16/10/2024
Bareeda, October 16, 2024:
Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada CID ee Dawladda Puntland G/Sare Abshir Siciid Xuseen oo uu wehliyo Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Casayr G/le Sare Fu'aad Mohamud Garab-yare ayaa si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriga ah ee dembi-baarista Puntland.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Community Boliiska, Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Ciidanka Booliska, Taliyaha Saldhigga Degmada Bareeda, iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada.
Kulanka ayaa lagu daahfuray tababar loogu talagalay qaar kamid ah ciidamada booliska Degmada Bareeda, kuwaas oo ku shaqeyn doona hannaanka cusub ee Booliska.
Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay Taliyaha Qaybta Gobolka Raas Casayr, G/le Sare@Fuaad Mahamuud hussen oo soo dhaweeyay hanaanka cusub ee boolisku u guuray. Intaas kaddib, waxaa sidoo kale hadlay Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Dowladda Puntland, G/le Sare Abshir Hussein Said (Dabaylaha), isagoo carabka ku adkeeyay ahmiyadda uu nidaamkan cusub leeyahay iyo sida ciidamada looga faa’iidaysan karo.
Haddaba, nidaamkan cusub wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa hufnaanta iyo tayada shaqada booliska si loo hubiyo amniga iyo ka hortagga dembiyada.
-
27/09/2024
Binna 27/September/2024
Talyaha Qaybta Gobolka Raas casayr G/Sare Fu'aad Mohamud Garab-yare ayaa kormeer shaqo ku tagay Degaanka Binna
Waxuu kulumo la qaatay Bulshada deeganka iyo xogmaalatada bada ka shaqeeysata wuxuna kala dardaramay in laga wada shaqeeyo amniga
Talyaha aya ushegay haday arkaan wax lid ku ah amniga Gobolka in ay. La xiriiran laamahaa amniga ee U dhow
- DHAMMAAD -
XAFIISKA WARFAAFINTA
TALISKA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA RAASCASYR
02/09/2024
Hawl-gal ay Samayen Ciiidanka Boliska Gobolka Raas casayr ee Degmada Bareeda oo u Hogaminayay Taliyaha Saldhiga Degmada Bareeda Maxamed Xasan Ayaa Lagu Soo Qabtay Sadex Nin oo Burcad Badeed ah
Burcada Ayaa Wadatay Huuri Laba Mator ku xiran tahay ballotada Sebenka, Gagasaha shidaalka oo Faruq ah iyo agab kale oo yaryar, Halka Afar kale na ay Baxsadeen Laguna Raad Joogo
Ciidanka Boliska Degmada Ayaa Wali Baaritan Ku Wada Maxabiista Falka Burcad badeednimo Lagu Soo Qabta Walow Ay Cadahay ujeedkooda oo ahaa inay Khalkhal Galiyan isku Socodka Gadiidka Badda Sida inay Aftuubtan Marakiibta ku Safra Badda Somaliya
14/02/2024
Taliyaha Qeybta Gobolka Raas casayr G/Sare Fu'aad Mohamud Garab-yare Wax qabadkiisi intu Xilka hayay
(Hogaan Dhab ah iyo u Hogaansanka Sharciga)
06/02/2024
Deg-deg:Talyaha qaybta Gobolka Raas casayr G/Sare Fu'aad Mohamud Garab-yare iyo Ciidamada Booliska Gobolka Raas Casayr ayaa gacanta kusoo dhigay doon hub siday iyo ragii waday.
05/02/2024
Caluula : Taliyaha Qaybta Gobolka Raas-Casayr G/sare Fu'aad Maxamud Xussen ayaa Hawlgal Qorshaysan uu ka sameeyeen deegaanada dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed hawlgalkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamadda Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox burcad badeed ah.
Kooxdan Burcad Badeedka ah oo ay Ciidamada
Booliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysanaa hubka noocyadiisa kala duwan sida RPG, PKM Hubka Fudud iyo Saanad Shidaaloo dhan inka Badan 21-Lixdanle oo shidaal iyo Rasaas ah.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu'aad Mohamoud Hussain oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in 3 qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geen doono sharciga Ciidamada Booliska Gobolka Raas Casayr.
Taliyaha ayaa ku raad joogaan Burcad Badeeda ka Falalka amin daro ka wadda Xeebaha Gobolka Raas casayr iyo cidkasta oo amniga Gobolka carqaladaynaysa in ay ku qabtaan Gacan Bira.
10/01/2024
Talye Qaybta Gobolkaa Raas casayr G/Sare Fu'aad Mohamud Garab-yare ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Cal-Beri
Iyo Beeldaaje Mohamed Beldaje Ismail
30/11/2023
Sawiro. Xafladi Qalanjibinta Talyaha qaybta Gobolka Raas casayr. G/sare Fu'aad Mohamud Garab-yare.
30/11/2023
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Ras Casayr G/sare Fu'aad Mohamoud Husain ayaa maantay Ka qalan jabiyay Jaamacada Bariga Africa.
Taliye Fu'aad ayaa kamid ahaa 10sano ee ugu Danbaysay Saraakiisha Amniga Puntland Balse Taasi K**a Mashquulin in uu Waxbarashadiisa Wato Waxa uu Gacana Ku Hayay Amniga Halka Gacanta kalena uu Ku Hayay Qaliinka.
30/11/2023
Taliyaha Qaybta Gobolka Raasi Casayr G/S Fu'aad Mohamud Garab-yare ayaa maanta kamid Noqoday Ardayda Ka Qalin Jabinaysa Jamacadda Bariga Africa ee Dufacda 23aad ee jaamacada.
23/11/2023
Caluula 23 Nov 2023: Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Raas-Casayr Oo Shir Guddoomiyay Shirka Khamiislaha ah ee Amniga Gobolka Raas-Casayr.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Raas-Casayr G/Sare.Fu'aad Mohamud Hussein oo uu weheliyo Taliye ku xigeenka Qeybta Gaashanle Cali Saciid Ayaa Warbixino Ka dhageystay Sarakiisha Ciidanka Booliska Gobolka.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay ee Todobaadkan waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha Turbu-tariyada CID iyo kuwa Dagmooyinka kuwaas oo ka waramay shaqooyinka Guud Ee Amaanka Gobolka Raas-Casayr.
Taliyaha qaybta gobolka Raas-Casayr G/Sare Fu'aad Maxamud Xuseen Ayaa Ku Amanay Sarakiisha Sida Ay Heeganka Ugu Jireen shaqda Amniga Gobolka iyo la dagalanka dambiyada ka dhaca Badaha iyo jiriifka sharci darada ah mukhadaradka Guud ahaan aminiga Puntland.
Xafiiska Warfaafinta,
Ciidanka Booliska Puntland.