10/10/2022
Dharag badanaa, oo Weyni badanaa toloow maxow cunay?
Waxaa igu maqalaa inow 30 Ugus ah dajiyay, kadib markii ay xalay Wabiga naf ka raadsheen.
Sawirkaan Saakay ayaa Buulo-burte leyga soo diray.
Share dhaha Ugus Al-shabaab haku quus qataane saaxiboyaal.
01/10/2022
Taliyaha ciidanka Dulka ciidanka Xooga Dalka somaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidaan ayaa booqday furimaha dagaalka oo aay ku suganyihin ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Dowlada.
Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirra gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah Argagixisada ka wadao deganada gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta 27 ee CXD Genaraal Tawane Maxamed Maxamed oo la hadlay ciidanka degaanka ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jibaaraan waxana uu u sheegay in Al shabaab jabeen ay u Baahanyiin dhameeystir kaliya lagana Guuleysta Kooxda.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haaya howlgalka ka dhanka ah kooxda Al.shabab ee Gobolka Hiiraan ka socda waxana dadka degaanka is xil qaamay ugu kula dar daarmay in aysan maqal shaqsiyaadka ka Xun Halganka ka socda Hiiraan.
Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku amaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wadaan Gobolka Hiiraan taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee ree Hiiraan kasocda tusaale u yahay soomaaliya oo dhan, waxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe dadka ree hiiraan ku garab istaagi doonto taageero ciidaan dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan cadawga.
Ciidanka is garabsanaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan dib ugu laabtaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo saraakiisha ciidaanka aay sheegeen in xeelad ciidan saakay uga soo bexeen waxana ay shegeen in shabaab ay jabeen.
01/10/2022
Wallee Tuutaha ma dhigo inta taako Shabaab dhulkeena ka joogaan.
Guul ama Geeri.
01/10/2022
Khawaarijtii meel wal oo ay Hiraan ka joogaan yaa arkay?
30/09/2022
Warar ka isi soo taraya ee Sheegaya inow Cali Dheere Afhayeenkii Argagisada dhaawac yahay waa run, waana biyo k**a dhibcaan, lakiin waxaan bulshada Somaliyeed u sheegeynaa in Howlkalkaas anan lag weecin sidow ahaay raggii Argagixisada jabkaas gaarsiina anan xaqooda la duudsiin.
Dagalkaas Cali dheere lagu dhawaacat 82 dhagar qabe oo kale na lagu dilay, waxaa fuliyay, Ciidamada dib u xureeynta Gobolka Hiiraan.
Wabillaahi Towfiiq.
29/09/2022
Alle ha kuu Naxariisto, Nabadoonkeenii aan jecleeynay, Sharaf iyo cizi ayaad ku dhimatay, waxaadna aheyd Shahiid jidkii Ebbe ku shahiiday asoo dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa difaacanaa, kana difaacanaa Khawaarij Rabbi iyo Rasuul ku been abuurtay.
Insha Allahu waxaan kuu ballan qadeynaa inaan kusoo aarno, dardaarankaadiina aan sidisii u fulino.