24/09/2026
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tagay beeraha loogu talagalay tababarka iyo tayeynta aqoonta beeralayda, gaar ahaan barashada hababka casriga ah ee beerashada.
Kormeerka ayaa Wasiirku ugu kuurgalay xaaladda beeraha, habka loo maareeyo dalagyada iyo howlaha tababarka ee lagu barayo beeralayda farsamooyinka casriga ah ee wax-soo-saarka beeraha.
Wasiirka ayaa sheegay in horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta aqoonta beeralaydu ay muhiim u yihiin xoojinta sugnaanta cuntada, kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada.
Booqashada Wasiirka waxaa ku wehlinayey Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cali Maxamed Ibraahim iyo Mas’uuliin ka tirsan Hay’adda ACF oo Wasaarada Beeraha kala Shaqaysa Hormarinta Wax soo saarka.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa waddo dadaallo lagu dhiirrigelinayo beeralayda, laguna horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah, si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha loona taageero bulshada ku tiirsan wax-soo-saarka beeraha.