HAMBALYO: Dhammaan taageerayaasha Arsenal, si gaar Sxbkay Ex. Xildhibaan Cagayare.
Xuseen Badhaani
Member of Somaliland National Electoral Commission (NEC)
04/04/2026
TACSI: AHN Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo xalay ku geeriyooday magaalada Gebiley. Alle qabriga ha u nuuro, oo jannooyinkiisa ha ku deeqo. Waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii, bulshada reer Gabiley, iyo guud ahaan Qaranka JSL ee uu ka baxay Caaqilku, Ilaahay samir iyo iimaan hay naga siiyo Aamiin.
19/03/2026
Ciid Mubaarik dhammaantiin !
07/03/2026
TACSI: Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa saaxiibkay Cabdinaasir Cali Sahal, oo maanta Aabihii ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo, qabrigana ha u nuuro, jannooyinkiisa ha ka waraabiyo. Aamiin
25/02/2026
Hambalyo Magacaabista Danjiraha Idman ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dawladda Israel
Abtigay, Sxbkay Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, waxaan si sharaf iyo qadarin leh kuugu hambalyaynayaa magacaabista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu kuugu igmaday xilka Danjire Buuxa oo Idman (Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary) ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabistani waxay ka tarjumaysaa kalsoonida sare ee Qaranka JSL kugu qabo iyo aqoonsiga doorkaaga diblomaasiyadeed.
Khibraddaada iyo waayo-aragnimadaadii h**e, gaar ahaan adigoo ahaa Safiirkii ugu horreeyey ee Somaliland u magacawdo Taiwan, iyo aqoontaada heerka sare, waxay sii xoojinayaan kalsoonida laguugu aaminay xilkan cusub. Waxaan ku kalsoonahay inaad si hufan oo sharaf leh u sii hormarin doonto danaha iyo matalaadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aad xoojin doonto xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Qaranka. Alle ha kugu guuleeyo gudashada xilkan Qaran.
Hambalyo iyo bogaadin mudan.
Photo File: 10 January 2024; Taipei Taiwan
23/02/2026
TACSI
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh ka dirayaa geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Cali Cilmi (Buush) oo xaqii u yimid, aniga oo si gaar ah tacsi tiiraanyo leh ugu diraya dhammaan qoyska Ilma Cali Cilmi.
AHN Cabdifataax Buush iyo anigu waxa aanu ahayn qaraabo dhow, isla markaana isku jiil wada-kacaamay. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha KDQ, isaga oo muddo toban sanno ah ka tirsanaa Qaybta Tababarrada Shaqaalaha (TOT), halkaas oo aanu ka wada shaqaynay xilligii aan ka mid noqday Xubnaha KDQ. Sidoo kale, imika waxa uu ka tirsanaa Xubnaha Guddida Hawlgelinta Xisbiyada ee Xisbiga KAAH u qaabilsanaa KDQ.
Waxa aan Ilaahay uga baryayaa inuu qabrigiisa u nuuro oo u waasiciyo, Jannatul Fardowsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Gobolka Awdal, Xisbiga KAAH, KDQ iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Aamiin.
17/02/2026
Hambalyo & Baaq:
HAMBALYO: Waxaan hambalyo iyo duco ba u dirayaa dhammaan Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Muslimiinta caalamka munaasibadda barakaysan ee Bisha Ramadaan. Waa bil cibaado, toobad iyo is-xisaabin, laguna xoojiyo xidhiidhka Alle, laguna hagaajiyo anshaxa, dhaqanka iyo masuuliyadda qofka iyo tan bulshada. Bisha Ramadaan waa xilli lagu badiyo camalka suuban, lagu xoojiyo naxariista, isu-tanaasulka iyo wax-wadaagga. Waxay si gaar ah u adkaysaa isku xidhnaanta bulshada, waxayna waajib ka dhigtaa in daryeel muuqda loo muujiyo dadka nugul iyo qoysaska danyarta ah.
BAAQ: Maaddaama ay jiraan abaaro ba’an iyo duruufo nololeed oo adag, waxaan ugu baaqayaa Madaxda, Ganacsatada, Culimada iyo dhammaan qaybaha bulshada ay kordhiyaan sadaqada iyo zakada, abaabulaan ururinteeda iyo wacyigelinteeda, isla markaana si nidaamsan u gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan, si Bisha Ramadaan u noqoto mid ku suntan khayr, gargaar iyo wax-isa-siin.
Isku-naxariista Alle na wuu idiin naxariisanayaaye !
Diiwaangka Maansada ee Saaxiibkay Abwaan Xasan Daahir - Weedhsame ee DUGYAR. Bandhigga buugga Dug-yar waa :
Goorta: 16 Feb, 2026. Isniinta habeenka salaasadu soo galayso.
Goobta: Maansoor Hotel
Video copyright Sky Cable TV
05/02/2026
TACSI: Inaalilaah Wa-inaa-ilayhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska Ilma Xaaji Cabdiraxmaan, gaar ahaan Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Nasra Xaaji Cabdiraxmaan, geerida ku timid hooyadood Eddo Cibaado Cali Madoobe.
Alle ha u naxariisto Eddo Cibaado Cali Madoobe, qabrigeedana ha u nuuro, jannooyinkiisana ha ka waraabiyo. Qoyska, ehelka iyo dhammaan intii ay ka baxday Alle samir iyo iimaan haynaga siiyo.
Duruus Siyaasaddeed & Diini ah:
Khudbaddii ugu dambaysay ee AHN Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo uu ka jeediyay xuskii Maalinta Qaranimada JSL, kana dhacay Khayriyada Caasimadda Hargeysa.
Khudbaddani waxay si kooban u taabatay afar tiir oo waaweyn: masiirka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; xaaladdii siyaasadeed iyo bulsho ee dalka, iyadoo markaa ay taagnayd hirgelinta Aftida Dastuurka JSL (31 May 2001); iyo dood iyo munaaqasho diini ah ooo ku saabsan masuuliyadda, akhlaaqda, iyo midnimada bulshada, oo uu ugu caqli celinayo culamadii diidanayd Dastuurka JSL.
Ilaahay ha u naxariisto, qabrigiisana ha u nuuro. Aamiin.
Xuquuqda Muuqaalka Maxamed Kuraase
18/01/2026
Hambalyo taageerayaasha Senegal! Anniga caawa layga badiyey.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the business
Telephone
Website
Address
Koror
2450
