Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS

Share

لا تَظلِمَنَّ إِذا ما كُنتَ مُقتَدِراً. فَالظُلمُ مَرتَعُهُ يُفضي إِلى النَدَمِ. تَنامُ عَينُكَ وَالمَظلومُ مُنتَبِهٌ. يَدعو عَلَيكَ وَعَينُ اللَهِ لَم تَنَمِ.

19/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS Mudane H.E. Nur Sidow Baba ayaa Hambalyo Udiray munaasabadda Ciid Al -Fitri Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo deegaanada KGS

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Reer KGS inay muujiyaan Isku duubni iyo is garabtaag ay isku sameeyaan xiiliga adag oo ay dadka wajahayaan Abaaro iyo hurin Colaadeed

Wasiirka ayaa Allah SWT uweydiiyey Guud ahaan Umadda inuu ka aqbalo Acmaashii Suubanayd Soonkiii Iyo Sadaqadii intaba
كل عا م وًانتم بخير

17/02/2026

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Dowladda KGS iyo Culimo ka tirsan Masaajidka weyn Ee Masjid jaamaca Magaalada Baydhabo ayaa bulshada uxaqiijiyey inay arkeen Bisha Ramadan

Photos from Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS's post 17/02/2026

Culimada Masaajidka weyn Jaamaca Magaalada Baydhabo iyo guddiga kasocday wasaaradda ayaa xaqiijiyey inay arkeen Bisha Ramadaan
maalinta berri oo Arbaca ah taariikhduna ay ku beegantahay 18/2/2026 ay kow tahay inshalah
Ramadan Mubarak
———
"DHAMMAAD"
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo
Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda awqaafta iyo Arimaha dinta DKGS.
Abdimalik Mohamed

17/02/2026

Ramadan Mubarak 🌙

17/02/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mubaarak Abdisalan Haji Abdi oo faahfaahin ka bixiyey Marxaladahii tartanka uu soo maray
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS

17/02/2026

khudbada
Madaxweynaha dowlada konfur galbeed mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay barashada, xifdinta iyo ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka, isagoo ku boorriyay dhalinyarada inay xoogga saaraan cilmiga diinta iyo akhlaaqda suuban. Wuxuu sidoo kale ammaanay culimada, macallimiinta iyo waalidiinta doorka ay ka qaateen tarbiyadda iyo kobcinta jiilka soo koraya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii xoojin doonto taageerada barnaamijyada diimeed iyo horumarinta waxbarashada. Isagoo amaan gaar ah ujeediyey Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS Mudane H.E.Nur Sidow Baba

17/02/2026

Qudbada Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS Mudane H.E.Nur Sidow Baba oo ku aadan abaalmarinta xaflada tartanka quranka kariimka ee Dowladda konfur galbeed oo uu taabgalinayey Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen

17/02/2026

Xafladda khatinkan Tartanka Quranka kariimka ey Qabatay . Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS uu taabgiliye Ka yahay Madaxweyne H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen
Aya quran lagu furfurey

Photos from Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS's post 17/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e ka galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa ku hambalyeeyay ardayda guuleysatay tartanka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo sida ay uga go’an tahay barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mar walba garab istaagi doonto ardayda iyo barnaamijyada kor u qaadaya barashada diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa ku Amaanay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS sida uu juhdi balaaran ugeliyey qabsokmidda howshan

Photos from Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS's post 17/02/2026

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa si rasmi ah u soo xiray xafladda abaalmarinta Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay ka qeybgalayaasha iyo guuleystayaasha tartanka dadaalkooda iyo kartidooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay barashada iyo ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay culimada, macallimiinta iyo waalidiinta kaalinta ay ka qaateen tarbiyadda iyo kobcinta ardayda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto taageerada tartamada diimeed iyo horumarinta waxbarashada diinta Islaamka.

Photos from Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS's post 17/02/2026

Waxaa masrax Saaran Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS mudane H.E.Nur Sidow Baba Ayaa ka hadley xaflada abaalmarinta tartanka quranka kariimka dowlada Konfur Galbeed oo uu taabgalinayey madaxweynaha dowlada H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen

Photos from Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS's post 17/02/2026

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Marwo shamso maxamed yarow oo ku hadleysey afka golaha wasiirada Dowladda Konfur Galbeed Ayaa ka hadashey xaflada abaalmarinta tartanka quranka kariimka ee dowlada Konfur Galbeed waxay si gaar ah amaan ugu jeedisay Wasiirka Wasaaradda Mudane H.E.Nur Sidow Baba inuu wax weyn ka bedelay qaab howleedka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS

Want your business to be the top-listed Government Service in Baydhabo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Baydhabo