09/10/2026
UJEEDDADA SAFARKA GOLE PODCAST STUDIO
Nogob & Jarar
Gole Podcast Studio wuxuu safar ku tagayaa qaybo ka mid ah Gobollada Nogob iyo Jarar, ujeeddaduna waa inaan soo raadinno oo diiwaangelinno dadka haya aqoonta, taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan aqoonta facba fac u soo gudubtay ee aan inta badan buugaagta lagu qorin.
Waxaan doonaynaa inaan la kulanno dadka aqoonta u leh:
* Dhaqashada xoolaha, gaar ahaan geela iyo aqoonta la xiriirta daryeelkiisa iyo hab-nololeedka reer guuraaga.
* Dhaqanka guurka Soomaaliyeed, sida gabdhaha loo guursan jiray, xoolaha loo kala qaadan jiray iyo sida reeruhu xiriir iyo walaaltinimo u dhisan jireen.
* Dhirta iyo dawo-dhaqameedka, iyo dadka aqoonta u leh dhirta deegaanka iyo sida loo adeegsan jiray.
* Cimilada, daaqa iyo deegaanka, sida loo garan jiray xilliyada roobka, abaarta, cawska iyo geedaha kala duwan.
* Garta iyo nabadaynta, sida khilaafaadka loo xallin jiray, garta loo geli jiray iyo sida beelihii ama reerihii colaaddu dhex martay dib loogu walaalayn jiray.
* Suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabayada, maahmaahyada, heesaha iyo suugaantii lagu gudbin jiray taariikhda, xigmadda iyo dhaqanka bulshada.
Sidoo kale, waxaan qorsheynaynaa booqasho gaar ah oo aan ugu tagno Eng. Burayda, oo ah injineer adduunka wax ku soo bartay, haddana aqoontiisa ugu soo laabtay carruurta reer miyiga ah ee aan helin fursad waxbarasho.
Ujeeddadayadu ma aha oo keliya inaan duubno muuqaal; waxaan rabnaa inaan badbaadino xusuus, aqoon iyo dhaqan laga yaabo in haddii aan maanta la diiwaangelin uu berri lumo.
BAAQ KU SOCDA BULSHADA
Waxaan ugu baaqaynaa bulshada Nogob, Jarar iyo guud ahaan dadka deegaanka inay naga qaybqaataan safarkan. Haddii aad taqaan qof haya taariikh, dhaqan, suugaan, aqoon xoolaad, aqoon dhireed, xeer iyo gar, ama sheeko mudan in jiilasha dambe loo kaydiyo, nala soo xiriir oo noo tilmaam qofkaas.
Aqoontani qof keliya ma leh; waa dhaxal bulsho oo aynu wada leenahay. Aan si wadajir ah u badbaadinno inta aan la lumin.
Gole Podcast Studio – Waxaan raadineynaa dadka haya sheekooyinka aan weli la qorin.