09/11/2024
Baydhabo; Sabti , Nov 9, 2024:
Waxaa goordhow magaalada Baydhabo ka furmaya Kulanka latashiga hey'adaha cilmi-baarista, khubarada sharciga, aqoonyahanka iyo hey'daha dowladda ee magaalada Baydhabo oo ku saabsan dib-u-eegista cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS.
18/07/2023
Fasaxa Bilashada Sanadka Cusub ee Hijriga.
15/07/2023
WAR DEG DEG AH
Guddiga Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa war kasoo saarey Xayiraadda khawaariijta alshaab ay kusoo rogeen maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo.
Guddiga ayaa ku amrey ganacsatadda inay qiimaha badeecadaha hoos u dhigaan oo ay ka dhigaan sidii awalba ahayd. Waxaa kaloo guddigu ay sheegeen cidkasta oo la macaamiisha Al shabaabna ay ka qaadi doonaan tilaabo adag.
Sidoo kale guddiga ayaa dignin hor leh soo saarey, waxayna sheegaan in qofka allaale qofkii khawaariijta u taga uusan kusoo laaban doonin deegaanada dowladda koonfur Galbeed.