Mareero State House

Mareero State House

Share

Waa Page-ka Rasimiga Ah Ee Madaxtooyada Dowladda Mareero

18/04/2026

DOWLADA MAREERO WAXAY AAD UGU XUNTHAY MAAMULKA TAAGTA DARAN EE MAJEEDHEN SIDAY UGA YEESHA DABA DHILIFKA AHMED HARTI. DISHISHE.

19/03/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA MAREERO OO HAMBALYO CIIDUL FIDRI U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED, GAAR AHAAN BULSHADA REER MAREERO

Dhahar, Maarso 19, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero, Mudane Jeylaani Mohamed Ahmed, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada sharafta leh ee reer Mareero.

Madaxweynaha ayaa sheegay in munaasabaddan qiimaha badan ay tahay fursad lagu muujiyo midnimo, walaaltinimo iyo is-garab istaag, isaga oo shacabka ku booriyay inay xoojiyaan isku duubnidooda, isla markaana ay garab istaagaan dadka danyarta ah si farxadda Ciidda loo wada gaarsiiyo dhammaan bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryay ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo cibaadooyinkii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, sida Soonka, Salaadaha Taraawiixda, Tahajudka, akhriska Qur’aanka Kariimka ah iyo sadaqooyinka, isla markaana uu ku gaarsiiyo bisha Ramadaan ee soo socota nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dalka, isagoo ugu dambeyn shacabka u rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad iyo barwaaqo.

“تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال”

— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Mareero

18/03/2026

DOWLADA MAREERO OO BULSHADEDA U CADENAYSANA IN 30KA LA BUUXIYO BISHA BARAKAYSAN.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


T. Me/Mareerostatehouse
Bosaso