28/04/2026
Caleema saarki Ugaaska ee dunidu yaabtay waxaa jira dad aan kasoo qayb galin hadana aan la tabin! Joogistooda iyo maqnaashahooduba wax macna ah malaha miyaa la yiri!
Halkani waa pageka rasmiga ah ee Beesha Abbakar Murusade halkaan waxaa looga shaqeeyaa oo kaliya danaha iyo siyaasadda beel waynta Abakar ee Murusade.
28/04/2026
Caleema saarki Ugaaska ee dunidu yaabtay waxaa jira dad aan kasoo qayb galin hadana aan la tabin! Joogistooda iyo maqnaashahooduba wax macna ah malaha miyaa la yiri!
Beesha Abakar waxay si cad uga soo horjeeddaa dastuurka ku sheegga uu qortay Hassan Sheikh Mohamud.
Beesha Abakar waxay u aragtaa in dastuurkaasi yahay “xeer Cali Gaaf” oo uusan noqon karin dastuur ay si wadajir ah u leeyihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Sidaas awgeed, Beesha Abakar ma aqoonsana dastuurkaas, mana u aragto mid sharci ah oo ay ku heshiisay guud ahaan Soomaaliya.
Ilaaheey haka madoobeeyo waziirka!
Xildhibaan Jacfarna waa ku mahadsanyahay in oow tahliil usoo tufay walalkiis 70 jirka ku saaqiday!
10/01/2026
Dhibka iyo rafaadka intaan laga maray shalay! 24 hrs shtdown caasimaddi oo dhan. Ciidan ka badan 5000 oo askari.
Handadaada iyo cabsi galinta ciddi wadada isku soo aadi maagta.
Wax walba oo dhaqaaqa oo la mamnuucay, ganacsigi oo dhan oo istaagay.
Xamar maxay waayo usoo joogtay!
22/11/2025
Inkasta oo Nabadoon Xalane lasoo daayay, Beesha Abakar waxay si cad u tilmaamaysaa in ficilkii lagu xannibay uu ahaa gardarro qaawan oo aan marnaba la aqbali karin.
Tallaabadaas waxay ahayd ku tumasho sharci, gef ka dhan ah karaamada beesha, waxayna muujisay in awoodda dowladeed loo adeegsaday si aan masuuliyad lahayn.
Beesha Abakar waxay si kulul uga digaysaa in aan mar kale lagu celin ficil kasta oo lagu beegsanayo odayaasheeda, culimadeeda, ama dadkeeda, waxaana maamulka Hassan Sheikh Mohamud laguna wargelinayaa in beeshu aysan ogolaan doonin ku xadgudub kale oo sharci ah.
Waxaan Dowladda u ogaysiinaynaa in beel ahaan aan si buuxda ugu taaganahay difaaca karaamadeenna iyo xuquuqdeenna, waxaana mas’uuliyadda wixii qalqal, kicin ama dhaawac bulsho oo ka dhasha ficilladan gardarrada ah dusha uga ridaynaa Hassan Sheik Mohamud.
Musiibada Xassan hormuudka u yahay!
14/10/2025
Kulanka dhaqanka Abakar iyo Musharax Khaire!
Dhaqanka iyo hoggaanka Beesha Abakar iyo musharax Hassan Ali Khaire oo kulan hor dhac u ah kulan wayne loo ballansanyahay in oow maalmaha soo socdo dhaco ku yeeshay guriga Musharax Hassan Ali Khaire.
Kulanka oo jawi heer sare ah ku qabsoomay ayaa la isla af gartay ajandayaalka looga hadli doono kulan waynaha isbuucaan lagu madlanyahay.
11/10/2025
Kulan wayn oo aan horey nuuciisa uga dhicin gudaha magaalada Muqdisho ayaa xalay dhex maray beesha Abakar oo ganacsato, aqoonyahano iyo siyaasiyiinba u dhamayd kulanka iyo Musharax Madaxwayne Hassan Ali Khaire
Kulankaan oo ahaa kala war qaadid iyo is xog waraysi ayaa socday saacado badan kaas oo beesha Abakar ay kala hadlaysay Musharax Khaire xaaladda dalka iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona dhawaan.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday guul iyo is faham.
Beesha Abakar ayaa madaxwaynaha u ballan qaaday in ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan ololaha doorashada madaxwaynaha.
29/09/2025
Maxamuud Codwayne marki la waayay ayaa Abakar la waayay!
Nimanki Reer Maxamuud la dhihi jiray ee magaca Baramuudo bixiyay, dagmadoodi Howl Wadaag ma qof ayay u waayeen ku habboon mase cadawnimada iyo doqonnimada Israafiil iyo Xuseen Codwayne ayay ku waayeen.
Mohamuud Codwayne talada Abakar dib haloogu celiyo ayagaa Abakar isku hayn jiraye.