PSA Somalia

PSA Somalia

Share

Puntland Youth and Social Development Association (PSA) is local non-governmental, non- profit organi

Photos from PSA Somalia's post 16/05/2026

| Dhalinyaradu waa mustaqbalka maanta iyo berri.

Hayโ€™adda PSA Somalia waxay ugu hambalyaynaysaa dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha leh ee 15-ka May, oo ah maalintii ay dhalinyaradii Somali Youth League u midoobeen danta, midnimada, iyo difaaca Soomaaliya.

Iyadoo ka duulaysa taageeridda iyo dhiirrigelinta dhalinyarada, hayโ€™adda PSA waxay deegaanka Sheerbi kula xustay maalintan qiimaha leh dhalinyarada iyo shacabka deegaanka, kuwaas oo isugu soo baxay inay muujiyaan doorkooda ku aaddan nabadda, wadajirka, iyo horumarinta bulshada.
----------------
|Youth are the future of today and tomorrow.

PSA Somalia extends its heartfelt congratulations to Somali youth on the meaningful occasion of May 15th, the day when the young founders of the Somali Youth League united for the cause, unity, and defense of Somalia.

As part of its continued commitment to supporting and empowering young people, PSA commemorated this important day in Sheerbi together with local youth and community members, who gathered to demonstrate their role in promoting peace, social cohesion, and community development.

Photos from PSA Somalia's post 15/05/2026

| 15-ka May waa maalin mideysa dhallinyarada Soomaaliyeed, laguna xuso aas-aaskii, halgankii iyo himiladii dhallinyaradii SYL.

In ka badan 200 dhallinyaro ah oo ka kala yimid waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo (๐˜—๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ต๐˜ญ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ฅ & ๐˜Ž๐˜ข๐˜ญ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜จ) ayaa xalay isugu yimid munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, maalin qaran oo lagu xuso 13-kii dhallinyaro ee hormuudka u ahaa halgankii xorriyadda Soomaaliya.

Isu imaanshaha dhallinyarada labada dhinac ee Gaalkacyo ayaa muujiyay rajo iyo jiil aaminsan in wadajir iyo nabad lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen ururrada dhallinyarada Gaalkacyo Waqooyi iyo Koonfur, isla markaana ay fududeeyeen bahwadaagta SSFIII JPI Consortium, ayaa noqotay habeen ay ka muuqatay midnimo, kalsooni iyo wadajir.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa dib loo xusuustay taariikhda iyo halgankii 13-kii SYL, doorkoodii xorriyadda, iyo sida ay ugu istaageen midnimo, horumar iyo Soomaali mideysan.
-------------------------------
| 15 May is a day that unites Somali youth and commemorates the founding, struggle, and vision of the SYL generation.

More than 200 young people from both North and South Galkayo (๐˜—๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ต๐˜ญ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ฅ & ๐˜Ž๐˜ข๐˜ญ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ฅ๐˜ถ๐˜จ) gathered last night to commemorate Somali Youth Day, honoring the legacy of the SYL generation and the values they stood for.

The strong participation of young people from both sides of Galkayo reflected the hopes of a generation that believes in unity, cooperation, and a more peaceful future.

Throughout the evening, participants reflected on the history and sacrifices of the 13 SYL members, their role in Somaliaโ€™s independence, and how they championed unity, progress, and a shared national identity.

Jointly organized by youth organizations from both sides of Galkayo and facilitated by the SSFIII JPI Consortium, the event reflected a strong sense of unity, trust, and togetherness among young people.

โœจ Somalia Stability Fund UK in Somalia

Photos from PSA Somalia's post 14/05/2026

โ€œ๐˜ž๐˜ช๐˜ช๐˜ญ ๐˜š๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ช๐˜บ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฅ ๐˜ฐ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ช๐˜ฎ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข๐˜บ๐˜ข ๐˜ธ๐˜ข๐˜น ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ด๐˜ญ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ข๐˜ฉ ๐˜ฌ๐˜ถ ๐˜จ๐˜ข๐˜ข๐˜ณ๐˜ช ๐˜ฎ๐˜ข๐˜บ๐˜ฏ๐˜ฐ.โ€ Erayadaan oo uu yiri Nabaddoon Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa qayb ka ahaa dardaarankii laga jeediyay kulan lagu soo afjarayay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo 26kii Abril ee sanadkaan.

13kii May 2026, isimada, nabadoonada, iyo masuuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa goob joog ka ahaa wadahadalo ay yeesheen beelaha Sacad iyo Leelkase, kuwaas oo ugu dambeyn lagu gaaray heshiis ay isla qaateen labada dhinac.

Wadahadalada ayaa lagu heshiiyay in mag lagu xaliyo dhibtii dhacday 26kii Abril, halka wixii hadda ka dambeeya xalku uu noqonayo waafajinta Shareecada Islaamka oo qisaas noqon doonto.

Intii kulanku socday, odayaasha dhaqanka ayaa si weyn ugu baaqay in laga fogaado dhiigga daadanaya iyo colaadaha soo noqnoqda, iyagoo ku booriyay bulshada inay mudnaanta siiyaan wada noolaanshaha, maslaxadda, iyo xasiloonida gobolka Mudug.
----------------------

"๐˜ž๐˜ฆ ๐˜จ๐˜ข๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ต๐˜ฉ๐˜ช๐˜ฏ๐˜จ ๐˜ง๐˜ณ๐˜ฐ๐˜ฎ ๐˜ต๐˜ฉ๐˜ฆ ๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜ข๐˜ต๐˜ฉ ๐˜ฐ๐˜ง ๐˜ข ๐˜š๐˜ฐ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ญ๐˜ช ๐˜บ๐˜ฐ๐˜ถ๐˜ต๐˜ฉ" These words, shared by Nabaddoon Abdullahi Mohamed Ali, echoed throughout a dialogue held to resolve tensions linked to an incident that took place in Galkayo on 26 April this year.

On 13 May 2026, traditional elders, community leaders, and representatives from the Puntland and Galmudug administrations witnessed dialogue between the Sacad and Leelkase communities, which concluded with an agreement accepted by both sides.

The discussions resulted in an agreement to resolve the April incident through customary compensation, while affirming that future killings will be addressed in accordance with Islamic Sharia through capital punishment.

Throughout the meeting, elders repeatedly called for an end to recurring violence and urged communities to prioritize coexistence, reconciliation, and the stability of the Mudug region.

The dialogue, hosted by the Sacad community and supported by the SSFIII JPI Consortium, CPD, PSA, and CARE, formed part of broader local efforts to strengthen reconciliation and peaceful coexistence.

Somalia Stability Fund

Photos from PSA Somalia's post 13/05/2026

Guddiyada nabadda, maamulka deegaanka iyo bulshada ee Galdogob, Sheerbi, Towfiiq iyo Gaalkacyo ayaa yeeshay kulamo lagu xoojinayay nidaamyada digniinaha h**e, wadaagista xogta, iyo qorsheynta tallaabooyinka looga hortagayo khataraha la xiriira colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa wada shaqaynta u dhaxaysa guddiyada nabadda, maamulka deegaanka iyo bulshada, si xogaha digniinaha h**e loo wadaago waqtigooda, loogana jawaabo kahor inta aysan xaaladuhu sii adkaan.

Sidoo kale, guddiyada digniinaha h**e ayaa sharaxay sida xogta khataraha ay ku helaan iyo meelaha ay ka timaado, iyagoo tilmaamay in xogta badankeeda ay ka timaado bulshada iyo isbeddelada ay si toos ah u arkaan. Waxaa sidoo kale la isla eegay sida bulshada loogu dari karo aqoonsiga khataraha, fahamka calaamadaha digniinaha h**e, iyo sidii xogta loogu falanqayn lahaa loona gaarsiin lahaa si waqtigeeda ah.

Iyadoo laga duulayo xogaha digniinaha h**e, bulshada iyo guddiyada nabadda ayaa sidoo kale dejiyay qorsheyaal lagu wajahayo khataraha soo noqnoqda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dayactirka goobaha biyaha, kala-duwanaanshaha ilaha nololeed, iyo tallaabooyin kale oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshada.
awood u yeelataa inay si h**e uga hortagto khataraha una ilaaliso nabadda.
------------
Peace committees, local authorities, and community members in Galdogob, Sheerbi, Towfiiq and Galkayo engaged in discussions focused on strengthening early warning systems, information sharing, and community planning to address risks linked to conflict and the impacts of climate change.

The discussions focused on improving coordination between peace committees, local authorities, and communities to ensure early warning information is shared consistently and acted on before situations escalate.

Peace committees also explained how early warning information reaches them and the sources they rely on, noting that much of it comes directly from community observations and changes they see on the ground. The sessions further explored how communities can play a more active role in identifying risks, understanding early warning signs, and helping analyze and share relevant information in a timely way.

Building on the early warning process, communities and peace committees also developed anticipatory plans to respond to emerging risks. These included practical and locally agreed solutions such as rehabilitating water points, diversifying livelihoods, and other community-led measures aimed at strengthening resilience and reducing vulnerability.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

Photos from PSA Somalia's post 27/04/2026

26 Abriil 2026 | Hayโ€™adda PSA ayaa la kulantay guddiyada nabadda ee Xarfo, Bursalax iyo Balibusle si loo horumariyo loona xoojiyo hababka digniinaha h**e ee ku dhisan ka qaybgalka bulshada.

Diiradda waxaa la saaray sida guddiyada nabadda ay bulshada ugu daraan aqoonsiga khataraha, fahamka calaamadaha digniinaha h**e, iyo sidii xogta loogu falanqayn lahaa loona gaarsiin lahaa bulshada waqtiga munaasibka ah.

Guddiyadu waxay sidoo kale sharaxeen sida xogta digniinaha h**e ay u gaarto iyo meelaha ay ka timaado, iyagoo tilmaamay in xogta badankeeda ay ka timaado bulshada lafteeda iyo isbeddelada ay si toos ah u arkaan.
----------------------------

26 April 2026 | PSA met with peace committees from Xarfo, Bursalax, and Balibusle to develop and strengthen participatory early warning processes and reinforce a more community-led approach.

The focus was on how peace committees can involve communities in identifying risks, understanding early warning signals, and ensuring that information is analyzed and shared in a timely and practical way.

Peace committees also explained how early warning information reaches them and the sources they rely on, noting that much of it comes directly from community observations and changes they see on the ground.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

Photos from PSA Somalia's post 25/04/2026

25 Abriil 2026 | Guddiyada nabadda, maamulka deegaanka iyo bulshada ee Xarfo, Balibusle iyo Bursaalax ayaa isugu yimid kulamo dib-u-eegis wadajir ah oo lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo wadaagista xogta digniinaha h**e.

Guddiyadu waxay sharaxeen in khilaafaadka ugu badan ay la xiriiraan dhulka, kheyraadka iyo saameynta isbeddelka cimilada. Waxay xuseen inay door muuqda ka qaateen xalinta khilaafaadyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kuwa la xiriira ceelal, biyo-xireeno iyo goobaha la isku haysto.

Sidoo kale, waxay tilmaameen caqabadaha ay wajahaan, sida dhaqaale laโ€™aan, gaabis ku yimaada xog wadaagista, iyo baahida loo qabo qorshe cad oo ay ku shaqeeyaan. Kulamada ayaa lagu gaaray in la xoojiyo wadaagista xogta, lana mideeyo dadaallada si loo horumariyo jawaabaha ka hortagga colaadaha.

-------------

25 April 2026 | Peace committees, local authorities, and community members from Xarfo, Balibusle, and Bursaalax came together for joint review meetings aimed at strengthening coordination and the sharing of early warning information system.

The committees explained that most conflicts are linked to land, natural resources, and the impacts of climate change. They also noted their active role in resolving a range of disputes, including those related to water sources, small dams, and contested areas.

They further pointed to key challenges affecting their work, including limited resources, delays in information sharing, and the need for clearer plans to guide their efforts. The meetings concluded with a shared commitment to strengthen information flow and align efforts to improve conflict prevention and response.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

21/04/2026

Falcelinta Tababarka | Guddiyada Nabadda ayaa si weyn uga mahadceliyay tababarka ay siisay hayโ€™adda PSA, iyagoo iskula dardaarmay iskuna dhiirrigeliyay inay casharrada ay barteen dib ugu celiyaan deegaannadooda una gudbiyaan bulshada si ay uga wada faaโ€™iideystaan.
--------------------------
Training Feedback | The Peace Committees expressed strong appreciation for the training provided by PSA, encouraging one another to take the lessons learned back to their communities and share them widely for collective benefit.

# UK in Somalia Somalia Stability Fund

21/04/2026

"Isbeddelka cimilada ee dhacaya wuxuu muujinayaa in bulshadu u baahan tahay u diyaar-garow. Waxaana ina baraya Qurโ€™aanka, gaar ahaan qisada Nabi Yusuf (CS), markii boqorku ku riyooday toddobo sac oo buurbuuran oo ay cunayaan toddobo sac oo caato ah, taas oo tilmaamaysa muhiimadda qorsheynta iyo ka hortagga dhibaatooyinka soo socda" - Mr. Abdulkadir Abdimalik, Agaasimaha Dib-uheshiisiinta Wasaaradda Arimaha Gudaha PL.
-----------------

"The ongoing climate change underscores the need for community preparedness. This lesson is reflected in the Qurโ€™an, particularly in the story of Prophet Yusuf (PBUH), when the king dreamed of seven fat cows being eaten by seven lean ones, highlighting the importance of planning and anticipating future challenges." - Mr. Abdulkadir Abdimalik, Director of Reconciliation MOIFAD, PL.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

21/04/2026

Agaasimaha Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland | Ayaa Guddiyada Nabadda ee Cagaaran iyo Daarusalaam ku booriyay inay ka shaqeeyaan oo ilaaliyaan nabadda deegaannadooda, isagoo xusay in sanadkii h**e dowladda iyo hayโ€™adda PSA si wadajir ah uga shaqeeyeen xalinta shaqaaqooyinkii halkaas ka jiray.
--------------
Director of Reconciliation, Ministry of Interior โ€“ Puntland | Has urged the Peace Committees in Cagaaran and Daarusalaam to actively safeguard peace in their communities, noting that the government and PSA jointly resolved conflicts in these areas last year.

in Somalia Somalia Stability Fund

20/04/2026

Guddoomiyaha Sheerbi, Mustafe | Ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Guddiga Nabadda ee degsiimada shaqada ay u hayaan bulshada, kuna booriyay inay sii xoojiyaan dadaalladooda.

English:
Mustafe, Chairperson of Sheerbi | Extended strong appreciation to the settlementโ€™s Peace Committee for their service to the community and encouraged them to further strengthen their efforts.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

20/04/2026

Nabadoon Siciid | Ayaa caddeeyay in deegaanka Sheerbi ay ka jirto nabad, wada-noolaansho iyo wada-degaansho, isagoo adkeeyay in khilaafaadkii h**e si guul leh loo xaliyay, isla markaana uu rajeynayo nabad waarta.
---------------------------
Nabadoon Sa'ed | He affirmed that Sheerbi is experiencing peace, coexistence, and social harmony, emphasizing that past conflicts have been successfully resolved and expressing hope for sustained stability.

UK in Somalia Somalia Stability Fund

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosasso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


Bosasso