Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia

Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia

Share

Embassy of the Federal Republic of Somalia, Kuala Lumpur.

19/03/2026

19 Maarso,2026
KUALA LUMPUR

OGEYSIIS
Ciid Mubaarak Muqaddaman

Jaaliyadda sharafta leh ee ku nool Malaysia waxaa lagu wargelinayaa in Safaaraddu xirraan doonto maalmaha Ciidda taas oo ka bilaabmaysa 19/03/2026,iyadoo Safaaradda dib loo furidoono maalinta talaadada ee 24/03/2026.

Mahadsaniin.
Mar 2aad Ciid Mubaarak

24/02/2026

KUALA LUMPUR, 24 Febaraayo 2026

WARGELIN MUHIIM AH

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee sharafta leh ku wargelinaysaa in saacadaha shaqada ee Safaaradda ay si ku-meel-gaar ah isu beddelayaan inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan oo keliya,waana sida hoos ku xusan:

Isniin-Khamiis: 10:00 subaxnimo- (14:00)-duhurnimo.

Jimco: 10:00 subaxnimo-(13:00)-duhurnimo.

Safaaraddu waxay rajaynaysaa in Jaaliyadda sharafta leh ay la socdaan wargelintan, isla markaana ay la shaqeeyaan Safaaraddooda.

Mahadsanidiin.

Xafiiska Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska

Photos from Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia's post 16/02/2026

KUALA LUMPUR, MALAYSIA – 16 Febraayo 2026
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia, Mudane Danjire, Ali Mohamed Abukar, ayaa Maalinnimadii Talaadadaxa oo ku beegnaynd 10-kii Feebaraayo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Libnaan H. E. Maher Kheir. Kulankan oo ahaa is barasho iyo kala war qaadasho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, ballaarinta iskaashiga labada dal, iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Libnaan.
Labada Safiir ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay sii adkaynta wadashaqeynta dhinacyada danaha guud, iyagoo adkeeyey rabitaanka labada dowladood ee ku aaddan horumarinta xiriir miro dhal leh oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi waara.

XAFIISKA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIIKA
KUALA LUMPUR, MALAYSIA

05/02/2026

Kuala Lumpur,05 Feebaraayo 2026

WAR-SAXAAFADEED

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia waxay si rasmi ah u beeninaysaa warar been abuur ah oo si qaldan loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkeed, kuwaas oo si khaldan u sheegaya in dowladda Malaysia ay qorshaynayso tarxiilidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Malaysia waxay ugu baaqeysaa dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed inay is dejiyaan,oo aysan ku mashquulin faafinta dacaayadaha rakhiiska ah, isla markaana ay qaataan wararka rasmiga ah ee ka soo baxa Safaaradda JFS,hay’adaha kale ee dowladda.

Safaaraddu waxay mar walba u taagan tahay difaaca, daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia, waxayna si dhow ula shaqaynaysaa hay’adaha dowladda Malaysia si loo xaqiijiyo badbaadada iyo xasilloonida Jaaliyadda sharafta leh ee ku nool Malaysia.

Xog dheeraad ah:

Xafiiska Warbaahinta Iyo Dalxiiska Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia

= DHAMMAAD=

Photos from Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia's post 11/01/2026

Kuala Lumpur, 9 January 2026,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta iskaashi rasmi ah oo diblomaasiyadeed la billowday dalka Myanmar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah u gudbisay dalka Myanmar oo ku astaysan magacaabidda Danjire Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) oo loo magacaabay Safiir aan degganayn (Non-resident Ambassador) dalka Myanmar, wanna Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowdo dalkaas iyo Safiirkii afaraad ee qaaradda Africa.

Maanta oo Jimca ah, kuna beegan, 9-ka Janaayo 2026, ayay labada dal ku kala saxiixdeen war-murtiyeed wadajir ah Safaaradda Myanmar.

Labada dhinac waxaa u kala saxiixay Danjire, Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) iyo dhiggiisa Danjire Aung Kyaw Moe, iyagoo udubka u taagay xiriirka cusub ee diblomaasiyadeed oo mustaqbalka wax ku ool u naqan doona iskaashiga labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinacba waxay ballanqaadeen inay si wadajir ah u xoojin doonaan xiriirka labada dal.

Danjire Ali Mohamed Abukar (Ali Wolf) oo hadal kooban oo nuxur leh ka jedeeday madasha ayaa yiri:
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso dalka Myanmar si loo horumariyo danaha aan wadaagno, loona xoojiyo xiriirka labada shacab iyo cilaaqaadka labada dowladood”,

Ugudambaytii ,
kulankii wuxuu ku soo dhammaaday guul waxayna Safaradda Myanmar si sharaf leh ugu soo dhaweysay Safiirka iyo diblomaasiyiintii la socotay quraac dhaqameed dalkaas caanka ku yahay oo si heer sare ah loo soo diyaarshay. Taasina waxay ka turjumaysay sida ay dowladda Myanmar ugu faraxsan tahay xiriirka cusub ee dalkoodu la yeeshay dalka Soomaaliya.

Dhammaad #

25/12/2025

Kuala Lumpur,25 December 2025.

Safaaradda JFS ee Dalka Malaysia waxay bogaadinaysaa doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo maanta oo ay taariikhdu tahay 25 December 2025 si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho.

Safaaraddu waxay hambalyo u diraysaa Madaxda kala duwan ee Qaranka & shacabka sharafta leh ee caasimadda, iyada oo muujinaysa farxadda ay ka qabto in muwaadiniintu heleen xaqoodii Dastuuriga ahaa ee sida cad u qeexayey in ay wax doortaan lana doorto.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Photos from Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia's post 24/11/2025

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Malaysia, Danjire Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf) ayaa 10:30 subaxnimo, 21 November 2025, ku qaabilay Xarunta Safaaradda wafdi heer sare ah oo ka socday
Guddi qaabilsan Daryeelka Caafimaadka
Dalxiisayaasha Malaysia(MHTC) oo hoos taga Wasaaradda Caafimaadka Malaysia.

Wafdiga oo ka koobnaa shan xubnood waxaa hoggaaminayay, Mudane Suriaghandi Suppiah, Agaasimha Guud (CEO) ee Hay’adda.

Booqashadoodu waxay diiradda ku saarneyd xoojinta iskaashiga caafimaadka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Malaysia, gaar ahaan dhinacyada:

1. Adeegyada caafimaad ee casriga ah Health Tourism-ka, oo Malaysia caan ku tahay
2. Fursadaha lagu hormarin ISKAASHIGA labada dal si adeegyada caafimaadka Soomaaliya
3. Hagaajinta xiriirka tooska ah ee hay’adaha caafimaadka ee labada dal

Intii kulanka lagu guda jiray, labada dhinac waxay yeesheen wadahadal qoto dheer oo ku saabsan:

1. Sidii loo abuuri lahaa iskaashi joogto ah
2. In la gaaro heshiisyo wax ku ool ah oo ku saabsan caafimaadka
3. In safaaraddu door fir-fircoon ka qaadato isku xirka hay'adaha caafimaadka Malaysia iyo kuwa Soomaaliya
4. In kulamo dheeri ah la qorsheeyo si loo sii xoojiyo wada-shaqeynta mustaqbalka dhow.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la dardargeliyo xiriirka u dhexeeya
Safaaradda iyo MHTC si loo kobciyo fursadaha caafimaad ee ay dadweynaha Soomaaliyeed ka heli karaan Malaysia, iyo in Mustaqbalka dhow la abuuro barnaamijyo tababar oo u gaar ah xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed.

Danjire Cali Mohamed Abukar ayaa wafdiga ku bogaadiyey shaqada qiimaha badan ee ay MHTC u hayaan kobcinta adeegyada caafimaadka Malaysia, isaga oo ballanqaaday in Safaaraddu sii xoojin doonto xiriirka hay’adda iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya si loo hirgeliyo iskaashi waxtar leh.

Dhanka Safaaradda, Danjiraha kulanka waxaa ku weheliyey:

Mudane. Cabdidhaahir Cabdiraxmaan Cabdi, Ku-xigeenka Safiirka
Dr. Deka Mohamed Isse, Ku-xigeenka 2aad
Mudane. Ilyas Adan Muktar, Xoghayaha 1aad (Arrimaha Siyaasadda)

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Photos from Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia's post 12/11/2025

Kuala lumpur, 11 November 2025.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane.Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo malinimadii shalay soo gaarey dalka Malaysia ayaa maanta booqasho sharafeed ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Malaysia, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweysey Danjiraha Soomaaliya ee Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abukar iyo qaar kamida Diblomaasiyiinta Safaaradda.

Agaasime Cadullaahi Xayir ayaa ku ammaanay Danjire Cali (Wolf), ku-xigeenka Safiirka Mudane. Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi & dhammaan Diblomaasiyiiinta Safaaradda shaqadooda ka tarjumeysa magaca, sharafta,himilada Qaranka Soomaaliyeed, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku dhisayaan,kuna xoojinayan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Malaysia.

Agaasimuhu isagoo iftiiminaya baahida loo qabo in si habsami leh looga shaqeeyo horumarka dalka ayuu ku dhiirrigeliyay Safaaradda inay sii wadaan hannaanka firfircoon ee ay kaga shaqeynayaan soo jiidashada iskaashi dhanka Waxbarashada iyo kor u qaadidda sumcadda Qaranka.

Danjire Cali (Wolf) ayaa uga mahadceliyey Agaasime Cabdullaahi booqashadiisa iyo dhiirigalintiisa qiimaha badan.

Sidoo kale Danjirihu wuxuu intaa ku daray in Diblomaasiyiinta Safaarada ka howgala ay ka go’an tahay sii xoojinta howlaha ay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeedba wakiilka uga yihiin, iyada oo mudnaanta la siinayo fursadaha horumarineed ee labada dal wadaagaan.

Is xogwaraysi dheer kadib, Agaasimuhu wuxuu hadhimo dharafeed la qaatay Safiirka, Ku-xigeenka Safarada iyi qaar ka mida Diblomaasiyiinta Safaaradda.

WABILLAAHI TOWFIIQ

15/09/2025

Kuala Lumpur,Malaysia
15/09/2025

WARGELIN

Safaaradda JFS ee Malaysia waxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia ku wargelinaysaa in Safaaraddu xiran tahay maalmaha 15 iyo 16 ee Bisha September oo ah maalmo Fasax ka ah Malaysia [Malaysia Day ].

Safaaraddu waxay shaqada dib u bilaabaysaa maalinta Arbacada ee 17 September 2025.

MAHADSANIDIIN

Photos from Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia's post 25/08/2025

Kuala Lumpur 25 Agoosto 2025

Safaaradda JFS ee Malaysia waxay shahaadooyin mahad celin ah siisay Guddigii Qabanqaabada Doorshada Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo la qabtay 09 Agoosto 2025.

Danjire Cali Maxamed Abuukar(Ali Wolf) ayaa dardaarin & talooyin kaddib,wuxuu Guddoonka cusub ee Ururka Ardayda ku boorriyey wadajir,adeeg hufan iyo wadashaqayn buuxda.

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha cusub ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed u ballanqaaday hiil iyo hoo joogta ah,si ardayda Soomaaliyeed u gaaraan himilooyinkooda.

Docda kale, run ahaantii waxay ahayd maalin kale oo mihiim u ah Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia guud ahaan,gaar ahaanse waxay sharaf u ahayd Safaaradda JFS oo doorkeedu ahaa korjoogteynta yagleelidda Arurka Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia.

WABILLAAHI TOWFIIQ

23/08/2025

Kuala Lumpur,24 Agoosto 2025

OGEYSIIS:
Xirnaanshaha Xafiiska Socdaalka ee Safaaradda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malaysia waxaa lagu wargelinayaa in Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradda uu xirnaan doono laga bilaabo 25-ka Agoosto, 2025, ilaa 3-da Sebtember, 2025.

Xirnaanshahan wuxuu la xiriiraa safar shaqo oo uu mas’uulka Xafiiska Socdaalka ugu ambabaxay Xarunta Dhexe ee Hay’adda(Muqdisho), si uu uga qeyb galo tababar guud oo ay u qabaneyso Hay’adda U qaybsanayaasheed Safaaradaha.

MAHADSANIDIN

Want your business to be the top-listed Government Service in Kuala Lumpur?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


32, Jalan Mesra, Ampang
Kuala Lumpur
55000

Opening Hours

Monday 09:30 - 16:00
Tuesday 09:30 - 16:00
Wednesday 09:30 - 16:00
Thursday 09:30 - 16:00
Friday 09:30 - 16:00