01/05/2026
Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxay Rugta Kutubta Berbera hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Akhristayaasha, Shaqaalaha iyo adeegayaasha bulsho meel kasta oo ay joogaan.
Maalintani waa maalin qiimo gaar ah u leh shaqaalaha dunida oo dhan, waana fursad lagu xuso kaalinta lama illaawaanka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka bulshooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimo adag oo ku dhisan caddaalad iyo wadajir.
Hambalyo dhammaan Shaqaalaha u heelan adeegista bulshada
26/04/2026
📚 Bandhigga Buugga: Aqoonsiga Somaliland
Bandhigga Buugga “Aqoonsiga Somaliland” ee uu qoray Xasan Cismaan Ismaaciil, ayaa lagu soo bandhigi doonnaa Rugta Kutubta Berbera habeenimada Salaasada ee Arbacadu soo geleyso 7:00 fiidmino.
Buuggan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa shuruudaha, sharciyadda caalamiga ah iyo siyaasadda aqoonsiga, isagoo iftiiminaya mowduuc muhiim u ah mustaqbalka Somaliland.
🗓 Taariikh: 28/04/2026
⏰ Waqti: 07:30 PM
📍 Goobta: Rugta Kutubta Berbera
10/04/2026
Qoraa Nuura Axmed Faarax, oo ah qoraaga buugga "Cawayska Carruurta" iyo carruurteeda, ayaa shalay oo Khamiis ah nagu soo booqatay Rugta Kutubta; waxayna si qurux badan oo firfircoon uga qayb qaadatay barnaamijka carruurta ee Ababiye, kaas oo si toddobaadla ah uga qabsooma rugta.
Qoraaga iyo carruurta ayaa si qurux badan isu bartay, waxayna uga sheekaysay sheekooyinka ugu cuddoon ee ku xardhan buugga "Cawayska Carruurta".
Maamulka Rugta Kutubta ayaa si weyn ugu mahadnaqay qoraaga buugga, waxana uu ku bogaadiyay dedaalka badan ee ay gelisay inay dhigane carruurta u gaar ah kusoo kordhisay maktabadda dadka af-Soomaaliga ku hadla qeybteeda caruurta, taas oo baylah badani ka jirtay!
19/03/2026
" تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال"
07/03/2026
Xildhibaan Aadan Sahal Ducaale ayaa deeq buuggaag ah oo ka kooban 150 buug Soo gaadhsiiyay Rugta Kutubta Akhriska iyo Berbera.
Xildhibaanka ayaa buuggaagtan si rasmi ah noogu wareejiyay, isaga oo ugu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dadka jecel akhriska iyo qoraalka.
07/02/2026
Maamulka Rugta Kutubta Berbera, wuxu shahaado dhiirri galin ah siiyay, shaqaalaha ugu wanaagsanaa Rugta sannadka 2025
Jaamac Maxamuud Abokor oo noqday shaqaalaha galinka h**e shaqsigii ku guulaystay
Xamda Maxamuud Muuse shaqaalaha galinka danbe shaqsigii ku guulaystay.
04/02/2026
Barnaamij ka caawa inoo qabsoomi doona.
25/12/2025
Kulanka barxadda Rugta kutubta Berbera oo galabta lagu gorfeeyay buugga caanka ah ee 21 xeer ee hogaaminta oo uu soo jeediyey aqoonyahan sare Cabdikariin Maxamuud cawil Kariimi.
Aqoonyahanku waxa uu tibaaxay sifooyinka ay tahay in uu yeesho qofka hogaamiyaha ahi.
25/12/2025
Galabta, waxa barxadda h**e ee Rugta Kutubta iyo Akhriska Berbera innooga dhici doonta gorfayn iyo falanqayn buugga “The 21 Irrefutable Laws of Leadership.
Ka faa'idaysi wanaagsan.
18/12/2025
Barnaamijkii dunida akhriska ee uusoo jeediyay qoraa Cabdirisaaq Sandheere.