BaidoaNews24

Call Directions Website Contact the organization

BaidoaNews24 Official page| News

09/06/2026

Shirka Jaraa’id Xildhibanada labada Gole ee BJFS kumatala Koofur-galbeed iyo Abdicasiis Maxamed Laftagaren ayaa war-murtiyeed kasoo saaray Shir ay ku yeesheen Magaaalada Nairobi.

Dagaalka Saldhigii daafuur oo daraawiishtii soo weerartey qorina ay Ka furteen kuwii Salbaar2 ee meeshaasi joogey
02/06/2026

Dagaalka Saldhigii daafuur oo daraawiishtii soo weerartey qorina ay Ka furteen kuwii Salbaar2 ee meeshaasi joogey

Gudoomiyaha Mamulka Degmada waajid Mohamed Moallim Yusuf ayaa Tageerey bayaan Ka soo bax Xafiiska Madaxweynaha Dowladda ...
02/06/2026

Gudoomiyaha Mamulka Degmada waajid Mohamed Moallim Yusuf ayaa Tageerey bayaan Ka soo bax Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Hon Ibrahim Adan Ali - Najah ayaa Bartiisa Facebook ku Cadeeyey Madaxweynaha Sharci...
02/06/2026

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose Hon Ibrahim Adan Ali - Najah ayaa Bartiisa Facebook ku Cadeeyey Madaxweynaha Sharciga ee Dowladda Koonfur Galbeed inuu yahay Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen asaga Walaac ka Muujiyey Xaalada Amniga iyo Bini Aadan nimada Deegaanka.

02/06/2026

Madaxda Mucaaradka Muqdisho iyo Villa Somalia ayaa dhexda uga jira maalmo qolo kasta ay gaarkeeda diyaargarow ugu jirto, iyadoo dowladdu doonayso in ay maquuniso banaanbaxyada mucaaradka ee lagu diidan yahay mudo kororsiga, hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa dhankooda doonaya in ay si dhab uga horyimaadaan mudo kororsiga ayna 4ta June dhigaan banaanbaxyo.

Ciidamadii ugu badnaa ayay dowladda Federaalka u qeybinaysaa galinka dambe ee berri ilaa caawa aagag kale duwan, ka dib kulan amni oo maanta dhacay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen madaxda sare qaarkood.

Ilo wareedyo madax banaan ayaa u sheegay BaidoaNews24 in dowladdu baadigoobayso in ay qaado Talaabo lagu xakameynayo awooda mucaaradka, guryaha ayaa la duldhigi doonaa ciidan xoogan, jidadka muhiimka ahna waa Bandow.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu yahay Madaxweynaha ...
02/06/2026

Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu yahay Madaxweynaha sharciga ah. Waxayna walaac xoogan ka qabtaa in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo. Sidoo kale, waxay ku baaqaysaa in la dhowro dhexdhexaadnimada gargaarka iyo amniga.

31/05/2026

Bal Daawo Dagaalkii Shalay ka dhacay Xerada Barwaaqo sida ay u carayaan Salbalaar oo Dulmi ku jooga Magaaladda Baydhabo.

Dhawaan ayey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed la wareegi doonaan Magaaladda Baydhabo.

 , Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in howlgalada ka dhanka ah kooxda Salbalar 2 ay ma...
31/05/2026

, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in howlgalada ka dhanka ah kooxda Salbalar 2 ay marayaan marxaladdii ugu dambeysay. Wasaaraddu waxay tilmaamtay in kooxdaasi h**e loogu daadiyay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, islamarkaana howlgalka lagu saarayo uu socday muddo laba bilood ah.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in howlgal maanta ka dhacay Baydhabo uu guuleystay, isla markaana kooxda lagu gaarsiiyay jab weyn. Waxay intaas ku dartay in howlgaladu sii socon doonaan ilaa laga saarayo dhammaan kooxaha hubeysan ee sharci darrada ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa uga mahadcelisay shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan reer Baydhabo, taageerada ay siiyeen ciidamada amniga. Waxaana ay ku eedeysay kooxda Salbalar 2 falal ay ka mid yihiin dhac, baad, dhibaateyn iyo bililiqo loo geystay shacabka.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay caddeysay in ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ay ka go'an tahay sugidda nabadda, xasilloonida iyo ku dhaqanka sharciga.

30/05/2026

Baydhabo saakay sidaan ayay dadka deegaanka u soo dhoweeyeen ciidanka Madaxweyne Laftagareen ee KGS.

Tani waxay muujineysaa in dadka deegaanka ay neceen maleeshiyaadka reer Muqdisho, weliba xilli maalmahaan ay soo bateen dhaca loo geysanaayo shacabka Baydhabo.

29/05/2026

DEG DEG: Taliye Isaaq Nakaruumbe ayaa Gaaray Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed.

Address

Villa Southwest State
Baydhabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BaidoaNews24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to BaidoaNews24:

Shortcuts

Share