04/01/2026
Iskuulka Gumbax Primary and Secondary School ee degmada Gumbax ayaa saaka oo ah maalin Axad si rasmi ah loogu fariistay imtixaanka Middle Term-ka ee sanad dugsiyeedka.
Furitaanka imtixaanka waxaa ka hadlay Maamulaha Iskuulka, Mudane C/qaadir Maxamed Axmed, oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda imtixaankan, isaga oo sheegay in uu yahay mid lagu qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda laguna ogaanayo fahamka ay ka heleen casharradii h**e.
Maamuluhu sidoo kale wuxuu xusay in maamulka iskuulka ay diyaariyeen dhammaan agabkii iyo nidaamkii lagama maarmaanka ahaa, si imtixaanku ugu dhaco si hufan, cadaalad ah, isla markaana ardaydu ugu galaan jawi degan.
Ugu dambayn, maamulaha ayaa ardayda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal, anshax iyo feejignaan, isagoo u rajeeyey guul iyo nasiib wacan dhammaan ardayda u fariisatay imtixaanka.
02/09/2025
Ogeysiis ogeysiia ogeysiis
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan bulsho weynta reer gumbax iyo nawaaxigeed in si toos ah ay furmo doonto waxbarshada iskoolka malinta biri ah o ku beegan 03/9/2025
Sido kale waxa si toosa usocota qorista ardada cusub
29/12/2024
=========29/12/2024 ===============
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
Waxaa la ogeysiinaya dhamaan aradada dhigata iskoolka Gumbax primary and secondery school in uu bilaaban doono 1-1-2025 imtixaanka dhexe ee sanad daraasedka 2024/25 kuna egyahay 11-1-2025
Qaabka imtixaanka loo gali doono wuxu yahay
1: fasaladda 7aad ilaa 12aad waxay gali donan imtixanka qeybta h**e gelinka h**e oo bilaban doona 7:00 ilaa 8:40 subaxnimo
2: fasaladda 2aad ilaa 6aad waxay gali donan imtixanka qeybta danbe ee isla galinka h**e oo bilaban doona 9:00 ilaa 10:30 subaxnimo
Waxaan laga codsanaya dhamaan ardada iskoolka inay ilaaliyan xerarka iskuulk u yaala iyo kan imtixaanaadka
Mamulka iyo macalimnta iskolka gumbax waxay ardeyda imtixanku u bilowmi doono u rajaynayan guul iyo baraare
Ogeysiiskan waxa ku saxiixan mamulaha dugsiga ustad
Hon Abdikadir Honest
Mahadsanidin.
Waxbarta aan barwaqo gaarne
20/11/2024
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Maalinta Macallinka Soomaaliyeed 21-November -2024.
Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan macalimiinta Dugsiga Sare ee GUMBAX
Waxaan Allaah uga baryeynaa in macalin walba uu sharaf ku noolaado aakhirana janno.
Macalinku wa barbaariyaha wa soo saaraha jiil walba
AMAAN MACALIN
Murti-hadalka miid iyo naxweha maanso iyo luuqba
Miro quruxsan maaweeladiyo hadalka maahmaahda
Mugga sawirka muuqaalka dheer meerisyada laylyan
Masterka iyo marjica loo noqdiyo gabay makaankiisa
Mulkigeeda waxaa looga harey macalin .
26/10/2024
SABTI 26/10/2024 ======================================================================
waxaa si toos ah oga bilaabmay guud ahaa Gumbax primary and secondery school imtixaanka billaha ah ee sanad dugsiyedka 2024/25 teramkisa 1aad
Waxaana saka lo fariistay madada tarbiyada
Gud aah imtixanku wuxu socon donaa ku dhawaad 10 malin
Mamaulka iyo macalimnta dugsigu waxay farrin u diraya dhaman ardada iskolka ayagu ku dhiri galinaya ina wax akhriyan si imtixanku ugu noqdo mid fudud.
Allaa mahad leh.
04/05/2024
Saabiirin kulmiye
Waa mid ka mida ardada fasalaka 5aad ee dugsiga Gumbax primary and secondery school
Waxay ka jabtay gacanta midig bilowgii isku diyaarinta imtixaanka
Sabiriin ma aysan seegin imtixankedi manta kadib go aan uu gaaray mamulka iskoolka ayado la go aamiyay in xafiiska looga qaado macalinka madadan uu caawiyo saabiriin si loo ilaaliyo badqabka ardayga
Sabiriin hadda wa faraxsan tahay waxay so gashay madadi tarbiyadda
Allaa mahadleh.
04/05/2024
Sawiro 04/05/2024
==========================
Manta o ah sabti waxa si rasmi ah gabi ahaan ba iskoolka hose dhexe/sare ee Gumbax looga fariistay imtixaanka k**a danbeysta ah ee sanad dugsiyeedka 2023/24
Jawiga imtixanka iyo guud ahaanba iskuulku wuxuu aha mid degan
Ka hor galitanka imtixanka waxa ardada kalmado dardaarana siyay mamulka iskoolka iyo macaliminta ayago oga digay inay aysan la iman wax ka hor imanaya xeerarka imtixaanka una shegay in arday walba isku kalsoonado
Dhaman ardada dugsigu waxay u fariisteen manta madada tarbiyada sido kale biri waxa loo madlanyayahay madada carabiga
Guud ahaan
Mamulka iyo macalimnta iskuulku waxay ardada ku boorinayaan inaya waxbadan akhriyaan sababto ah imtixaankan waa kan go aamin doona fasalka ardaygu u gudbayo sanadka danbe.
Sido kale waxa imtixaanka u fariistay fasaladda 4aad ee dugsiga sare iyo 8aad ayago qaab tijaabo ahaan ah u galaya isuna diyaarinaya imtixaanka shahadiga ah ee puntland oo loo madlanyahay dhamaandka bishan
Allaa mahadle.
06/01/2024
Sabti, 06/01/2024.
Bilowga Imtixaanka Teeramka 1aad 2023/2024.
Waxaa Maalintii kowaad kasocda Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sanad dugsiyeedka 2023/2024.
Imtixaankan ayaa Socondoona 16/01/2024.
05/01/2024
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
Waxaa la ogeysiinaya dhamaan aradada dhigata iskoolka Gumbax primary and secondery school in beri oo taariikhdu ku beegana tahay 06-1-2024 uu bilaaban doono imtixaanka dhexe ee sanad daraasedka 2023/24 kuna egyahay 15-1-2024
Qaabka imtixaanka loo gali doono wuxu yahay
1: fasaladda 7aad ilaa 12aad waxay gali donan imtixanka qeybta h**e gelinka h**e oo bilaban doona 7:00-8:00 subaxnimo
2:fasaladda 2aad ilaa 6aad waxay gali donan imtixanka qeybta danbe ee isla galinka h**e oo bilaban doona 8:40-9:40
Waxaan laga codsanaya dhamaan ardada iskoolka inay ilaaliyan xerarka iskuulk u yaala iyo kan imtixaanada
Ogeysiiskan waxa ku saxiixan mamulaha dugsiga ustad
Hon Abdikadir Honest
Mahadsanidin
Waxbarta aan barwaqo gaarne