Dowladda Hoose ee Bosaso

Call Directions Website Contact the organization

Dowladda Hoose ee Bosaso This is the official Page of Bosaaso municipality

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte), oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorsh...
05/10/2026

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte), oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Dowladda Hoose, Maxamed Yuusuf Axmed (Tabadha), ayaa Garoowe uga qaybgalay shirka dardargelinta iyo qiimaynta nidaamka maamul-daadejinta adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

Shirka oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa shir-guddoomiyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Kulanka ayaa lagu qiimeeyay hirgelinta nidaamka adeeg-daadejinta ee heer degmo, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, iyadoo si hordhac ah looga hirgeliyay degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho.

Waxaa sidoo kale la isla eegay qorshaha lagu ballaarinayo nidaamka maamul-daadejinta, si adeegyada bulshada loogu dhoweeyo shacabka heer degmo.

04/10/2026

Shirka diyaar-garowga soo dhawaynta qulqulka qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen iyo Soomaalida kasoo laabanaysa dalkaasi oo lagu qabtay Dowladda Hoose ee Bosaaso.

SHIRKA DIYAAR-GAROWGA SOO DHAWAYNTA QAXOOTIGA IYO SOOMAALIDA KASOO LAABANAYA DALKA YEMEN.Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arri...
04/10/2026

SHIRKA DIYAAR-GAROWGA SOO DHAWAYNTA QAXOOTIGA IYO SOOMAALIDA KASOO LAABANAYA DALKA YEMEN.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Mudane Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Cali Faarax Farmayeeri, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/sare Siciid Aadan Siciid, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Maxamuud Cabdullaahi Axmed Kawte iyo Kaaliyaha Xoghayaha Dowladda Hoose Maxamuud Muuse Xasan Camo ayaa wadajir uga qaybgalay shir looga hadlayey diyaar-garowga soo dhawaynta qulqulka qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen iyo Soomaalida kasoo laabanaysa dalkaasi, kuwaas oo toddobaadyada soo socda kusoo wajahan magaalada Boosaaso.

Shirka waxaa isugu yimid bah-wadaagta ka shaqaysa soo dhawaynta, diiwaangelinta, ilaalinta iyo adeegyada muhiimka ah ee loo fidiyo dadka kasoo laabanaya dalka Yemen. Bah-wadaagta ayaa ka kooban Wasaaradaha kala duwan ee Puntland, hay’adaha amniga, Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee ka shaqeeya arrimaha qaxootiga iyo adeegyada bulshada.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha qaxootiga, dib-u-laabashada iyo adeegyada muhiimka u ah dadkaasi, isuduwayaal,Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay qorshaha diyaar-garowga iyo sidii si wadajir ah loo waafajin lahaa adeegyada kala duwan ee loo baahan yahay, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in adeegyada muhiimka ah lagu mideeyo hal goob oo loogu talagalay qaabilaadda dadka kasoo laabanaya Yemen.

Qorshahan ayaa lagu fulinayaa xarunta qaabilaadda qaxootiga ee Boosaaso, taas oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, iyadoo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan bah-wadaagta ay khusayso.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa isku-xirka hay’adaha kala duwan, loo diyaarin lahaa adeegyada aasaasiga ah, loona hubin lahaa in dadka soo laabanaya ay helaan qaabilaad nidaamsan iyo adeegyo muhiim ah marka ay magaalada Boosaaso soo gaaraan.

Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha ka qaybgalay kulanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si dhow u wada shaqeeyaan, si loogu diyaar garoobo baahida ka dhalan karta soo laabashada tirada badan ee Soomaalida iyo qulqulka qaxootiga ee la filayo toddobaadyada soo socda.

Qorshahan wadajirka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in magaalada Boosaaso ay si habsami leh ugu diyaar garowdo soo dhawaynta dadka kasoo laabanaya Yemen, iyadoo la isku dubbaridayo adeegyada, amniga, caafimaadka, diiwaangelinta iyo baahiyaha kale ee muhiimka u ah dadka soo laabanaya.

02/10/2026

Waa mahadsan yihiin Culimadeena qiimaha badan ee wacdiga iyo waanada inala garab taagan xilli kasta, meelo kala duwana uga yimi sidii ay qalbigeena Alle ka cabsiga iyo cibaadada Alle u fari lahaayeen, iyo bulshadeena wanaagga jecel oo galabta soo buux dhaafiyey Garoonka Shuhadada Bosaaso.

28/09/2026

Wakiilka Haya'adda Terre Solidali Cabdirisaaq Cawaash Beeldaaje "Guddoomiye kusoo dhawoow Xarunta kaydka iyo tuubooyinka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Boosaaso, oo aan ku wadno tijaabo dhawaana magalada gaari doona insha Allah".

28/09/2026

Hadal Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo kormeeray Xarunta Kaydka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Boosaaso, kaas oo laga soo wado deegaan beereedka Hodonka ah ee Duud Shabeel ee degmada Bosaaso.

28/09/2026

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa kormeeray Xarunta Kaydka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Boosaaso, kaas oo laga soo wado deegaan beereedka Hodonka ah ee Duud Shabeel ee degmada Bosaaso, isla markaana maraya heer gabagabo ah.

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa kormeeray Xarunta Kaydka Mashruuca Biyo-ballaadhint...
28/09/2026

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa kormeeray Xarunta Kaydka Mashruuca Biyo-ballaadhinta Magaalada Boosaaso, kaas oo laga soo wado deegaan beereedka Hodonka ah ee Duud Shabeel ee degmadaBosaaso, islamarkaana maraya heer gabagabo ah.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Talyaaniga (AICS), ayaa dhawaan la filayaa in xarigga laga jaro, isagoo qayb muhiim ah ka qaadanaya horumarinta adeegga biyaha iyo sidii magaalada Boosaaso ay u heli lahayd biyo macaan oo ku filan baahida bulshada.

Guddoomiyaha waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey masuuliyiinta mashruuca, waxaana kormeerka ku wehelinayey Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Agaasimayaal iyo Injineerro.

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay...
27/09/2026

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Kulanka ayaa ahaa xog-is-weydaarsi guud, iyadoi sidoo kale laga hadlay xaaladda iyo baahiyaha dadka barakacayaasha ah iyo magangelyo-doonka ku sugan Boosaaso, iyo arrimaha la xiriira qaxootiga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha ay khusayso arrimaha barakacayaasha iyo qaxootiga.

Masuuliyiinta UNHCR ee Guddoomiyuhu qaabilay waxaa ka mid ahaa Deputy Representative MS Song, Field Officer MS Winnie Kakuba, Bosaso Protection Officer Zainab Suleiman iyo Thein Winn, Assistant Protection Officer.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose iyo Masuuliyiin kale.

HAMBALYO 🎓Bahda Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi A...
26/09/2026

HAMBALYO 🎓

Bahda Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Aadan Degel, Guddoomiyaha Xaafadda Baalade ee Magaalada Boosaaso, oo si guul leh u soo dhammeystay heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda Boosaaso.

Guddoomiye Cabdixakiin wuxuu tusaale u yahay in hoggaaminta bulshada, shaqada iyo waxbarashadu ay is barbar socon karaan, isla markaana dadaal iyo go’aan adag lagu gaari karo himilooyinka qofku leeyahay.

Bahda Dowladda Hoose waxay kuu rajaynaysaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya adiga iyo guud ahaan ardayda kale ee kula qalinjebisay, waxaana ay Alle ka baryaysa inuu cilmiga aad baratay ka dhigo mid anfaca adiga, bulshada iyo dalka.

Address

Gaaca Road
Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Bosaso posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose ee Bosaso:

Shortcuts

Share