Mareero State House

Directions

Mareero State House Waa Page-ka Rasimiga Ah Ee Madaxtooyada Dowladda Mareero

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO KA QAYBGALAY DAAH FURKA JAAMACDA GOLIS EE CASIMADA DHAHAR DHAHAR: Ogoosto 31, 2026; Madax...
31/08/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO KA QAYBGALAY DAAH FURKA JAAMACDA GOLIS EE CASIMADA DHAHAR

DHAHAR: Ogoosto 31, 2026; Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa ka qaybgalay munaasabadda daah-furka, isaga oo bulshada ku dhaqan Gobolka Haylaan ku boorriyay inay ka faa’iidaystaan fursaddan waxbarasho ee loo keenay deegaanka.

Sidoo kale,Madaxweynuhu wuxuu bulshada ugu baaqay, gaar ahaan dhalinyarada, inay iska dhaafaan safarrada dheer iyo deegaanada ay h**e ugu bixi jireen raadinta waxbarashada sare, maadaama ay hadda haystaan Jaamacad tayo leh oo ka hirgashay Gobolka Haylaan.

Daah-furka Golis University – Dhahar ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato horumarinta waxbarashada, kobcinta aqoonta dhalinyarada iyo soo saarista jiil aqoon iyo karti u leh horumarka bulshada iyo deegaanka.

Hambalyo bulshada Gobolka Haylaan iyo dhammaan bahda waxbarashada hirgelisay guushan muhiimka ah.

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACBKIISA KULA JIMCAYSTAY DARISTA DHAHAREEDDHAHAR 29 MAY, 2026: Darista Dhahareed – Mada...
29/05/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACBKIISA KULA JIMCAYSTAY DARISTA DHAHAREED

DHAHAR 29 MAY, 2026: Darista Dhahareed – Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa maanta Darista Dhahareed kula kulmay shacabkiisa, isaga oo bulshada la qaatay kulan is xog-waraysi iyo is-dhexgal ah.

Madaxweynaha ayaa shacabka uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, wuxuuna tilmaamay in Dowladda Mareero ay ka go’an tahay xoojinta midnimada bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo adkaynta amniga guud ee deegaannada dowladda.

DHAMMAAD.

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACBKIISA KULA CIIDAY DEGMADA DHAHAR DHAHAR MAY 27, 2026: Madaxwaynaha Dowladda Mareero ...
27/05/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACBKIISA KULA CIIDAY DEGMADA DHAHAR

DHAHAR MAY 27, 2026: Madaxwaynaha Dowladda Mareero ayaa maanta shacabka degmada Dhahar kala qeyb galay munaasabadda farxadda leh ee Ciidda, isaga oo bulshada u diray hambalyo iyo duco ku aaddan maalmaha barakeysan ee Ciidda.

Madaxwaynaha ayaa shacabka degmada Dhahar ku bogaadiyay sida ay mar walba uga qeyb qaataan nabadda, wadajirka iyo horumarka deegaanka, isagoo xusay in Dowladda Mareero ay ka go’an tahay xoojinta amniga, adeegyada bulshada iyo isku duubnida shacabka.

Intii lagu guda jiray munaasabadda Ciidda, madaxwaynaha ayaa salaam iyo hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan shacabka reer Mareero, isagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan, dalkana ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ciidamada ammaanka uga mahadceliyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo ilaalinta xasilloonida degmada Dhahar iyo guud ahaan deegaanada Dowladda Mareero.

Ugu dambeyn, madaxwaynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan midnimada, isjacaylka iyo wada shaqeynta si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo ay ku naaloodaan dhammaan bulshada reer Mareero.

— DHAMMAAD —

MADAXWEYNAHA DOWLADDA MAREERO AYAA MUNASAMADA CIIDUL ADXADA U DIRAY DHAMAAN UMMADA MUSLAMIINTA AH SHACABKA SOOMALIYEED G...
26/05/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA MAREERO AYAA MUNASAMADA CIIDUL ADXADA U DIRAY DHAMAAN UMMADA MUSLAMIINTA AH SHACABKA SOOMALIYEED GAAR AHAAN BULSHADA SHARFTA LEH EE REER MAREERO.

DHAHAR: MAY 26, 2026; Waxaaan hambalyo ku aaddan bilashada ciidul adxa iyo maalmaha ciidda ee farxadda leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Mareero.

Waxaan shacabka reer mareero ku boorinayaa inay istaakuleeyaan oo walaalohadda dan-yarka ah garab istaagan si aynu dhamaantayo faraxad kuwada ciidno.

Ilaahey waxaan ka baryeynaa in uu innaga aqbalo Soonkii, Saladii Qur’aan akhriskii sadaqadii iyo guud ahaaan amcaashii wanaagsaneed ee aan soo qabannay maalmihii Carafo, soonkaan kiisa xigana ha innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA MAREERO.

23/05/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO BOGAADIYAY CIIDAMADA AMMAANKA SIDDA AY USUGEEN AMMANKA MAGALADA BOSASO

Bosaso: May 23, 2026; Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa maanta si weyn u bogaadiyay ciidamada ammaanka Dowladda Mareero, kuwaas oo muujiyay feejignaan, karti iyo lahaanshaha amniga magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ay si hufan oo masuuliyad leh u maareeyeen xaaladda amni ee magaalada, isla markaana ay muujiyeen diyaar-garow iyo wada shaqeyn adag.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidamada Dowladda Mareero ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee sugidda nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay uga shaqeeyeen xaqiijinta amniga magaalada Boosaaso iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo maamulka, si loo xoojiyo wadajirka iyo nabadgelyada bulshada. Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u faray dhammaan qaybaha bulshada inay la shaqeeyaan Ugaas Ibraahim Ugaas Yaasin, isagoo ku tilmaamay masuul door muhiim ah ka qaadanaya mideynta bulshada iyo adkeynta xasilloonida deegaanka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa caddeeyay in dowladdu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, horumarka iyo wada noolaanshaha shacabka, isagoo ku boorriyay ciidamada inay laba jibaaraan waajibaadkooda qaran.

DHAMMAAD

13/05/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO BOGADIYAY SHACAB WAYNAHA DOWLADA MAREERO.

Bosaso: May 13, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray xulka caasimadda Boosaaso iyo guud ahaan shacabka Dowladda Mareero, kadib guusha iyo ismuujinta wanaagsan ee ay soo bandhigeen awlaadda caasimadda Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Mareero ku ammaanay sida ay uga go’an tahay garab istaagga qadiyadda iyo midnimada bulshada, isaga oo tilmaamay in guushan ay ka tarjumeyso dadaal, wadajir iyo isku duubni shacabka reer Mareero.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in xulka caasimadda Boosaaso ay muujiyeen karti, geesinimo iyo matalaad sharaf leh oo kor u qaaday sumcadda shacabka reer Mareero.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa shacabka ugu baaqay inay sii xoojiyaan wadajirka, taageerada iyo horumarka ay ku gaari karaan guulo waaweyn.

Bosaso: April 29, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Ibraa...
29/04/2026

Bosaso: April 29, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Ibraahim Ugaas Yasin Ugaas Cabdiraxmaan, isagoo muujiyay qadarin iyo sharaf weyn oo uu u hayo hoggaanka dhaqanka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ugaasku ku leeyahay mideynta bulshada, ilaalinta dhaqanka suuban, iyo xalinta khilaafaadka. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay Ugaaska inuu sii xoojiyo gudashada waajibaadkiisa qaran iyo kan dhaqan, si loo adkeeyo nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.

Soo dhoweyntan ayaa ka tarjumeysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya dowladda iyo madaxda dhaqanka, kuwaas oo laf-dhabar u ah jiritaanka iyo xasilloonida bulshada.

18/04/2026

DOWLADA MAREERO WAXAY AAD UGU XUNTHAY MAAMULKA TAAGTA DARAN EE MAJEEDHEN SIDAY UGA YEESHA DABA DHILIFKA AHMED HARTI. DISHISHE.

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACABKIISA KULA CIIDAY DEGMADDA DHAHAR.
20/03/2026

MADAXWAYNHA DOWLADA MAREERO OO SHACABKIISA KULA CIIDAY DEGMADDA DHAHAR.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA MAREERO OO HAMBALYO CIIDUL FIDRI U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED, GAAR AHAAN BULSHADA REER MAREERODh...
19/03/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA MAREERO OO HAMBALYO CIIDUL FIDRI U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED, GAAR AHAAN BULSHADA REER MAREERO

Dhahar, Maarso 19, 2026: Madaxweynaha Dowladda Mareero, Mudane Jeylaani Mohamed Ahmed, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada sharafta leh ee reer Mareero.

Madaxweynaha ayaa sheegay in munaasabaddan qiimaha badan ay tahay fursad lagu muujiyo midnimo, walaaltinimo iyo is-garab istaag, isaga oo shacabka ku booriyay inay xoojiyaan isku duubnidooda, isla markaana ay garab istaagaan dadka danyarta ah si farxadda Ciidda loo wada gaarsiiyo dhammaan bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryay ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo cibaadooyinkii bishii barakeysnayd ee Ramadaan, sida Soonka, Salaadaha Taraawiixda, Tahajudka, akhriska Qur’aanka Kariimka ah iyo sadaqooyinka, isla markaana uu ku gaarsiiyo bisha Ramadaan ee soo socota nabad, caafimaad iyo barwaaqo.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dalka, isagoo ugu dambeyn shacabka u rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad iyo barwaaqo.

“تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال”

— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Mareero

Address

T. Me/Mareerostatehouse
Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mareero State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share