Garoowe: 20 May 2026: Xafiiska Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ee caasimadda Garoowe ayaa si casri ah loo qalabeeyey, iyadoo lagu rakibay agab iyo qalab muhiim u ah horumarinta shaqada iyo adeegyada wasaaradda.
Dhismahan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha maamulka, kor u qaadista ilaalinta khayraadka badda, iyo dardargelinta adeegyada la xiriira kalluumaysiga. Sidoo kale, waxa uu fududaynayaa wada shaqaynta shaqaalaha iyo adeegyada loo fidinayo bulshada iyo ganacsatada ka shaqeeya kalluumaysiga.
Qalabaynta xafiiskan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dowliga ah iyo tayeynta adeegyada Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
Ministry of Fisheries & Marine Resources - Puntland
Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland Ministry of Fisheries
20/05/2026
Garoowe: 20 May 2026: Xafiiska Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ee caasimadda Garoowe ayaa si casri ah loo qalabeeyey, iyadoo lagu rakibay agab iyo qalab muhiim u ah horumarinta shaqada iyo adeegyada wasaaradda.
Dhismahan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha maamulka, kor u qaadista ilaalinta khayraadka badda, iyo dardargelinta adeegyada la xiriira kalluumaysiga. Sidoo kale, waxa uu fududaynayaa wada shaqaynta shaqaalaha iyo adeegyada loo fidinayo bulshada iyo ganacsatada ka shaqeeya kalluumaysiga.
Qalabaynta xafiiskan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dowliga ah iyo tayeynta adeegyada Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
11/05/2026
Boosaaso: 11 May 2026: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil ayaa maanta xarunta wasaaradda ee magaalada Boosaaso kulan kula qaatay wafti uu hogaaminayo Mr. Alic, maamulaha shirkadda CSK (Central Sky International Trading Co.) oo laga leeyahay Taiwan kana shaqaysa dhoofinta wax-soosaarka kalluunka, xoolaha iyo beeraha.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta maalgashiga khayraadka badda Puntland iyo isku-xirka shirkadda CSK iyo shirkadaha kaydka kalluunka ee ka jira deegaanada Puntland si ay uga iibsato kalluunka ay keydiyaan oo loo dhoofin doono Taiwan.
Wasiir-dowlaha iyo masuuliyiinta shirkadda CSK ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay iskaashi miro-dhal ah oo kor u qaada horumarinta kalluumaysiga, kobcinta ganacsiga iyo abuurista suuqyo caalami ah oo loo helo wax-soosaarka Puntland.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
11/05/2026
Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga oo qaabilay la-taliyaha arrimaha badda ee Eucap-Somalia
Boosaaso: 11 May 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi oo wehliyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil ayaa maanta xarunta wasaaradda ee magaalada Boosaaso ku qaabilay Mr. Antonio, oo ah la-taliyaha dhanka badda ee hay’adda Eucap Somalia.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dhaqangelinta habraaca shuruucda caalamiga ah ee badqabka gaadiidka kalluumaysiga, la-dagaalanka kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo xoojinta xiriirka wasaaradda iyo hay'adda, waxaana kulan ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Kalluumaysiga, Sumayo Jaamac iyo masuuliyiin kale.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
25/04/2026
Gaalkacyo: 25 April 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi ayaa kormeer ku sameeyay suuqyada kalluunka ee magaalada Gaalkacyo iyo warshadda kalluunka ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DPL.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay habsami u socodka shaqada, tayada kalluunka iyo adeegyada la siiyo bulshada, wuxuuna halkaasi kula kulmay masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala goobahaas oo siiyey warbixinno ku saabsan horumarka jira iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka, ilaalinta tayadiisa, iyo horumarinta suuq-geynta si loo xoojiyo dhaqaalaha bulshada.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi ayaa bogaadiyay dadaalka ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga, waxaana ku dhiirrigeliyay inay sii laban-laabaan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan dalka iyo dadkaba.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi oo ka qaybgalay kulan ka dhacay deegaanka Garacad ee degmada Jariiban ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo horumarinta kalluumaysiga, si loo abuuro fursado shaqo oo waara, loona xoojiyo dhaqaalaha bulshada ku dhaqan xeebaha.
23/04/2026
Garacad: 23 April 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ee ku taalla deegaanka Garacad ee degmada Jariiban.
Wasiir Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey masuuliyiinta Wasaaradda ee ka hawlgala deegaanka Garacad.
"Booqashadani waxay ahayd mid muhiim ah oo ii suuragelisay inaan si dhow ugu kuurgalo howlaha shaqo ee halkaas ka socda iyo dadaallada lagu horumarinayo kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda ee deegaannada xeebaha ee Dowlada Puntland."Ayuu Yiri; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
23/04/2026
Garacad: 23 April 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi ayaa ka qaybgalay kulan ka dhacay deegaanka Garacad ee degmada Jariiban.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo masuuliyiin kale ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa dowladda iyo shacabka, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee deegaanka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo horumarinta kalluumaysiga, si loo abuuro fursado shaqo oo waara, loona xoojiyo dhaqaalaha bulshada ku dhaqan xeebaha.
Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen bulshada Garacad, wuxuuna adkayey in wada-shaqeynta Dowladda iyo shacabka ay tahay furaha horumar waara.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
22/04/2026
Jariiban: 22 April 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, mudane Cabdirashiid Cabdirisaaq Cabdi iyo wafti ka kooban xubnaha golaha wasiirada, maamulka gobolka Mudug iyo ganacsato ayaa booqday Maxjarka (Somali Livestock quarantine and inspection Center) ee deegaanka Buubi ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-
22/04/2026
𝗣𝗥𝗘𝗦𝗦 𝗥𝗘𝗟𝗘𝗔𝗦𝗘: 𝟮𝟮 𝗔𝗽𝗿𝗶𝗹 𝟮𝟬𝟮𝟲: Puntland Strengthens Action Against Illegal Fishing and Invites Responsible Investment in Its Blue Economy.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Address
Bosaso
252