08/10/2026
Shacabkaygu goormuu baran doonaa is-garab istaagga? 😥
Walaasheen Nimco Cali-Aar waxay u soo kicitintay deegaankeedii iyadoo xambaarsan xanuun aan sahlanayn.
Waxay u timid inay dib u aasto lafihii walaalaheed ee muddo dheer meel cidlo ah yaallay, si ugu dambayn si sharaf leh loo aaso.
Nimco waxay wayday hooyo, aabbe iyo walaalo. Maanta waxay dib ugu laabanaysaa dhulkii ay ka maqneyd iyadoo qalbigeeda ku sidata xusuusta qoyskeedii iyo dhaawac aan waligood bogsanayn .😥
Alle ha u naxariisto:
Cabdullaahi Cali-Aar
Geesh Cali-Aar
Ganay Cali-Aar
Cabdi Cali-Aar
Urur Cali-Aar
Daahir Cali-Aar
Aabe Cali-Aar
Hooyo Xaliimo
Raggan iyo kuwii la midka ahaa waxay u Nafwaayeen in dhulkeena hooyo madax banaanaando dadkeenuna gobannimo iyo sharaf ku noolaado
Laakiin maanta, lafahoodii waxay daadsan yihiin banaanka walina waxay sugayaan gurmad shacab oo si sharafle dib uugu aaso,
Waxaa murugo leh in aysan jirin hay'ad Urur iyo dowladeed u taagan daryeelka iyo dib-u-aasitaanka lafaha dadkaas, iyo garab istaagga agoonta iyo qoysaskii ay ka tageen shuhaadada dalkeenuna wali gunaysi ku jiro.
Hadab soo maaha in bulshada lafteedu ka shaqeyso inta xal rasmi ah la helayo.
FG: Maanta waxaan ugu baaqayaa shacabkayga walaasheen nimco kaligeed ha u daynina culayska iyo xanuunka way xanbaarsan tahay gacan qabta, garab istaaga, safarkeeda iyo hawsha ay u timidna ka qayb qaata.
Alle how naxariisto dadkaygii gumanimada u nafwaayay