo lagu shubayo, taas oo astaan u ah in bulshada biyo lala gaaro, lagana shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa biyo la’aanta ka jirta guud ahaan gobolka, gaar ahaan degmada Doollo Ado.

Sida aad la socotaan, degmada, magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada waxaa ka jirta xaalad biyo la’aan oo aad u daran. Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay hoggaan mudnaanta siiya baahiyaha shacabka, gaar ahaan helitaanka biyaha oo ah baahida ugu horreysa ee bulshada.

Cabdifatax Cabbaas waa rajo cusub iyo isbeddel dhab ah oo horseedi kara horumar iyo xal waara.

Fadlan dooro isbeddalka, dooro horumarka, dooro Cabdifatax Cabbaas.

been socoto iyo biyo dhaamin wakhti yar ah
10/02/2026

been socoto iyo biyo dhaamin wakhti yar ah

04/02/2026

Deg deg.

Waxaan inagu maqaale ah, in Hay'ada ay musuq maasuq balaadhan ka sameysay mashruucii ay Liibaan ka wadday. Lacago ah oo looga talo galay bulshada dhibaateysan ee Deg. FILTU ay ka lunsadeen 6 milyan oo birr, waxaa iska kaashtay maamulka degmada iyo shaqsiyaad horjooge (shaqaale) u ahaa Hay'ada.

Waxaan ku daba joognaa xaqiiqo raadinta iyo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen si loola wadaago cidda ay khuseeyso.
Xuquuq raadin iyo xalaal, xaqiiiq ku saleysan.₹₹₹₹₹₹

A person who fights for personal gain and one who puts others first.
30/11/2025

A person who fights for personal gain and one who puts others first.

Address

Nairobi
Nairobi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share