01/06/2026
Laami saarista Jidka Citygate.
.
This is the official Page of Bosaaso municipality
01/06/2026
Laami saarista Jidka Citygate.
.
Hadal jeedinta Mustafe Salaad Cali oo ka mida Guddiga Horumarinta Degmada Bosaaso ee Laami saarista dhismaha laamiga isku xira suuqa caanaha iyo jidka laamiga wayn ku xira wadada masjid rowda oo shaqadiisu socoto.
Hadal jeedinta Guddoomiye Kuxigeenkii h**e ee degmada Bosaaso Ganacsade Axmed nuur Huruuse "Waa bogaadinayaa shaqada socota, diyaar waxaan u nahay inaan la shaqayno dowladda hoose iyo guddiga horumarinta, ganacsatadana waxaan farayaa in laga qayb qaato horumarka".
Hadal jeedinta Guddoomiye Kuxigeenkii h**e ee degmada Xildhibaan Siciid Cabdiraxmaan Garoon oo bogaadiyey ee Laami saarista dhismaha laamiga isku xira suuqa caanaha iyo jidka laamiga wayn ku xira wadada masjid rowda oo shaqadiisu socoto.
Hadal jeedinta Agaasimaha waaxda Howlaha Guud ee dowladda hoose Maxamuud Saalax Ismaaciil ee Laami saarista dhismaha laamiga isku xira suuqa caanaha iyo jidka laamiga wayn ku xira wadada masjid rowda oo maanta la bilaabay.
Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Bosaaso Suldaan Maxamed Muuse Indhataag ee
Laami saarista dhismaha laamiga isku xira suuqa caanaha iyo jidka laamiga wayn ku xira wadada masjid rowda oo maanta la bilaabay.
31/05/2026
Guddoomiyaha degmada Bosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa kormeeray halka uu marayo dhismaha laamiga isku xira suuqa caanaha, laamiga guursade iyo jidka laamiga wayn ku xira wadada masjid rowda taas oo laami saaristeeda la bilaabayo maalinta beri ah.
Guddoomiyaha ayaana Engineerada iyo shirkada gacanta ku haysa laamigan ka waraystay sida ay shaqadu u socoto isaga oo ku bogaadiyey hawsha ay hayaan isla markaana faray in la dedejiyo dhamaystirkiisa madama u muihiim u yahay isu socodka bulshada.
30/05/2026
Boosaaso, 30 May 2026: Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, oo uu weheliyo wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdislaan Cali Faarax ayaa magaalada Boosaaso ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Guud ahaan gobolka Bari, waxaa imtixaanka u fariistay 6,543 arday oo isugu jira fasallada 8-aad iyo F4, Qaar ka mid ah ardayda ayaa bartay xirfadaha farsamada gacanta, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.
Guddoomiyaha ayaa ardayda u rajeeyey guul iyo natiijo wanaagsan, isagoo ku dhiirrigeliyey inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen muddadii waxbarashadooda, isaga oo sidoo kale kormeeray qaar ka mida goobaha Imtixaanka ka socdo ee magalada Bosaaso.
Daahfurka imtixaanka waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, maamulka gobolka Bari, Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Xildhibaano ka tirsan Gollaha deegaanka iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay'adaha dowladda.
Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, oo uu weheliyo wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdislaan Cali Faarax ayaa magaalada Boosaaso ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026.
Guddoomiyaha degmada Bosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo ka qaybgalay daahfurka imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2025-2026 ee magalada Bosaaso ayaa Kelmedo dardaaran iyo dhiirigelin ah u jeediyey guud ahaan ardayda fasalada 8aad iyo 12aad ee Imtixaanka maanta u fariistay.