03/05/2026
Xadhig ka jarka Ururka Shaqaalaha ee Xirfadlayaasha iyo Wadayaasha Gaadiidka Cagafyadda iyo Macdaarka waaweyn ee Magaalada Berbera.
Waxaanu shalay Xadhiga ka jarnay Ururka Xirfadlayaasha wadayaalna ka ah Cagafyadda iyo Macdaarka waaweyn oo ku bahoobay Ururka kana mid ah Urur waynaha Heer qaran ee Xidhiidhka Guud Ee Ururada Shaqaalaha Somaliland, sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka xeer Lr 31-2020 Qodobkiisa 65'aad iyo qodobka 66'aad oo waajibinaya Furista Ururka shaqaale oo Dastuurku Jideeyey sidoo kalena cadeeyey sida ay shaqeynayaan.
Xadhig ka jarkan ayaa waxaa sameeyey Guddoomiye xigeenka gobolka Maxamuud Hindi Aadan oo uu wehelinayaan Isuduwayaasha Gobolka, Siyaasiyiin iyo Isuduwaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan , Guddoomiyaha Ururka Cabdilaahi Aadan oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda Ururkan ka shaqayn doona danta iyo xuquuqda shaqaalaha Xirfadlayaasha Cagafyadda iyo Gaadiidka waaweyn.
Shalay oo Wasaaraddu qabatay xuska Maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa xuska ka dib xadhiga ka soo jartay Ururkan oo hoos iman doonna ahna shaqaale kor u dhaafaya 300 oo xirfada Cagafyadda iyo Macdaarka waawey leh.
Ururkan ayaa kor u qaadi doonna xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha sidoo kalena sameyn doona isku xidhka Wadayaasha Cagafyadda iyo gaadiidka waaweyn ee ka hawlgala gobolka Saaxil, Berbera.
Hambalyo Maamulka Ururka Midnimo iyo Xubnaha ku bahoobayba.
Xafiiska Berbera.
02/05/2026
Xuska Maalinta shaqaalaha Adduunka ayaa Berbera lagu qabtay waxaana ka soo qayb-galay Madax kala duwan oo uu hormood u ahaa Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil Maxamuud Hindi Aadan, Shirkadaha magaalada Berbera, Ururadda Arrimaha Bulshada, Ururka Naafada , Ururka Xirfadlayaasha shaqaalaha ee Midnimo kana mida Urur waynaha Heer Qaran midawga shaqaalaha Somaliland, Iskuulada Farsamadda Gacanta Berbera Technical iyo Soyca, Aqoonyahanka Gobolka iuo qaar kamida isuduwayaasha Laamaha dawladda, ka soo qaybgalayaasha ayaa dhammaantood hambalyo u diray shaqaalaha Gobolka sidoo kalena tallooyin iyo aqoonba soo bandhigay.
Xafiiska Berbera.
18/03/2026
Barnaamijka Dhiiirigalinta Dhallinyarada Baratay Aqoonta Diiniga ah iyo Guddoonsiin Shahaadooyin iyo Hadyaddo.
Masjidka Ijaaba oo sanadkasta Bisha Ramadaan lagu qabto Dawro Diiniya kaas oo uu soo qaban qaabiyo Ustaad Ustaad Mohamed Ducaale Akram ayaa lagu qabtay magaalada Berbera ayaa waxaa ka qayb Isuduwaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Waxay markasta dhiirigalinaysaa cidkasta oo Bulshada ka dhisaysa Aqoonta iyo xirfadaha iyadoo ujeedku yahay in la soo saaro Bulsho dhisan oo heer ka gaadha shaqooyinka iyo isbedeladda bulsho ee socda.
Xafiiska Berbera.
12/02/2026
Ololaaha dhiiga loo shubayo Bulshada Berbera iyo Saaxil ayaa wali socda waxaana ka qayb-galay madaxda gobolka saaxil, iyagoo ku baaqay in dhiiga loo shubo waxaannu soconayaa ilaa Berri.
Wasaaradda shaqada, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska waxay markasta soo dhaweynaysaa talaabo kasta oo Bulshada labu badbaadinayo noloshooda waxna u taraysa.
"Dhiig shubistu Waa shaqo Bulsho oo ay hoggaanka u hayso Wasaaradda Horumarinta caafimaadka gobolka saaxil oo aan ku bogaadinayo dedaalkeeda ka dhanka ah ololahan.
Isuduwaha Gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan".
Xafiiska Berbera.
15/01/2026
WARGELINTA FASAXA SHAQAALAHA RAYIDKA AH EE XUSKA ISRAA-WAL-MICRAAJ. SI WAAFAQSAN QODOBOBADA 15 iyo 20'aad Xeerka shaqaalaha Rayidka ah xeer Lr. 31-2020.
Wasiir Milgo Mohamed Sanbaloshe Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhammaan shaqaalaha rayidka ah iyo xaasaskooda iyadoo u rajeynaysay barwaaqo iyo Farxad dhammaan.
Xafiiska Berbera.
14/01/2026
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚, 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐪𝐢𝐢𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔.
𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝟏𝟒/𝟏/𝟐𝟎𝟐𝟔- Waxaa magaalada Berbera si rasmi ah loogu soo gunaanaday shirkii labada maalmood u socday madaxda iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska (MOLSAF), kaas oo nuxurkiisu ahaa dib-u-qiimaynta waxqabadkii sannadkan 2025 iyo dejinta qorshe-hawleedka sannadka cusub ee 2026.
Shirkan oo ay soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐌𝐢𝐥𝐠𝐨 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 (𝐒𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐞), oo wehlinayo Agaasimaha guud 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐡𝐚𝐤𝐮𝐮𝐫 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 ayaa muddadii uu socday waxa ay waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddu madasha ku soo bandhigeen warbixino faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadkii u qabsoomay, caqabadihii ay la kulmeen iyo qorshe-hawleedyada ay hiigsanayaan sannadka soo socda. Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa mid mid u soo jeediyay xog-waraysiyo iyo bandhigyo ku saabsan hannaanka shaqo iyo isbeddelada dhinaca horumarka ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay sannadkii tagay.
Wasiirka Wasaaradda Marwo Milgo Maxamed Cilmi oo shirka soo xidhay ayaa bogaadisay hannaanka ay waaxyuhu mid mid u soo bandhigeen qorshayaashooda, waxayna ku dhiirigelisay dhammaan shaqaalaha iyo agaasime-waaxeedyada inay u diyaar-garoobaan hirgelinta mudnaanaha sannadka 2026. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay midaynta qorshayaasha Wasaaradda, ballaadhinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyadoo shirka lagu soo gunaanaday jawi is-afgarad ah iyo ballan-qaad ku aaddan in si wadajir ah loo fuliyo qorshe-hawleedka cusub ee la ansixiyay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdishakuur Ismaciil Xuseen oo hadallo dhiirigelin iyo tilmaamid ah u jeedinayay agaasime-waaxeedyada ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in qorshe kastaaba noqdo mid waaqici ah oo u adeegaya hiigsiga fog ee wasaaradda iyo baahiyaha shacabka, isagoo bogaadiyay hufnaanta iyo xogaha saxda ah ee ay waaxyuhu soo bandhigeen.
13/01/2026
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝐤𝐮 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔
Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaa saaka si rasmi ah uga furmay shirka sannadlaha ah ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ((𝐌𝐨𝐋𝐒𝐀𝐅), kaas oo muddo laba cisho ah lagu lafo-gurayo waxqabadkii sannadkii 2025, isla markaana lagu dejinayo qorsha-hawleedka sannadka cusub ee 2026. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda, 𝐌𝐚𝐫𝐰𝐨 𝐌𝐢𝐥𝐠𝐨 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐒𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐨𝐨𝐬𝐡𝐞, Wasiir-ku-xigeenka Md. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐇. 𝐀𝐛𝐝𝐢 (𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲𝐝𝐡), Agaasimaha Guud 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐬𝐡𝐚𝐤𝐮𝐮𝐫 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo Isuduwaha gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan iyo masuuliyiin kale, ayaa ujeeddadiisu tahay in la soo saaro go’aamo wax-ku-ool ah oo hagaya jihada shaqo ee wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda ayaa furitaankii kulanka ka sheegtay in qorshahani yahay mid lagu xoojinayo nidaamka isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo tayaynta adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu u hayso bulshada, iyadoo qorshaha cusub ee 2026-ka si dhow loogu saleeyay mudnaanta qaranka iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira dalka. Dhankiisa, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda ayaa xusay in sannadka cusub xoogga la saari doono daryeelka bulshada, abuurista fursado shaqo, iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, haweenka, qoysaska, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo adkeeyay in wada-shaqaynta bah-wadaagta wasaaraddu ay tahay fure loo yahay guusha qorshayaashan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa isna dhankiisa tilmaamay in kulankan lagu naqshadaynayo qorshe-hawleed cad oo leh halbeegyo lagu qiimeeyo waxqabadka, si loo xaqiijiyo hirgelin hufan oo natiijo-ku-salaysan, isagoo xusay in qorshahani uu ka turjumayo Qorshaha Shanta Sanno ee Wasaaradda, Qorshaha Qaranka ee Saddexaad (NDP III), iyo ballanqaadyadii xukuumadda ee ku aaddanaa adeegga bulshada.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil ayaa Wasaaradda ku hambalyeeyay in ay laba sano oo isku xigta qorshaheeda sannadlaha ah ku samaysay Gobolka Saaxil, isagoo tallaabadaas ku sifeeyay mid muujinaysa muhiimadda maamul-daadejinta, si adeegyada wasaaraddu ay si dhow ugu gaadhaan gobollada iyo degmooyinka dalka. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa la filayaa in lagu soo gebagebeeyo go’aamo dhaxal-gal ah iyo qorshe dhammaystiran oo horseeda horumarinta iyo tayaynta adeegyada bulshada ee sannadka 2026.