19/03/2026
Ciid Mubarak
Police Station Beledweyne Waa Page-ka Saldhiga Boliiska Dagmada Beledweyne
19/03/2026
Ciid Mubarak
17/02/2026
Ramadan Mubarak, Nabad ku Sooma
05/02/2026
WAR-SAXAAFADEED: SALDHIGA BOOLISKA DEGMADA BELEDWEYNE
Maanta oo Taariikhdu tahay 05/02/2026 waxaa lagu guuleystay in la soo xiro Eedeysaneyaasha kala ah; C/shakuur Xasan Ibraahim iyo Maxamed Cawaale Cumar ku waas oo ku eedeysan Fal kufsi wadareed ah oo ka dhacday Beledweyne
Eedeysaneyaashan waxay qeyb ka yihiin kiis baaristiisa uu socdo waana labada keliya ee ka dhinaa kiiska waxaana la horgeyn doonaa Maxk**ada awooda u leh.
Fadlan cid walbo oo tacadi la kulanta Saldhiga Boliiska Beledweyne ha soo gaarsiiyo cabashadiisa si cadaalad uu u helo.
Mahadsanidiin
02/02/2026
Saldhiga Boliiska Degmada Beledweyne ayaa Gacanta ku soo dhigay Eedaysane Afaraad oo ku Eedaysan fal kufsi wadareed ah oo ka dhacday Degmada Beledweyne.
01/02/2026
Ciidmada Booliska Degmada Baladweyne ayaa gacanta ku dhigay saddex (3) eedeysane oo ku Eedaysan qodobka 398 XCS dhawaana kasoo muuqday baraha bulshada, kuwaas oo lagu arkay muuqaal tacadi ay u geeysanataan gabar Soomaaliyeed.
"Shacabka Magaalada Beledweyne Cida Hantidooda ku aamineen oo ay ku hurdaan waa idinka"
Taliyaha Saldhiga Boliiska Beledweyne
G/dhaxe Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.
Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Beledweyne, G/ Dhaxe Cabdullaahi Maxamuud Siyaad ayaa maanta kulan muhiim waxa uu la qaatay Saraakiisha' Saraakiil xegeenada iyo Askarta Ciidanka Boliiska ka howlgala saldhigga Baladweeyne.
Taliyaha ayaa hadalkiisa diiradda ku saaray adkeynta amniga guud ee magaalada, isagoo ciidamada kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqada ay ugu adeegayaan bulshada, isla markaana ay muujiyaan feejignaan iyo masuuliyad ku aaddan waajibaadka loo igmaday.
G/Dhaxe Cabdullaahi Maxamuud Siyaad ayaa si cad u sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan la aqbali doonin sarkaal ama askari ku sugan xarumaha booliska isaga oo aan u adeegayn bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku timaadda gudasho la’aan waajibaadkeeda lala tiigsan doono sharciga.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa Ciidamada ku bogaadiyay sida ay u muujiyeen diyaar-garowga iyo u hoggaansanaanta awaamiirta, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba jibaaraan dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo kala dambeynta Magaalada Beledweyne.
Ogeysiis ka soo baxay Saldhiga Booliska Baladweyne
Laamaha Amniga ee magaalada Baladweyne, gaar ahaan Ciidanka Booliska Saldhiga Baladweyne, ayaa ku wargelinaya dadweynaha ku nool magaaladda Baladweyne in ay gacanta ku dhigeen mooto Bajaaj la tuhunsan yahay in laga dhacay muwaadinkii lahaa.
Mootadan oo shil ku gashay Bartamaha laamiga Baladweyne ayaa waxa goobta ka baxsaday wadihi wadaya Ama Darawalkii mootada, Bulshada ka ag-dhaweyd goobta uu shilku ka dhacay oo shaki galay ayaa si degdeg ah ula soo xiriiray Ciidanka Booliska, taasoo suurta-gelisay in Boolisku ay soo qabtaan mootada isla markaana ay geeyaan Saldhiga Booliska Baladweyne.
Ciidanka Booliska Saldhiga Baladweyne ayaa hadda ku wargelinaya cid kasta oo ka maqan mooto Bajaaj, ama u maleyneysa in mootadan ay iyadu leedahay, in ay si degdeg ah ula soo xiriirto una timaado Saldhiga Booliska Degmadda Baladweyne, si loo xaqiijiyo milkiyadda cidda iska leh loona qaado tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.
Booliska Baladweyne ayaa mar kale ku bogaadinaya bulshada wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, taasoo door weyn ka qaadata sugidda amniga guud ee magaalada.
08/01/2026
Dhamaan waxaan Bulshada somaliyeed ku wargalineynaa in warqadani tahay mid been abuur ah kana soo bixin xafiiska Qeybta Boliiska Gobolka Hiiran
Warqadaana ay tahay waxba k**a jiraan oo la been abuurtay xasiifka Qeybta Boliiska Gobolka Hiiraan.
20/12/2025
Waxaan hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha Sar sare, Saraakiisha Hoose, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda, Xaasaskooda iyo Carruurta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay maanta ku beegantahay 82 guurada ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Boliiska oo la aas aasay 1943,
Ammaan iyo bogaadin aan la soo koobi karin ayaan u dirayaa dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,
Dhanka kale, waxaan shaacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska.
Ciidanka Booliska waa hooyada ciidamada qalabka sida ee dalkeenna sidoo kale waa saaxiibka bulshada, sidaa awgeed, dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay gacan ka siiyaan shaqada ay hayaan Ciidanka Booliska oo ah ilaalinta nafta iyo maalka Shacabka.
Cabdullaahi Maxamuud Siyaad
Taliyaha Saldhiga Boliiska Beledweyne.
20/12/2025