DEG DEG:Wasiirka Amniga KGS Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa ku dhawaaqay Bandow iyo awaamiiro Amni oo culus.
F.G: Isku socodka dadka iyo ganacsiga waa ay furanyihiin, marka laga reebo in ciddii laga shakiyo inay wax amniga lid ku ah wado, la baaridoono
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed
Wassaradda Amniga Gudaha DGKGS
24/05/2026
Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa martigelisay shir goboleed muhiim ah oo ku saabsan Kahortagga Xagjirnimada iyo Xoojinta Iskaashiga Amniga Geeska Afrika, kaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin iyo khubaro heer gobol iyo heer caalami ah.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Yasin, ayaa shirka qayb ka ahaa, isagoo qayb ka noqday doodaha iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira kahortagga fikiradaha xagjirnimada iyo dhismaha nabadda gobolka.
Shirka waxaa kasoo qeyb galay wafdi ka socday dalalka Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti, Hay’adaha UNDP iyo KOICA, iyo masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka.
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd xoojinta iskaashiga gobolka, wada shaqeynta dhinacyada amniga, horumarinta wada noolaanshaha bulshada, iyo dejinta hannaan-hawleedyo wax ku ool ah oo si wadajir ah loogu wajahayo khataraha amni ee ka jira Geeska Afrika.
Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa tilmaamtay in shirkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu dhisayo iskaashi waara iyo xalal mideysan oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
22/05/2026
War-Saxafadeed Dagaalkii Xalay ka dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo ee u dhaxeeyey New Alshabaab iyo Alshabaab oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
21/05/2026
Warqadaan waxa qoray Wasiirkii h**e Amniga Gudaha koonfur galbeed waana wax k**a jiraan mana ah warqad Wasaaradda Amniga gudaha KGS ka soo baxday.
Wasiirka wasarada amniga dowlada konfur galbeed mudane maxamed xusen (joon) aya su’alo muhim ah laga weydiyey amniga guud e magalada baydhabo
14/05/2026
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mohamed Hussein ayaa si qoto dheer uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Ali Adow, iyo Taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, Marxuum Yoonis Adam, kuwaas oo maanta ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa sheegay in labada taliye ay ahaayeen saraakiil geesiyaal ah oo naftooda u huray difaaca dalka, shacabka iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah, isagoo tilmaamay in geeridoodu ay tahay mid murugo weyn ku reebtay guud ahaan ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, ehelladii, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen labada taliye ee geesiyaasha ahaa. Waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa Alle uga baryay marxuumiinta inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehellada, ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.
13/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Joon, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS General Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir-guddoomiyay shirka Amniga KGS oo kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala magaalada Baydhabo, waxaana looga hadlay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.
03/05/2026
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cali Cabdullaahi Isaaq ayaa maanta guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada loo fidiyo bulshada. Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo waxqabadka guud ee dowladda.
Agaasimaha Guud Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Yaasin Abdulaahi ayaa Agaasimaha Madaxtooyada iyo Agaasimiyaasha Guud Wasaaradaha la wadaagay muhiimada ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Arimaha Amniga Deeganada Koonfur Galbeed.
29/04/2026
Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah goobaha Bulshada magaalada Baydhabo ay ku cabeeyaan isaga oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgalidda xaaladda amni ee magaalada, qiimeynta howlgallada socda, iyo xoojinta dadaallada lagu sugayo nabadgelyada shacabka. Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada kala duwan ee ka howlgala Baydhabo, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee amniga iyo caqabadaha jira.
Mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa ku ammaanay ciidamada amniga dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga, isaga oo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan howlahooda si loo xaqiijiyo xasillooni waarta. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay xoojinta amniga iyo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka, isla markaana la sii wadi doono kormeerada noocan oo kale ah.
29/04/2026
Shirka Amniga Dowlada Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ayaa loogu hadlay amniga guud ee sedexda gobol Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Shirka oo uu guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Joon ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiisha ciidamada qalabka sida Booliska, Nabad-sugidda iyo Milateriga kuwaas oo ka howlgala deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka Amniga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, maamulada Gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo.
Wasiir Joon ayaa warbixin la xiriirta amniga ka dhageystay saraakiisha ciidamada, gaar ahaan amniga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Saraakiisha ciidamada ayaa shirka ka sheegay in ciidamada amniga ay ku jiraan heegan buuxa oo ku aaddan sugidda goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan la filayo inay ka dhacaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Joon ayaa saraakiisha ciidamada faray in laga shaqeeyo nabadgelyada, shacabka Koonfur Galbeed ayuu Wasiir Joon ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Address
Madaxtooyada Baidoa
Baydhabo
