Jamahiirta Gudoomiye Ali Jeite

Jamahiirta Gudoomiye Ali Jeite

Share

Gudoomiyaha Gobol ka hiraan waxa oo u taaganyahay xureynta dalka.

Jamahirta tageersan Gudoomiye Ali Jeite Osman ayaa halkaan ku mideysan iyo dhammaan inta Hormarka Hiraan Jecel.

10/10/2022

Dharag badanaa, oo Weyni badanaa toloow maxow cunay?

Waxaa igu maqalaa inow 30 Ugus ah dajiyay, kadib markii ay xalay Wabiga naf ka raadsheen.

Sawirkaan Saakay ayaa Buulo-burte leyga soo diray.

Share dhaha Ugus Al-shabaab haku quus qataane saaxiboyaal.

06/10/2022

War adaa Dhameey Xildhibaane, Guuleyso Garabkaada ayeeynu nahay.

Waa ka guuleysaneynaa Al-shabaab iyo kal-kaalkooda Dad ka Somaliyeeydna saad sheegtay Marag iyo marqaati ayeey inoga yihiin, gobanimada aan u horseednay.

Guul ama geeri.

06/10/2022

Qofkii Shabaab guri ka kireeya, asagana waa la xeri doonaa gurigana waa lagala wareegi doonaa.

Shabaab ka fogaada, anaga iyo Shabaab mid ayaa Hiraan u haraa Alle idinkiis waana anaga.

Guul ama Geeri.

05/10/2022

Waa in Deg-deg xilaalka looga Qadda Taliyaasha Nabad sugidda iyo booliska hiiraan mas'uliyadda wixii dhacay waa in ciidu yeelata.

Haddii aad si deg-deg ah tilaabo uga qaadi weysaan, anaga ayaa ka qadeyna, saana leyskaga hari mahaa Alle idinkiis.
Masuuliyadda aan dad ka reer Hiraan u hayaana ma noqondoonto mid magac u yaal ah.

Mudane: Ali Jeite Osman (Guddoomiyaha Gobolka Hiraan)

04/10/2022

Waxaa maanta farxad weyn inoo ah inaan aragno walalaheyn Mudulood oo dagaalka nagula soo biiray, waa idin tabeynay wana ogeyn inaad imaneysiin.

Dhaqaqaan ficil haloo badalo Insha allah, Shabaab waa ka adkaneynaa 3 bil oo aan dagaal kula jirnay waxaan ogaanay sida ay u tabar yar-yihiin.

Guul ama Geeri.

Mudane: Ali Jeite Osman (Guddoomiyaha Gobolka Hiraan)

01/10/2022

Qof walba oo isku dayda in ay fashiliso kacdoonka shacabka Reer Hiiraan, waxaan ula dagaalameynaa sida aan ula dagaalameyno Khawaarijta, beenta aad wadaan baraha bulshada ma soconeyso Maanta kadib.

Guul ama Geeri.

Photos from Jamahiirta Gudoomiye Ali Jeite's post 01/10/2022

Taliyaha ciidanka Dulka ciidanka Xooga Dalka somaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidaan ayaa booqday furimaha dagaalka oo aay ku suganyihin ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa Dowlada.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirra gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka ee howlgalka ka dhanka ah Argagixisada ka wadao deganada gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27 ee CXD Genaraal Tawane Maxamed Maxamed oo la hadlay ciidanka degaanka ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jibaaraan waxana uu u sheegay in Al shabaab jabeen ay u Baahanyiin dhameeystir kaliya lagana Guuleysta Kooxda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haaya howlgalka ka dhanka ah kooxda Al.shabab ee Gobolka Hiiraan ka socda waxana dadka degaanka is xil qaamay ugu kula dar daarmay in aysan maqal shaqsiyaadka ka Xun Halganka ka socda Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku amaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wadaan Gobolka Hiiraan taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee ree Hiiraan kasocda tusaale u yahay soomaaliya oo dhan, waxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe dadka ree hiiraan ku garab istaagi doonto taageero ciidaan dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan cadawga.

Ciidanka is garabsanaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan dib ugu laabtaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman oo saraakiisha ciidaanka aay sheegeen in xeelad ciidan saakay uga soo bexeen waxana ay shegeen in shabaab ay jabeen.

01/10/2022

Wallee Tuutaha ma dhigo inta taako Shabaab dhulkeena ka joogaan.

Guul ama Geeri.

01/10/2022

Khawaarijtii meel wal oo ay Hiraan ka joogaan yaa arkay?

30/09/2022

Warar ka isi soo taraya ee Sheegaya inow Cali Dheere Afhayeenkii Argagisada dhaawac yahay waa run, waana biyo k**a dhibcaan, lakiin waxaan bulshada Somaliyeed u sheegeynaa in Howlkalkaas anan lag weecin sidow ahaay raggii Argagixisada jabkaas gaarsiina anan xaqooda la duudsiin.

Dagalkaas Cali dheere lagu dhawaacat 82 dhagar qabe oo kale na lagu dilay, waxaa fuliyay, Ciidamada dib u xureeynta Gobolka Hiiraan.

Wabillaahi Towfiiq.

30/09/2022

Dagaal kii Ceel Qooxle ee lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

liibaan Cabdi Cumar oo ah Afhayeenka Maamulka gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay.

29/09/2022

Alle ha kuu Naxariisto, Nabadoonkeenii aan jecleeynay, Sharaf iyo cizi ayaad ku dhimatay, waxaadna aheyd Shahiid jidkii Ebbe ku shahiiday asoo dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisa difaacanaa, kana difaacanaa Khawaarij Rabbi iyo Rasuul ku been abuurtay.

Insha Allahu waxaan kuu ballan qadeynaa inaan kusoo aarno, dardaarankaadiina aan sidisii u fulino.

Want your business to be the top-listed Government Service in Beledweyne?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Koshin Street
Beledweyne