Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Share

Transparency and accountibility

19/03/2026

Ciid wanaagsan!

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed.

Waxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii, zakadii iyo dhammaan cibaadooyinkeenii suubanaa. Ciiddaan ha noqoto mid keenta nabad, midnimo, barwaaqo iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay xoojiyaan wadajirka, iscafiska iyo isu naxariisashada, si loo dhiso bulsho ku dhisan caddaalad iyo isla xisaabtan.

Ciid Mubaarak! ๐ŸŽ‰

20/02/2026

Waxaad halkan ka booqan kartaa website-ka rasmiga ah ee Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed si aad u hesho macluumaadka ugu dambeeya ee la xiriira shaqada iyo waajibaadka xafiiska.

Website-kani waa madal rasmi ah oo laga heli karo warbixinno hanti-dhowr oo sannadle ah, xog hayโ€™adeed, daabacaado, ogeysiisyo, iyo warar muhiim ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo wacyigelinta dadweynaha.

๐ŸŒ Booqo website-ka rasmiga ah:
๐Ÿ‘‰ https://southwestoag.so/

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu sii wadaa dadaallada lagu hubinayo in daneeyayaasha iyo guud ahaan dadweynuhu ay si fudud u helaan macluumaad la hubo oo ku saleysan hanti-dhowr madax-bannaan.

17/02/2026

Waxaan dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Koonfur Galbeed, ugu hambalyaynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naga aqbalo soonka iyo cibaadada, kana dhigo bishan mid nabad, barwaaqo iyo midnimo leh.

โ€ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 10/02/2026

Muxiyadiin Cali Cabdinuur, Agaasimaha Hanti-dhowrka ee Hay'adaha dowladda ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay dib-u-qaabaynta Mashruuca SERP Project, kaas oo dhawaanahan ka dhacay magaalada Nairobi. Muxiyadiin waxa uu kamid ahaa laba masuul oo matalayay Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo ka qeybqaatay doodaha la xiriiray dib-u-eegista qaybaha mashruuca, heerka fulinta, iyo xoojinta is-waafajinta dib-u-habeynta tilmaamayaasha natiijooyinka mashruuca.

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 14/12/2025

Xafiiska Hanti-Dhowrka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayay wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xafiiska Hanti-Dhowrka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor uqaadista maamul-wanaagga, hagaajinta hab-socodka hantidhawrka, iyo xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee talooyinka hantidhawrka, iyadoo la xoojinayo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Maaliyadeed.

Waxaa la filayaa in kulankani uu horseedo isku-duwid adag iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 10/12/2025

Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu daahfuray warbixinta sanadlaha ah ee Hantidhowraha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo lagu soo bandhigay natiijooyinka baaritaannada maaliyadeed, talo soojeedinta hanti-dhowrka iyo meelaha ay bulshada ka heli karaan warbixinada hanti-dhowrka ee hayโ€™adaha dowladda sanadkii dhamaaday 2024.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay xildhibaanada gudiga maaliyada Baarlamaanka Koonfur Galbeed , ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed,

Guddiga Shaqaalaha Rayidka, ardayda jaamacadaha Magaalada Baydhabo, iyo ururadabulshada rayidka ah.

Inta lagu guda jiray madasha, xafiiska hantidhowrka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan baaritaannada sanadlaha ah ee hayโ€™adaha dowladda, kuwaas oo lagu falanqeeyay sida loo maareeyay dhaqaalaha, isticmaalka hantida dadweynaha iyo meelaha u baahan dib-u-habeyn.

Bulshada rayidka ee ka qeyb gashay madasha ayaa xafiiska hantidhowrka weydiiyay suโ€™aalo ku saabsan isla xisaabtanka, madaxbannaanida xafiiska iyo daahfurnaanta hayโ€™adaha dowladda.

Hantidhowraha Guud Mohamed Omar Ahmed ayaa bulshada u xaqiijiyay in sanadka cusub la xoojin doono kormeerka, warbixinta hufan, iyo wadashaqeynta shacabka.

Munaasabadda maanta waxay ka mid tahay dadaallada lagu dardar-gelinayo maamul wanaagga iyo ilaalinta hantida shacabka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 06/12/2025

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlada Koonfur Galbeed ayaa qabtay Olole Wacyigelin iyo Baraarujin ku saabsan hanti-dhowrka.

Ololahan oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo waxa uu ujeedkiisu ahaa in bulshada iyo Hayโ€™adaha Dowladda lagu wacyigeliyo Doorka iyo muhiimada hanti-dhowrka.

kulanka waxaa lagu Gorfeeyey muhiimada Masโ€™uuliyadda hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hantida dadweynaha, Xoojinta fahamka sharciga iyo nidaamka maaliyadeed.

Kulanka waxa ka qayb galay masuuliyiin dowladeed, wakiillo ka yimid wasaaradaha, maamulka dawladaha hoose iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Ololahan ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato kor u qaadista isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee heyโ€™adaha dowladda.

05/06/2025

๐‚๐ข๐ข๐ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐: Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda koonfur galbeed Soomaaliya waxa idinkugu hambalyeynayaa Munaasabadda Ciidul-Adxaa - ูƒู„ ุนุงู… ูˆ ุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ.

Waxaan idiin rajeyneynaa inaad ku ciiddaan, kuna gaartaan ciiddan teeda kale, farxad, caafimaad, nabad iyo barwaaqo.

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 28/05/2025

Shir heer sare ah oo ay ka soo qayb galeen xafiisyada Hantidhowrka, Wasaaradaha Maaliyadda, iyo Guddiyada Maaliyadda ee Baarlamaanada Maamul-goboleedyada ayaa ka dhacay magaalada Nairobi, Kenya. Shirkaasi waxa uu diiradda saarayay kor u qaadidda hannaanka kormeerka maaliyadeed iyo sidii loo hirgelin lahaa talo-soojeedinnada ay bixiyaan xafiisyada Hantidhowrka Guud.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa saraakiil kasoctay Xafiiska Hanti-diowrka Dowoladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayiga oo door muuqda ka qaatay shirka inta uu socday.

Photos from Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya's post 21/05/2025

Xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowlada koonfur galbeed Aya ka qeyb galey daah-furka baarista sanadlaha(2024) ee uu xafiiska sanad walba ku sameeyo warbixinta maaliyadeed.

Ku simaha Agaasimaha guud Wasaaradda Maaliyada Dowladda Koonfur Galbeed Abdullahi Abdinor ayaa Gudoomiyey Shirkan.

Shirka waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socota Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasime Waaxyadda Wasaaradda Maaliyadda.

01/05/2025

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š: Waxaan u hambalyeyneynaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxaan bogaadineynaa dhabar adeegga iyo dedaalka shaqaalaha Soomaaliyeed, si uu dalkani dhaqaale ahaan u noqdo mid kobcaya oo horumar fiican sameynaya.

Dhammaantiin, meel kasta oo aad adduunka iyo Soomaaliyaba ka joogtaan, guuleysta oo farxad, caafimaad iyo nabad ku waara.

Photos from Office of the Auditor General FGS's post 15/12/2024
Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Baydhabo
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 15:00
Tuesday 08:00 - 15:00
Wednesday 08:00 - 15:00
Thursday 08:00 - 15:00
Saturday 08:00 - 15:00
Sunday 08:00 - 15:00