Somaliland in Netherlands

Somaliland in Netherlands

Delen

Welcome to the official page of the Somaliland Mission in The Netherlands ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ฑ.

Photos from Ministry of Foreign Affairs - Somaliland's post 23/01/2026
13/01/2026
12/01/2026

๐—ช๐—”๐—ฅ-๐—ฆ๐—”๐—ซ๐—”๐—”๐—™๐—”๐——๐—˜๐—˜๐—— ๐——๐—˜๐—š๐——๐—˜๐—š ๐—”๐—›

๐๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐Š๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐, ๐Š๐ฎ๐ง๐š ๐’๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ก๐ž๐ž๐ ๐š๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ง-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š.

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland | 12 Janaayo 2026

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii uu soo gaadhay war-saxaafadeed kasoo baxay waxa loogu yeedho โ€œDowladdaโ€ Soomaaliya, kaas oo ay ku sheeganayso in ay awood u leedahay heshiisyo la xidhiidha Berbera. Dowladda Somaliland waxa ay si cad ayay u dedafeynaysaa sheegashadaas waxba-k**a-jiraanka ah.

Berbera, waa qayb ka mid ah dhulka madax-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, mana laha Soomaaliya wax awood sharci, mid maamul, ama mid wax ku ool ah oo ay ku maamusho ama ku maamuli karto.

Dowladda Somaliland waxa ay mar kale xaqiijinaysaa in Soomaaliya aysan iyadu dhinacyada heshiiska wada galay, isla markaana aysan dammiin iyo dammaanad-qaade toona ka ahayn heshiis kasta oo ay Somaliland cid gashay ama la gelayso. Sidaas darteed, Soomaaliya ma laha awood sharci ah oo ay ku hakiso, ku beddesho, ama ku saamayn karto heshiisyadaas. Isku day kasta oo arrintaas la xidhiidhaa waa mid sharci ahaan waxba k**a jiraan ah, isla markaana ka hor imanaysa xaqiiqooyinka jira iyo mabaadiโ€™da sharciga caalamiga ah.

Dhammaan heshiisyada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Midowga Imaaraadka Carabta waa kuwo sharci ah, ansax ah, dhaqangalna ka ah dhammaan dhinacyada. Heshiisyadan waxaa galay hayโ€™adaha dastuuriga ah ee awoodda u leh Somaliland, si loo horumariyo koboca dhaqaalaha, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka, mana aha mid ay saameynayaan hadallada siyaasadeed ee dibadda ka yimaaddaa.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay u muujinaysaa mahadnaq Dawladda Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda, gaar ahaan Sheekh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan, iskaashiga soo-jireenka ah iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaanba Geeska Afrika. Somaliland waxay sii ahaanaysaa saaxiib xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo, oo ay ka goโ€™an tahay iskaashi ku dhisan is-ixtiraam, faragelin laโ€™aan, iyo sharcuucda caalamiga ah.

โ€” Dhamaad โ€”

๐“๐“ต๐“ต๐“ช ๐“œ๐“ช๐“ฑ๐“ช๐“ญ ๐“›๐“ฎ๐“ฑโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐ŸŽ™ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐€๐ก ๐„๐ž ๐‰๐’๐‹

12/01/2026

๐™ˆ๐™–๐™–๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™ฌ๐™–๐™ญ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™ ๐™ช ๐™›๐™–๐™ง๐™–๐™ญ๐™จ๐™–๐™ฃ๐™–๐™๐™–๐™ฎ ๐™ž๐™ฃ 50 ๐™ฆ๐™ค๐™› ๐™ค๐™ค ๐™™๐™ž๐™—๐™ก๐™–๐™ข๐™–๐™–๐™จ๐™ž๐™ฎ๐™ž๐™ž๐™ฃ ๐™–๐™, ๐™ ๐™–๐™ฃ๐™– ๐™ข๐™ž๐™™ ๐™–๐™ ๐™จ๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ก๐™ž๐™๐™ž ๐™ฌ๐™–๐™จ๐™–๐™–๐™ง๐™–๐™™๐™™๐™– ๐™–๐™ง๐™ง๐™ž๐™ข๐™–๐™๐™– ๐™™๐™ž๐™—๐™–๐™™๐™™๐™–, ๐™จ๐™ž๐™™๐™ค๐™ค ๐™ ๐™–๐™ก๐™š๐™ฃ๐™– ๐™ฃ๐™ค๐™ฆ๐™ค๐™ฃ๐™–๐™ฎ๐™– ๐™™๐™ช๐™›๐™˜๐™–๐™™๐™™๐™ž๐™ž ๐™ ๐™ค๐™ค๐™ฌ๐™–๐™–๐™™ ๐™š๐™š ๐™—๐™–๐™ญ๐™™๐™–, ๐™ž๐™ฃ๐™–๐™ฎ ๐™๐™–๐™ก๐™ ๐™–๐™ฃ ๐™›๐™–๐™™๐™๐™ž๐™ฎ๐™–๐™–๐™ฃ, ๐™ค๐™ค ๐™–๐™ฎ ๐™—๐™–๐™ญ๐™–๐™ฎ๐™–๐™–๐™ฃ, ๐™ฌ๐™–๐™–๐™ฃ๐™– ๐™—๐™ž๐™ก๐™–๐™ฌ ๐™™๐™–๐™™๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™ž๐™ž".

๐Š๐š๐ฅ๐ฆ๐š๐๐ข๐ข ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐๐š & ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐‰๐’๐‹
๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง

11/01/2026

โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.๐—ช๐—”๐—ฅ ๐—ฆ๐—”๐—ซ๐—”๐—”๐—™๐—”๐——๐—˜๐—˜๐——โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.
๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ | ๐Ÿญ๐Ÿญ ๐—๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐—ฎ๐—ฟ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐š๐๐š๐  ๐ฎ ๐œ๐š๐ฆ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐ก๐š๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐ข๐ข ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฒ๐ž๐ž๐๐ก๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐›๐š๐š๐ช๐๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐Ÿ๐š๐ซ๐จ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐ข๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Dhawaaqa Soomaaliya waa tallaabo culus oo xilkasnimo la'aan ah, isla markaana si cad u jebinaya cahdiga iyo shuruucda Qarammada Midoobay iyo mabaadiโ€™da sharciga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland ma hoos-tagto k**ana tirsana maamulka Muqdisho. Somaliland waxay si sharci ah dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991kii, iyadoo oo raacaysa soohdimaheedii 1960 ee caalamku aqoonsan yahay, waxayna JSL tan iyo xilligaas ay hirgelisay nabad, xasillooni, iyo maamul dimuqraaddi ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cawaaqibka ka dhasha baaqa colaad abuurka ah si buuxda dusha ugu saaraysaa Dawladda Soomaaliya. Waxa kaloo ay beesha caalamka ku boorrinaysaa inay ganafka ku dhuftaan baaqyada noocan oo kale ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddayneysaa sida ay uga go'an tahay nabada iyo ilaalinta xaqa ay u leedahay is-difaaca sharciga caalamiga ah jiddeeyay.

๐“๐“ต๐“ต๐“ช ๐“œ๐“ช๐“ฑ๐“ช๐“ญ ๐“›๐“ฎ๐“ฑโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐ŸŽ™ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐€๐ก ๐„๐ž ๐‰๐’๐‹

07/01/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Israaโ€™iil oo wada qabtay Shir Jaraa'id

06/01/2026

๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐š๐ฅ :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Isra'iil iyo Wefti culus oo uu hogaaminayey.

Photos from Somaliland in Netherlands 's post 06/01/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israaโ€™iil, Mudane Gideon Saโ€™ar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Qaranka iyo ka Shacabka JSL waxa uu ugu horrayn Dawladda iyo Shacabka reer Israaโ€™iil uga mahad naqay goโ€™aankii Geesinimada lahaa ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay mid leh saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Jamhuuriyadda Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maanta ay Jamhuuriyadda Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Israaโ€™iil uu xoojinayo doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dal wadaagayaan.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu sheegay in aqoonsigu uu furayo fursado ballaadhan oo la xidhiidha maalgashiga, ganacsiga, tignoolajiyadda, tamarta, biyaha, macdanta, beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh ay la yeelato dalka Israaโ€™iil.

Isaguna dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israaโ€™iil, Mudane Gideon Saโ€™ar ayaa caddeeyey in Dawladdiisu ay ku faraxsan tahay Aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faaโ€™iido iyo waxtarba u leh labada dal iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland.

Sida oo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Israaโ€™iil, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay goโ€™aan ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika. Wasiirku waxa uu Dawladda Somaliland ku bogaadiyey dimuqraadiyaddeeda shaqaynaysa, nabadda ay ku dhistay amnigeeda gudaha, iyo doorka ay ka qaadato xasiloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka goโ€™an tahay in ay bulshada Caalamka ay u soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israaโ€™iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil waxa uu si cad u sheegay in Dawladda Israaโ€™iil ay Jamhuuriyadda Somaliland h**e ula jirtay oo ay aqoonsatay 26.06.1960-kii, imikana ay la jirto oo ay aqoonsatay 26.12.2025, mustaqbalkana ay hiil iyo hooba garab taagan tahay.

Booqashadan oo ahayd mid taariikhi ah, isla markaana ahayd tii ugu horraysay ee uu Wasiir Arrimo dibadeed ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland muddo 34 sanno ah, waxa ay xambaarsan tahay miisaan diblomaasiyadeed, macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan, iyada oo ay ku soo beegantay marxalad cusub iyo xidhiidh midho-dhal ah oo u bilaabmay labada dal ee Somaliland iyo Israaโ€™iil.

Booqashadani waxa ay xidhiidh toos ah la leedahay goโ€™aankii Geesinimada lahaa ee ay Dawladda Israaโ€™iil 26.12.2025 si rasmi ah ugu aqoonsatay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israaโ€™iil u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay saaxiib la isku hallayn karo, kuna taallo goob istiraatiji ah oo muhiim u ah mustaqbalka nabadda iyo amniga Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba Caalamka.

๐“๐“ต๐“ต๐“ช ๐“œ๐“ช๐“ฑ๐“ช๐“ญ ๐“›๐“ฎ๐“ฑโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
๐ŸŽ™ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š & ๐—๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐„๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐€๐ก ๐„๐ž ๐‰๐’๐‹

31/12/2025

Munaasibadda curashada sannadka cusub ee ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah JSL.

โ€œSanadka 2026 waxa uu noqon doonnaa sanadka ictiraafka iyo iskaashiga Somalilandโ€

๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ƒ๐š๐š๐ก๐ข๐ซ ๐€๐š๐๐š๐ง (๐๐š๐ค๐š๐š๐ฅ)
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ-๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š & ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐€๐ก ๐‰๐’๐‹

31/12/2025

Munaasibadda curashada sannadka cusub ee 2026 awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Ah JSL.

Waxaan Alle SWT ka rajaynayaa in sannadkan cusub uu inooga dhigo mid ay ku lammaan yihiin barwaaqo, horumar, badhaadhe.

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š & ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐€๐ก ๐‰๐’๐‹
๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง

Wilt u dat uw bedrijf hรฉt hoogst genoteerde Overheidsdienst in Amsterdam wordt?

Klik hier om uitgelicht te worden.

Plaats

Website

Adres


Hofstraat
Amsterdam
1090GD