11/08/2025
Qofka oo aan habeenkii cadyan, waxaa ay keeni kartaa xanuuno badan oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Wadnaha iyo Dhiig-mareenka.
Faaii’dada iyo waxtarka cadayga ama rumayga waxaa inoo sheegay Nebigeenna NNKH.
Ma cadaysataa habeenkii inta aadan seexan??
02/07/2024
Cisbitaalladeena waxaa ku soo badanaya bukaanada la ildaran dhibaato uu u gaystay xanuunka Dhiig-karka oo inta badan saamayn xun ku leh xubnaha muhiimka ah ee jidhka. Waxaa aad u soo batay bukaannada uu maskaxda ku dhuftay ee uu ku sababay faalig iwm.
Dhiigkarku waxa uu ku astaysan yahay magaca ah dilaaga daahsoon ama dilaaga qarsoon. Sababta sidaas loogu yeero ayaa ah in uu yahay halis qarsoon oo uusan qofku dareen badan ka qabin ilaa uu meel halis ah gaaro ama maskaxda, kalyaha, indhaha iyo wadnahaba saamayn xun ku yeesho.
Sida ugu fiican ee aad kula socon karto cadaadiska dhiigaaga waa in aad cabbirkiisa la socoto, hadii uusan sida caadiga ah ka sarrayn waa in aad dhawrkii biloodba mar cabirto, haddii se uu sarreeyo waa in aad la tashato dhakhtar, si loo hubiyo heerka uu joogo iyo halka uu gaaray.
01/07/2024
Waxyaalaha dadkeennu sida joogtada ah u isticmaalo waxaa ka mid ah kaniinka paracetamol, ama panadol, ee inta badan dadkeennu u qaato madax xanuunka iwm. Haddaba ma ogtahay khatarta caafimaad ee laga dhaxlo kaniinkaan?
Kaniinkaan haddii aad si joogta ah u qaadatid waxa uu kuu keeni karaa khatar dhanka beerka ah, waxaa na dhici karta in uu beerkaaga galaafto.
Warbixin la sameeyey ayaa tilmaamaysa, in dadka beerkoodu dhaawacmay sababo la xariira kaniinkaan in dhimashadoodu gaarsiisan tahay 30%, haddii aysan helin beerkale oo aan laga bedelin beerka.
Bukaano badan ayaan aragnay oo beerkoodu dhaawac yahay, sababtuna ay tahay isticmaalka kaniinkaan, iyaga oo farmashiga ka qaata, kadibna intii ay rabaan qaata. Haddii aad kaniinigaan qaadatid, 3g ka badan ha qaadan maalintii, sidoo kale haddii aad waqti dheer qaadan jirtay dhakhtar la tasho.
19/06/2024
Waa maxay cadawga ugu wayn ee insaanka haysta?
Jawaabta waa lagu kala duwanyahay, waxaase jira dhawr jawaabood oo intuba noqon kara jawaab sax ah.
1. Cadawga koowaad ee ugu wayn ee insaanka haysta waa aqoon la,aanta ama jahliga.
2. Cadawga koowaad ee ugu wayn ee insaanka haysta waa nafta iyo shaydaan. Sida Qur’aanku ina barayo, nafteenna iyo shaydaanku waxa ay inoo qurxiyaan wixii aan ku halaagsami lahayn. Sidaa darteed waa cadawgeenna koowaad.
3. Cadawga koowaad ee insaanka waa luminta waqtiga iyo isaga oo aan ka faa’iidaysan waqtigiisa, ama fahmi waaya qiimaha waqtiga.
Maxay kula tahay adiga?
09/04/2023
Ramadaan kareem.
Maalmaha Ramadaanka ee la sooman yahay, waxa ay muhiim u yihiin jidhka banii’aadamka shaqadiisa iyo ismaamulkiisa. Waxaa yaraada awooddii badnayd ee lagu bixin jiray maamulka iyo burburinta cuntooyinka kala duwan, taas oo jidhka u ah xaalad nafis ama nasasho.
Sidoo kale waxaa loo baahdaa tamar loo isticmaalo shaqooyinka jidhka taas oo laga soo dhiraandhiriyo kaydadkii h**e ee jidhka sida dufanka, proteinska imw. Jidhku markaas waxa uu isticmaalaa kaydkiisii h**e taas oo qofka u keeni karta in miisaankiisu hoos u dhaco.
Hadaba Ramadaanka waxa aad uga faa’iidaysan kartaa in aad miisaankaaga hoos u dhigto, una maarayso si waafaqsan nidaamyada miisaan dhimista jidhka.