Abdirahman Abdullahi Ali

Abdirahman Abdullahi Ali

Share

Bogga Rasmiga ah ee Duqa Degmada Boosaaso ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka

15/05/2026
07/05/2026

Guul Boosaaso 🙏🏽

05/05/2026

Waxaan maanta magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, oo ay hoggaaminaysay Shoko Noda, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha ee United Nations Development Programme - UNDP

Wafdiga waxaa ka mid ahaa madax ka socotay hay’adaha UNHCR, UN-Habitat, IOM iyo UNCDF.

Wafdigan oo booqasho hal maalin ah ku yimid Degmada Boosaaso ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo Degmada Boosaaso.

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 03/05/2026

𝗕𝗢𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗖𝗘𝗟𝗜𝗡.

Bosaaso, caawa waxaa u qorantay taariikh ku suntan horumar iyo guul aan la ilaawi karin, waana dhacdo cajiib ah oo si rasmi ah ugu qormaysa taariikhda magaalada Boosaaso.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo mudnaan gaar ah siiyey hirgelinta iyo dhammeystirka garoonka kubadda cagta Shuhadada ee magaalada Boosaaso, kaas oo caawa si rasmi ah loo daahfuray, isla markaana noqday guul weyn oo u soo hoyatay bulshada degmada.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha garoonkan, laga bilaabo hay’adaha dowladda, farsamayaqaannada, ilaa bulshada gacanta ka geysatay hirgelintiisa sidoo kale Waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa walalaheena Imaaradka Carabta oo naga taageeray mashruuca dhismaha garoonka. si gaar ah waxaan u bogaadinayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo bahda ciyaaraha oo door muuqda ku lahaa xaqiijinta himiladan muhiimka ah iyo qabashada koobka caasimaddaha Puntland oo la daahfuray.

Waxaan sidoo kale ammaan iyo mahadnaq u dirayaa ciidamada amniga ee suurtageliyey nabadda iyo xasilloonida lagu qabtay munaasabaddan qiimaha leh, annagoo u ducaynayna shuhadadii naftooda u huray difaaca dalka, kuwaas oo horseed u noqday in maanta lagu damaashaado guushan.

Degmada Boosaaso waxay si weyn ugu faraxsan tahay furitaanka garoonkan oo ah mid kor u qaadaya horumarka ciyaaraha, dhiirrigelinayana dhalinyarada, isla markaana ka qayb qaadanaya bilicda iyo sumcadda magaalada.

Ugu dambayn, waxaan bogaadin ballaaran u dirayaa dhammaan bulshada Boosaaso oo si heer sare ah uga qayb qaatay munaasabaddan, ciidamada amaanka,bahda warbaahinta, fanaaniinta iyo cidkata oo doorkeeda qaadatay intii ay socotay dhacdadan cajiibka ah.

02/05/2026

We Are Ready

02/05/2026

Ka mayor ahaan, aad bay ii farxadgelinaysaa inaan arko ardaydii Boosaaso, gaar ahaan kuwa Jaamacadda CityCOT, oo maanta soo bandhigaya hal-abuurkooda iyo heerka ay ka gaareen tiknolojiyadda casriga ah.

Waxaan bahda jaamacadda iyo ardaydaba ku bogaadinayaa dadaalka muuqda ee ay muujiyeen. Boosaaso ma aha magaalo ganacsi oo keliya, mana aha magaalo dalxiis oo qura, balse sidoo kale waa magaalo tiknolojiyadeed oo horumar ku tallaabsanaysa.

Horumarku waa wadajir bulsho iyo dowlad.

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 30/04/2026

Waxaan maanta ka qaybgalay xaflad lagu daahfurayey Maamuus Plaza Hotel oo kusoo biiray xarumaha ganacsi ee magaalada Boosaaso, kana qayb qaadanaya horumarka iyo bilicda magaalada.

Aniga oo bogaadiyey ganacsatada hirgelisay
Hotelkan, tallaabadan ayaa muujinaysa kalsoonida lagu qabo amniga iyo maalgashiga Boosaaso.

Waxaan sidoo kale ku booriyey ganacsatada kale inay ka qayb qaataan maalgashiga iyo horumarinta magaalada, si aynu u gaarno magaalo qurux badan, nadiif ah, isla markaana leh adeegyo casri ah.

26/04/2026

Waxaan caawa kormeer ku tagnay Garoonka Shudada Stadium oo dhowaan lagu qaban doono tartanka Caasimadaha Puntland.

23/04/2026

Waxaan maanta kormeeray bilowga waddo cusub oo isku xirta suuq bartamaha magaalada, taas oo muhiim u ah fududeynta isku socodka iyo yareynta ciriiriga (Jaamka).

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Bosaso
NONE