Dhiblaawe media

Dhiblaawe media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhiblaawe media, Government Organization, Bosaso.

24/02/2025
20/01/2025

Madaxweynihii h**e ee dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Xassan Sheekh ku eedeeyay in uu wado hanaan doorasho oo aanan loo dhamay.

"Dalkeennu wuxuu galay marxalad siyaasaddeed oo ay ku gadaaman yihiin khataro badan oo horseedi kara dib u dhac siyaasadeed, dhaawac gaara wadajirka dalka iyo qalalaase siyaasadeed oo wax u dhimi kara amniga dalka.

Marar badan waxaan ka dignay in wax ka baddal aan loo dhammayn oo lagu sameeyo Dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku hayey ummadda Soomaaliyeed ay keeni karto in ay meesha ka baxdo sharciyaddii ay ku dhisnaayeen hay'adaha dowladda oo ay saldhig u tahay dastuur la isla oggol yahay.

Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada iyo guddiyada doorashada waa hannaan ka dhexeeya hay'adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda, waana arrin tiir dhexaad u ah siyaasad loo dhan yahay, sidaas darteed in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho uu kaligiis samaystay oo maamulanayo waa tillaabo aan ka turjumeyn xaaladda siyaasadeed ee dalka, keenina karta dib u dhac siyaasaddeed iyo qalalase laga baaqsan karo.

Wax ka baddal Dastuur iyo qabasho doorasho aysan qayb ka ahayn Puntland, Jubaland iyo hormuudka siyaasadda dalka, waxaa kaliya ee lagu fasiri karo waa in hoggaanka talada dalka haya uusan wax tixgalin ah u hayn wadajirka iyo midnimada dalka oo ah mas’uuliyaddii qaran ee loo doortay, uuna damiciisa gaarka ah ka hormariyey masaalixdii guud.

Haddaba annagoo maanka ku hayna arrimahaas masiiriga ah ee aan kor ku xusnay, waxaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu talada dhexda dhigo, horseedna uusan u noqon in dalku uu kala tago iyo hubanti la'aan siyaasadeed oo ku dhammaan karta qalalaase iyo dib u dhac qaran.

Sidoo kale, waxaan Dowlad Goboleedyadda, madaxdii h**e ee qaranka iyo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in la iska kaashado sidii lagu gaari lahaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaalada siyaasadeed ee dalka, si looga baaqsado hubinti la'aan siyaasadeed iyo dhaawac soo gaara wadajirka dalka.

Ugu dambayn, qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, sida culimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo ururrada bulshada rayidka waxaan ku boorrinayaa inay ka qaataan dowrka ay ku leeyihiin ilaalinta wadajirka dalka iyo sidii lagu gaari lahaa xasillooni siyaasaddeed"

28/03/2024

Peg ka fallow soo dhe si aad u hesho lacgta ciida mahdsanid Dhiblaawe media

28/03/2024

Dhiblaawe media meshatan inoo ikla kiciya daroodow

28/03/2024

Xilli danbe oo habeen ah ayaan xaafada imid anigoo daalan oo ciyaar ka imid kadib Guriga ayaan iska furay waxaana isha ku dhuftay xaaskayga oo jiifta Qolka fadhiga iyo Saxuurtii oo diyaarsan.

Kadib Waxaan eegay Telephonekayga gacanta mise 7 jeer ayay isoo wacday xaaskayga ana k**a qaban sababtoo ah ciyaar ayaan dheelayay Marna Asxabtayda ayan iskala sheekaysanayay maba xasuusan inay isugayso xaaskayga Waliba Guri cidlo ah,

Kadib waan usoo dhawaaday dhagta ayaan afka u saaray waxana u sheegay in aan guriga imid nasiib wanaag way hurdo fududahay xaaskayga waana ay ku toostay Hadalkayga.

kadib waxan waydiiyay sababta ay halkaan u jiifto waxayna igu tiri caawa dhan ayaan kusoo wacayay adna lanbarka igama Aadan qaban kadib waan daalay hurdo ayaana i qabatay xitaa Ma aqaan goorta aan seexday ayay igu tiri.

Waxaan dareemay in aan masuuliyadaydii daciiftay oo aan iloobay inaan nafteeda masuul ka ahay waxaana go.aan ku gaaray inaan joojiyo Asxaabtayda iyo inaan guriga xilli danbe imaado.
Waayo kaligay ayay dadka iga haysataa guri cidlo ahna way joogtaa sidaa darteed wax walba ayaa ku dhici kara .

kadib indhaha ayan kala qaaday waxaana ogaaday inaan Riyo ku jiro Sariirtaydana jiifo oo aan weli iskaabulo ahay,

Riyooyinka qaar waa macaan iyo qaraar is dhinac yaal

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Bosaso
252