06/07/2026
Afmadow, Jubbada Hoose
Guddoomiyaha Degmada Afmadow ahna duqa magalada ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada, kadib safar shaqo oo uu muddo ku maqnaa xarunta kumeel gaar ah ee kismaayo. Soo dhoweynta ayaa ka dhacday banaanka degmada, iyadoo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, kuwaas oo muujiyay farxaddooda ku aaddan dib ugu soo laabashadiisa iyo sii wadista howlaha horumarinta degmada.
Intii lagu guda jiray munaasabadda soo dhoweynta, masuuliyiintii iyo bulshada hadallada jeediyay waxay ku ammaaneen guddoomiyaha dadaallada uu ku bixiyo horumarinta Afmadow, adkaynta amniga, kobcinta wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, iyo u adeegidda shacabka degmada.
Guddoomiyuhu, isagoo la hadlay bulshada, ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Afmadow soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen. Wuxuu sheegay in safarkiisu uu la xiriiray dardargelinta howlaha shaqo iyo danaha degmada, isla markaana uu sii laba jibbaari doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, xoojinta nabadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Afmadow inay sii xoojiyaan wadajirka, isgarab istaagga maamulka iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarka degmada, isagoo xusay in horumar dhab ah lagu gaari karo iskaashi iyo midnimo.
Gabagabadii, munaasabadda soo dhoweynta ayaa ku soo idlaatay jawi farxad iyo isxilqaan leh, iyadoo bulshada degmada ay muujisay kalsooni iyo taageero ay u hayaan maamulka degmada, isla markaana ay rajo wanaagsan ka muujiyeen sii socoshada dadaallada lagu horumarinayo Degmada Afmadow.