Mohamud Nur Jama

Mohamud Nur Jama

Share

Principal of Bosaso Public Secondary School

14/11/2023

ABAAL RAAGA RAG BAA LEH

Marka aad Guul gaarto libinta iyo farxada haka ilaawin Raggii aad jabadka iyo jidiin wadaaga ahaydeen, Markastana waa inaad tirisaa cidda kula joogta sidookale taywdaa Cidda kaa maqan.

Halkan waxaan kusoo gaarnay Talada odayaasha iyo firfircoonida dhiliyarada.

Mahadsanidiin bahda Bosaso Public Secondary School

Photos from Mohamud Nur Jama's post 11/11/2023

Wadajirka iyo Midnimadu waa wadada Guusha.
Macallinku waxa uu Mudanyahy Ixtiraam, Tixgelin iyo Qadarin.

Maamuus hadii ruux la siin magacna loo yeeli
Mansab iyo hadday darajo sare cidi mulkiyahayso
Qofka mudan milge loo taxoo lagu mabsuudsiiyo
Inuu yahay midkii macalinaan muran ka taagnayne

Photos from Mohamud Nur Jama's post 09/11/2023

HAMBALYO

Dedaal waa gaaraa!

Waxaad hanateen himilo iyo higsi aad ku taameyseen muddo dheer, oo aad u soo marteen guure iyo galab carow.

Waxaad noqoteen tusaale nool oo kudayasho mudan.
Waxaad Sharafteen naftiinii, Waalidkiin , Iskuulkiinii, Degamada Bosaso Gobolka iyo Puntland.
Waxaad kaalin u gasheen ku dhowaad 7,000 oo arday oo ay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland imtixaan Shahaadi ah ka qaaday oo aad ka midnoqoteen 10ka ugu Sareeya.

03/10/2023



Caafimaad taam ah Allah hasiiyo Ustaad Abdi Dahir Aden oo ka mid ah Maamulka iyo howlwadeenada Dugsiga Sare ee Bosaso Public Secondary School oo xaalad caafimaad ujooga

Photos from Mohamud Nur Jama's post 28/09/2023

NEW RECORD!!!

Saacadaha, Maalmaha ,bilaha iyo Sanadaha ina dhaafaya midna masoo laabanayaan, laakin midwaliba waxay kategayaan xusuus iyo Taariikh.

Sanad Dugsiyeedkii 2022/2023 Waxaa taariikhda Dugsiga Sare ee Bosaso Public Secondary School ku qorantay xusuus lama ilaawaan ah.

Waxaa Markii ugu h**eysay laga diiwaangeliyey imtixaanka shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland oo Sanad waliba loo galo si joogto ah oo midaysan dhammaan Gobolada Puntland.
kadibna la shaaciyo natiijadiisa ayna ugu mudantahay liiska kala horaynta 10ka arday ee ugu Sareeya imtixaanka oo sanadka tirada u fariisatay ay ku dhoweyd ilaa (7,000) oo arday in 10ka kaalmood ee ugu h**eeya ay wada galeen (15)arday ayna (6) ka mid ah kumetaleen Dugsiga Sare ee Bosaso.

09/06/2023

Jimce, 09/06/2023



Allah imtixaanka ha u fududeeyo dhammaan aradyda Puntland ee geleysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Sanad dugsiyeedka 2022/2023. Fasalad 8aad iyo 12aad.
Oo bilaabanaya Sabtida 10/06/2023.


Guulaysta dhammaantiin

Photos from Mohamud Nur Jama's post 06/01/2023

DIIWAANGELINTA DOORASHADA QOF IYO COD

Markii ugu h**eysey taariikhda, waxaan saaka isku diiwaangeliyey inaan qaybka noqdo doorashada ka dhici doonta degmadii aan kusoo barbaaray, wax kusoo bartay, Bare iyo barbaariye aan ka ahaa Muddo ka badan 14sano.

Diiwaangelintu waa xuquuq uu leeyahay qofka muwaadinka ah.

Waxaan rajaynayaa dhalinyaro ahaan inaan aragno iyada oo degmadii aan intaas kasoo marnay naloo doortay ama aan cid u doorano mustaqbalka dhow insh'allah.

Photos from Mohamud Nur Jama's post 14/11/2022

MAHADCELIN

TOGETHER WE CAN!

Marka ay kula shaqaynayaan dad howl kar ah oo daacad ah, wax walba oo shaqada la xiriira waxay kuu noqonayaan wax fudud oo si dhib yar lagu gaaro.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howl wadeenada iyo barbaariyayaasha Dugsiga Sare ee Bosaso Public Secondary School oo isku darsaday daacadnimo, waayo aragnimo , aqoon , karti iyo hufnaan.

22/08/2022

Daryeelka Ardayga:- Qiso Dhaba

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa macalimadii is dhextaagatay aradaydii ay wax u dhigaysay oo fasalka Shanaad ku jirta, wayna salaantay iyada oo ku tidhi waan idin jeclahay dhamaantiin iyada oo isha ka dad-baysa hal wiil oo lagu magacaabo Teddy.
Wiilkaas dharkiisu had iyo jeer waa wasakhaysan yihiin, usgag ayaa ka muuqda, aqoontiisa waxbarasho aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeerna isaga ayaa isku maqan oo wuu fakerayaa, xukunkan ay macalimadu wiilkan dusha ka saartay ee ay u aragto wiil aad u liita waa aragti ay ka dhaxashay muddadii ay wax u dhigaysay , sababtoo ah had iyo jeer lama ciyaaro aradayda , muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo jeerka musqusha ayuu u cararaa.
Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimadu kuba raaxaysataa marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso qalinka cas iyo isku talaabta ayey u badisaa , waxayna ugu qortaa wuu dhacay warqad kasta.
Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannadadii h**e , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sanadkii uu ku jiray fasalka koowaad , iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday.
Macalinkiisii sanadkii koowaad waxa uu ka qoray Teddy, waa wiil caqli badan , oo dadaala, hiba ilaahay siiyey , shaqada loo diro si wanaagsan u qabta ,si wanaagsan u habeeya casharada.
Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin odhanaysa Teddy waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibadii , hasa yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.
Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray , Teddy geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag , wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaamsiiya , xaaladda gurigooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa , haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah.
Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. Teddy waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya , wax niyad ah uma hayo waxbarashada , saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh , wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax labaranayo.
Halkaa markay warbixinihii macalimada la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay Dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka , wayna isku khajishay oo is canaanatay.
Xaalku macalimadu wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay had-yado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen , marka laga reebo wiilka Teddy, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee tukaamadu dadka adeega ugu laabaan.
Arrintaasi macalimadii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Teddy iyo hadyadiisa foosha xun, hadyada Teddy waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la sudho iyo quraarad cadar ah oo kala badhan.
Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macalimadii hadyadii ka guddoontay Teddy , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay , si diiranna ugu mahad celisay , way xidhatay silsiladii yarayd markiiba , cadarkiina way isku shubtay, ”boofisay”.
Wixii maalintaas ka danbeeyey Teddy marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimadiisu soo baxayso, maalintii danbey ayuu ku yidhi maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa, markii uu intaas ku yidhi macalimadii oohin ayaa ilinteeda ka soo daatay, waayo Teddy wuxuu u sheegay in Cadarkii kala badhnaa ee uu hadyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jiray, meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray , sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.
Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxay guda gashay in ay aad u daryeesho Teddy, wuxuuna bilaabay Teddy in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday Teddy wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada saraysay.
Teddy sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday wuxuu uqoray macalimadiisi warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macalimadii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray , waxayn macalamadisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay , waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macalimad wanaagsan, oo daryeesha aradayda.
Teddy Muu ilaawin macalimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.
Muddo ka dib oo sannado badan ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Teddy ,oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.
Macalimadii iyada oo ku labisan hadyadii silsiladii yarayd ee Teddy u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Teddy.
Teddy wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka , cudurkii hooyadii u dhimatay.
Tolow imisa araday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed.
Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qofkasta oo bare ah , ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.
Waa dhanbaal ku socda waalidka in uu ilmihiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Bosaso
252