05/11/2025
.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdullahi Abdi Mohamed uu Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Mudane Yakub Isak Hussein ayaa caasimada Nairobi- Kenya kaga qayb galay kulan heer sare ah oo lagu falanqeeyay xoojinta nidaamka diiwaangelinta iyo ruqsadaha ganacsiga ee Soomaaliya.
Kulanka waxa qeyb ka ahaa wasaarada ganacsig & Warshadaha Federaalka, wasaaraha ganacsiga heer Dowlad goboleed iyo Bangiga Adduunka,
Kulank ayaa lagu falan qeeyey xoojinta nidaamyada diiwaangelinta iyo ruqsadaha ganacsiga taa oo tallaabo aas-aasi u ah dhisidda deegaan ganacsi oo hufan, daahfuran, oo lagu kalsoonaan karo.
22/10/2025
Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa si rasmi ah u daah furay kulan muhiim ah oo looga hadlayay qaabka cusub ee maalgelinta (innovative financial product) ee ay hirgelinayaan hay’adaha World Vision, SomRep, iyo SomRil iyagoo kaashanaya Wadaag Microfinance Institution (MFI).
12/09/2025
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah ka qeyb galay Bandhigga Ganacsiga Koonfur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Wasaaradda Ganacisga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed ayaa sanadkii labaad oo joogta ah Qabatay bandhiga Ganacsiga kaa oo lagu soo bandhigay waxsoosaarka Gudaha iyo hal abuurada ganacsiga Qeybihiisa kala duwan sido kale inta uu socdo bandhiga waxa lagu soo bandhigi doona fursado maalgashi oo ay diyaariyeen shirkado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.
Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray booqashada xarumaha bandhigga, waxa uu dhiirrigeliyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan tayada waxsoosaarkooda, si ay ula tartamaan suuqa caalamka.
11/09/2025
Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowlada Koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak ayaa maanta kulan looga hadlaayey maalgalinta loo dhanyahay xarunta Wasaarada kula yeeshay Madax ka socotay hey’ada World Vission iyo SomRIL oo bahwadaag la ah dallada Somrep.
Shirka ayaa diirada lagu saaray sidii ganacsatada yaryar loogu sameyn lahaa barnaamijyo lagu kobcinaayo aqoontooda ganacsiga isla markaana ay u heli lahaayeen maalgalino kaabaaya ganacsigooda