Ismail mahdi hassan

Ismail mahdi hassan

Share

pake dhabta ah hadal yar iyo hawl badan

11/09/2021

Taariikhduna Ku Beegantahay 11 September waxay ku astaysantahay xilligii ay dhaceen weeraradii New York iyo Washington oo lagu naafeeyay dhaqaalaha dowladda Mareykanka.

20 Sanadood ayaa kasoo wareegtay markii ay dhaceen weeraradii 11/9 sanaddii 2001 ee lagu qaaday magaalooyinka New York iyo Washington dalka Mareykanka.

Weeraradaasi oo ay fuliyeen 19 dagaalyahan oo badankood kasoo jeeday dhulka Xarameynka ee Sacuudi Carabiya loo yaqaan ayaa dhulka geliyay dhaqaalaha dowladda Mareykanka.

Weeraradii lagu burburiyay daarihii Mantaanaha ahaa ee magaalada New York waxaa lagu dilay dad ka badan 3,000 oo qof sida ay sheegtay dowladda Mareykanka balse hay’adaha udooda xuquuqul insaanka waxay sheegaan in khasaaruhu intaasi ka badanyahay.

Weerarkii 11 september 2001 ayaa waji cusub geliyay loolanka melleteri ee caalamka wixii xilligaasi ka dambeeyay Mareykanka iyo xulufadiisa NATO waxay qaadeen ol ole ballaaran oo ka dhan ah Muslimiinta iyagoo ugu magac daray "dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada”.

Shacabka Mareykanka iyo dowladooda ayaa sanadkan xusaya musiibadii ku habsatay 20 sano kadib iyadoo ciidamada American-ka ay gabi ahaanba isaga baxeen Afghanistan ayna talada dib ula wareegtay imaaradii Islaamiga ee lagu burburiyay duullaankii Bush.

Mareykanka iyo NATO waxay ku duuleen wadamada Afghanistan iyo Ciraaq, dagaalladii kasoo bilaawday labadaasi wadan ayaa caalamka islaamka ku fiday waxaana la beegsaday safaarado reergalbeedku leeyihiin iyo danaha mareykanka ee caalamka oo idil.

Weeraradii 11/9 waxaa mas’uul ka ahaa Urur weynaha Al Qaacidda oo xilligaas uu hoggaaminayay Sheekh Osama Bin Laden Raximahullaah.

iyadoo 20 sanadood laga joogo weeraradii New York iyo Washington Mareykankuna uu qaaday duullanno ka dhan ah Alqaacidda iyo Xulufadeeda wali waxaa muuqata in dagaalka uusan fari ka qodneyn islamarkaana xoogaga jihaadiga ah isku fidiyeen wadamo farabadan oo caalamka islaamka ah.

Adduunka oo dhan ayaa maalmo ka hor daawanayay jabkii iyo guuldarradii foosha xumeed ee dowladda Mareykanka ka raacday dalka Afghanistan, tani ayaa ka dhigan in labaatan sano kadib Mareykanku isagoo dhutinaya uu dib uxusuusanayo halaaggii ka gaaray weeraradoo 11 Septembar ee dhacay 2001.

Dad Badan ayaa isweydiinaya sida uu noqon doono dagaalka caalamka caalamka islaamka ka socdo maadaama Mareykanku uu bilaabay dib ugurasho weyn, ma wuxuu adeegsan doonaa dagaal wakaaladeedka isagoo hub iyo dhaqaale siinaya dabadhilifyadiisa mise markale ayuu toos dagaalka usoo geli doonaa.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhaceen weeraradii 11 September mareykanku wuxuu sare u qaaday weerarada ka dhanka ah dadka muslimiinta, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan ayaa kumanaan qof ku dilay wadamo ay kamid yihiin Pakistan, Yemen. Afghanistan,Soomaaliya iyo Suuriya waana dagaal ka dhan ah islaamka iyo muslimiinta.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Alqaacidda ay sida dhimbil dab ah oo kale ukala firirtay waxay kasoo bilaabatay Afghanistan hadda waxay faracyo xooggan ku leedahay wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya, Pakistan, Hindiya, Yemen, Maali iyo Aljazaa'ir waxayna laf dhuun gashay ku noqotay wadamada Reergalbeedka iyo xukuumadda caalamka islaamka kajira ee ku dhaqma waxa loogu yeero Sharciyadda Caalamiga ah.

Maamulka uu madaxda ka yahay Joe Biden ayaa sanadkan xukunkiisa curdunka ah kula koowdsaday xuska 11 Septembar guuldarro tii ugu weyneed abid taasi oo ah middii ciidamadiisa ka raacday Afghanistan, inkastoo dhiigbaxa nafeed iyo midda dhaqaale ee ciidamada American-ka ka gaaray Afghanistan uu Biden ka horreeyay hadane isaga ayaa dusha uridanaya dhammaan ceebta halkaas kasoo hoyatay sababtoo ah waa Ninka leh fulinta qaraaraadka go'aannadii uu Trump horay ugaaray ee ku salaysnaa ka bixitaanka ciidanka ee Afghanistan

Hadda oo la joogo 2021 Mareykanka ayaa kasoo dhammaaday Afghanistan wuxuuna qorshaynayaa in uu soo gaba gabeeyo joogitaankiisa melleetri ee Ciraaq ama uu aad uyareeyo, soomaaliya waxay kamid tahay meelaha Mareykanku uu waji gaba kala kulmay, horraantii sanadkan ayuu labaxay ciidamadii uga sugnaa saldhigga Balidoogle isagoo dib ugu celiyay Jabuuti iyo Kenya halkaas oo ay kasoo diraan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan

29/07/2021

Afarta saneter ee kismaayo laga dootay sida ay ku soo baxeen oo walaac badan laga muujay!!!!

26/07/2021

(nin loo haysto basaasnim) – Muwaadin British ah ayaa sheegay in lagu jir dilay Soomaaliya, oo ay su’aalo ku weydiiyaan saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian.

Ninkan oo 45 jir ah kana soo jeeda magaalada London ayaa sheegaya in gacanta mas’uuliyiinta Soomaaliya uu ku kala kulmay ficillo ay ka mid yihiin inay madax uga ganbiyeen dhar, u adeegsadeen aaladaha qofka dareenka tira, madaxana u geliyeen biyo, si looga dhaadhiciyo inuu la shaqeeyo CIA-da Mareykanka.
David Tylor, oo magaciisa saxda la beddelay kadib codsi ka yimid qoyskiisa, ayaa waxa uu muddo laba sano ah ku xiran yahay Soomaaliya, ayada oo aan wax dacwado ah lagu soo oogin.

David ayaa ka cabsi qaba in haddii aysan dowladda UK soo faro-gelin xaaladdiisa uu wajahayo dil toogasho oo ay ku xukunto maxk**adda militariga Soomaaliya, ama loo dhoofiyo Mareykanka.
Qoyskiisa oo ku sugan London ayaa sheegaya “inay ka qalbi-jabeen” xaaladdiisa, waxayna Xafiiska Arrimah Dibedda UK ku eeedeeyeen “inuu gebi ahaanba dayacay.”
Warqado sharci ah oo sharxaya xaaladdiisa ayaa toddobaadkii tegay loo gudbiyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, waxaana loogu sheegay inay haystaan illaa Arbacada soo socota, si ay uga jawaabaan “fashilka weli taagan” ee ay ku wajaheen arrintiisa.

Warqadahan oo ka kooban sagaal bog ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ay aad u daneynayaan arrinta David. Waxaa lagu sheegay warqadaha in 30-kii June, “laba sarkaal oo Mareykan ah oo isku sheegay inay ka tirsan yihiin FBI-da” ay su’aalo ku weydiiyeen Muqdisho.
Dokumentiyada ayaa lagu yiri “waxay weydiiyeen inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Mareykanka. Waxay tuseen sawirrada shaqsiyaad kala duwan, oo ay weydiiyeen haddii uu garanayo.”

Mid ka kid ah sawirrada la tusay ayaa ah Mahdi Hashi, oo ah muwaadin British ah oo kaso jeeda xaafadda Camden ee waqooyiga London, kaasi sanaddii 2012 si sir ah loogala baxay Jabuuti looguna qaaday Mareykanka, kadib su’aalo culus oo ay weydiiyeen CIA-da Mareykanka.
Mahdi ayaa waxaa loo xiray inuu taageerayey kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee waxaa la sii daayey sanadkii tegay.

Inkasta oo aan wax sabab ah – ama caddeymo ah laga siin sababta loo xiray – haddana sawirrada la tusay David ayaa muujinaya in CIA-da ay tuhmeyso inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.
Wiil uu dhalay David, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri “aabahey waxaa lagu hilmaamay xabsi dal shisheeye, isaga oo ku sugan xaalad halis ah, wax dacwado ahna aan lagu soo oogin. Waa muwaadin British ah, wax taageero ahna k**a haysto dalkiisa.”

Waxa uu intaas ku daray “waxaan Xafiiska Arrimaha Dibedda wacayey maalin kasta si aan uga baryo inay sameeyaan wax kasta oo ay karaan si loo soo daayo aabahey, oo dalkiisa loogu soo celiyo.”
Xafiiska Arrimaha Dibedda UK, ayaa ka war-hayey xariga David tan iyo bishii April 2019, iyo tuhunada ku saabsan jir-dilka tan iyo bishii December 2020, markii ay xaaskiisa oo ku sugan London la xiriirtay.

David Taylor ayaa Soomaaliya u guuray 2009, halkaasi oo uu deganaa, hase yeeshee 13-kii April 2019 ayaa la xiray kadib markii uu Yemen u aaday inuu soo cusbooneysiisto baasaboor ka dhacayey, si uu London ugu laabto.
Waxaa saddex bil kadib loo wareejiyey saldhig militari, waxaana sida ku cad warqadha sharciga ah “loo sheegay in qof ka tirsan CIA-da Mareykanka uu doonayo inuu arko. Qofkaas ayaa isku sheegay ‘John’. Wuxuuna ku hadlayey lahjad Mareykan ah.”

16/07/2021

Jimaca mubaarak

14/07/2021

"Nin ku yidhi sinnaan maynno,
Adna buri sarrayntiisa;
sidka waa wadaagtaane,
ma sagaashan baa tiisu!

Nin ku siray ha faallaynin,
sababana ha weydiinnin,
ha u seeta dheeraynin,
hana sidin culayskiisa,
siriq iyo ku qabo baydo,
hana falin siduu yeelay.

Nin ku yidhi anaa saas ah,
ha ku odhan sidaas weeye;
sida uu ku yidhi heedhe,
haddii ay siniin weydo,
ama sarin sanaan weydo,
waxa furan sidaas maaha.

Qof saluugey maankiisa,
ama suufay muuqiisa,
ka sal kacay xaqiiqdiisa,
qabku saami ladha maaha.

Nin sitaba bar baa saaran,
nin ka sii sitaa jooga;
Ragannimada sooceeda,
adigoo sagaal buuxshey,
hal ku seegay baa yaalla.

In halkii sal hayn waayo,
laga saba rogtaa door ah,
in su'aal jawaabteed leh,
lala sara kacaa fiican.

Selelkaba hurdaa keenta,
ha ba seexan goor baas leh.
Han sareedo loo waayey,
in saraaye loo daayo,
sida aan u idhi weeye.

Bela saacaddeed joogta
Sabti nabada haw riixin.
Subax dhalatay caadkeeda,
ha ka bogan wax saarkeeda,
adiguba samee maanta,
berritana sargoo heedhe;
Noloshaba inaad saafto
qaabayso saabkeeda
Waxan suuragalin maaha.

Garashiyo sugnaan hoyso,
falka sami ha kuu raaco,
mana jiro sed kaa baaqday,
ilbaxnimadu saas weeye,
Sirta noloshu taas weeye."
~ Sirta Nolosha | 1986.

12/07/2021

Saamayn xooggan iyo culays siyaasadeed ayaa ka dhashay waxka bedelkii dhowaan golaha wakiiladu ku sameeyeen xeer hoosaadka barlamaanka Puntland,

Waxka bedelka lagu sameeyey xeer hoosaadka barlamaanka Puntland ayaa waxa uu awood dheeraad ah siiyey guddoonka golaha wakiilada iyo xubnaha Golaha, sida in xasaanada ay ka qaadi karaan, 44 Mudane, si lamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Wasiirka maaliyadaa xasan shire abgaal ayaa si dhaqso ah ubilaabay olole ka dhan ah tallaabada barlamaanku qaaday.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo deg deg uga soo laabtay safarkiisii Sweden ayaa bilaabay kulamo lagu qancinayo in ay xukuumada gacan ka siiyan xoojinta wax ka bedelka xeer hoosaadka baarlamaan ka , badelkeedana la siiyo dhaqaale .

, guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ayaa isagana wada kulamo uu kaga hortegayo culayska ka haysta xukuumada waxaana uu kulamo la qaatay ismada puntland qayb kamida sida la sheegay , Inkastoo aan la shaacin natiijada kulamadii ugu dambeeyey. Ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaysa in labada dhinac ay hadda kala haystaan min 30 xildhibaan oo garabkooda ah ayna hadda ku dirirayaan 6 xildhibaan.
Lama oga halka arinta ku damayn doonto balse waxaa la sheegayaa in ay adagtahay in sifudud lagu kala guulaysan karo maadamaa arinta ay xildhibaanadu u arkaan fursad qaaliya oo aan dib u soo mari doonin haday ay maanta lumiyaan
Waxiinka soo kordha waxaan ku soo qaadi doonaa faalada tanka damaysa insha allah

12/07/2021

(Faalo)Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey caqabado cusub kadib markii guddiga doorashada gobollada waqooyi ay laba u kala jabeeen, kuwaasi oo kala taabacsan Rai’isul wasaara ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha h**e ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Dhinacyada kala taabacsan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas oo durba dad badani ku qeexeen khilaaf hor leh.
Dadka ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa warbaahinta u sheegay in khilaafkan kasoo dhex ifbaxay guddiyada doorashada gobollada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid kamid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay.

“Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa heshiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa h**e gacan rimis laga ilaaliyo”
Dhinaca Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khadar Xariir Xuseen.

Warqad shalay uu shaaciyay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan caddaalad aheyn”
Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.
“Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu baratamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqooyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muuqan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobollada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta,” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii h**e ee lagu heshiiyay lagu daayo”
Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda loollanka ka gasho.
“Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doorashada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxyeello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo natiijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiyada doorashada.”

“Loolanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeelanayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomiyaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xiro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awoooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan,” ayuu yiri Faysal Rooble.
Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey dedaallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey Raysalwasaare Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay labadooduba soo wada magacaabeen guddidan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay.

12/07/2021

Subax wanaagsan

11/07/2021

Cibaadayso baan cindiga ku hayaye daniba maygu celin cayaartii

10/07/2021

Si uun baynoqon

08/07/2021

Jimca murakak dadka islaamka ah meel kasta oo aad joogtaan

Want your business to be the top-listed Government Service in Salalah?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Salalah
211