Dunida Suugaanta

Dunida Suugaanta

Share

"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi
odhaahyada xikmada leh"

~Hazrat Al

01/03/2026

“Haddii qof saaxiibkaa ah ku khiyaamo waxa aad dooran kartaa laba doorasho, 1- ka fogaanshaha saxiibka
2- ama in Aad aqbashid xaqiiqada in imar kalana lagu khiyaamo karo. Dadku si dabiici ah isuma bedelaan.”

01/03/2026

Markaad damacdid in aad joojisid wax aad ku tiirsanayd ama caado kuu ahayd, waxa ugu horreeya ee kugu dhaca waa in aad maskaxda ku qabatid marka aad firaaqo tahayba. haddii aad firaaqadaada mashquuliso oo aad wax qabato, waxa Aad soo gaba gabaynaysaa caadadaas.”

02/07/2025

Sheekada Boqorkii Alexander the Great iyo faylasuufkii is dhul dhigga badnaa ee Diogenes (Qisadu waxay ka dhacday Magaalada Corinth)

Markii Alexander the Great uu booqday magaalada Corinth, dad badan ayaa isugu soo baxay si ay u arkaan ninkii caanka ahaa ee adduunka ku qabsaday dagaalka, Laakiin waxaa jiray hal nin oo aan dan iyo heelo toona ka lahayn imaanshaha Alexander – ninkaas wuxuu ahaa Diogenes, faylasuuf sabool ah oo caan ku ahaa nolol aad u fudud iyo dhaleeceynta dhaqanka hanti urursiga iyo raaxada dunida.

Alexander, oo maqalay magaca Diogenes, ayaa go’aansaday inuu la kulmo si uu u arko xikmadaha laga sheegayo. Markii uu u tagay, Diogenes wuxuu jiifay dhulka, isagoo nasniin kuqaadanaya ilayska cadceeda (qorraxda), markii uu uyimid boqorku uma uusan istaagin si uu u soo dhaweeyo boqorka, waxaan dhex martay sheekadan yar

Alexander wuxuu ku yiri:
“Ma waxaad tahay Diogenes?”

Diogenes wuxuu ugu jawaabay si degan:
“Haa, waan ahay.”

Markaas ayuu Alexander ku yiri:
“Anigu waxaan ahay Alexander Boqorka, wax kasta oo aad rabto iga codso – waxaan diyaar u ahay inaan kuu fuliyo.”

Diogenes:
“Haa, waxaan kaa codsanayaa hal shay oo keliya… Fadlan iga hor leexo si aadan iiqarin falaadhaha qorraxda!”

Alexander wuu la fajacay jawaabta, wuxuuna aad ula dhacay geesinimada iyo ka madax-bannaanida Diogenes. Markii uu ka tagayay, wuxuu u jeestay asxaabtiisa oo uu ku yiri:

“Haddii aanan noqon lahayn Alexander, waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo Diogenes.”

🖊️ Bootan

01/07/2025

Dadku kuma xasuusnaan doonaan Geeridaada kadib illaa maalmo yar uun mooyaane,waxaad kamid noqondoontaa kuwo faraha badan ee la hilmaamay, sida in aadan dhalanba ama aadan dunidaba soo marin, marmar ayaa laga yabaa in aaad kusoo dhacdid qalbiyada aad ku waynayd, marnaba xasuusaha baaqi kuma ahaan doontid oo xitaa lama xusi doono Mabaadii’dii aad had iyo jeer ku dhagganayd, haddii aad ahayd Mid dhibaatada Dheefsada iyo haddii aad tahayba ceeb kasaliim labadaba, widaaygayow U noolow nolosha sida aad adigu u aragtid.

Fyodor Dostoevsky

12/06/2025

Dr. Pratik Joshi wuxuu lixdii sano ee la soo dhaafay ku noolaa magaalada London. Wuxuu muddaba ku taamayay inuu dhiso mustaqbal ka fiican dibadda oo uu u sameeyo xaaskiisa iyo saddexdiisa carruur ah oo yaryar, kuwaasoo weli joogay gudaha Hindiya.

Sanado badan oo uu ku jiray qorsheyn, waraaqo badan, iyo samir, riyadiisii ugu dambeyn way rumoobeysay. Laba maalmood ka hor, xaaskiisa oo la yiraahdo Dr. Komi Vyas, oo iyaduna ah dhakhtarad, waxay iska casishay shaqadeedii Hindiya. Bacaha way diyaarsanaayeen, sagootintii waa la dhameeyay, mustaqbalkii cusubna wuu sugayay.

Subaxnimadii maanta, dhammaantood shan qof oo ay ka buuxdo rajo, farxad, iyo qorshayaal waxay raaceen diyaaraddii Air India Flight 171 ee u socotay London. Sawir “selfie” ah bay qaadeen, waxayna u direen qaraabadooda. Waxay ahayd safar hal mar ah oo lagu bilaabayo nolol cusub.

Laakiin ma aysan gaarin halkaas.
Diyaaraddii way burburtay.
Midkoodna ma badbaadin.

Dhowr daqiiqo gudaheed, riyooyin nololeed oo dhan way burbureen.
Waa xusuusin naxdin leh: noloshu waa mid aad u jilicsan oo cabsi leh.
Wax kasta oo aad dhisto, wax kasta oo aad rajeyso, wax kasta oo aad jeceshahay — dhammaantood waxay ku xiran yihiin silsilad khafiif ah.

Markaa intaad weli nool tahay — noolow, jeclow, hana sugin farxaddu inay berri bilaabato.

02/06/2025

Aabbe; dagaalku waa sheeko ka-warrankeedu uu faan iyo tookh leeyahay, dhadhankeeduba ha qadhaadhnaado oo dhiig iyo dheecaan dad ha lagu iidaamo’e, laakiin waa xaqiiqo faranta ninka laabta xabbadda ugu dhigayaa uun uu la nool yahay, ee aabbe haddii aad adduunyo seegayso ha aakhiro seegin!

- Ha Weynaanin Aabbe!

02/06/2025

Fara madhnaanta iyo gunnimadu waa mataano. "AHUN Abwaan Hadraawi

02/06/2025

Haddii aadan qofka qalbigiisa xasuus wanaagsan kaga tegi karayn, ugu yaraan mid xun uun ha kaga tegin.

Dhaawac aan dhaymo lahayn oo dhiigbixiisu aanu cimrigiisa oo dhan ka joogsanin ha kaga tegin. Noqo qof marka muuqiisa la arko ama magiciisa la maqlo, amaba hummaaggiisu uu maanka ku soo dhaco wanaag lagu sidko oo kasha laga jeclaysto, wejiga qofkaasna dhoollacaddayn ku xardha, oo ha noqon qof indhihiisu in ay dhabannadiisa rusheeyaan u horseeda.

~Fiilofoobiya

28/05/2025

“Waxa aan doonayaa in aad i xasuusatid, haddii adigu i xasuusatid, iima ahan muhiim in dadka kale oo dhan aanay i xasuusan.

• Haruki Murakami

24/05/2025

Message (100)

Badanaa dadku way ka hinaasaan waxa aad haysato, laakiin qofna k**a hinaaso (war qabo) sida adag eed ku heshay.



Inta badan dadku waxa ay egaan natiijada iyo guusha qofka, balse k**a warqabaan ama madaneeyaan hawsha, dedaalka, waktiga iyo safarka uu qofkaas ku maray si uu meeshaas u gaaro ama waxaas u helo. Waxa xasuusin mudan in aanay guushu ku iman si sahlan.
Badanaa laakiin dadku waxa ay arkaan waa muuqaalka ugu dambeeya, ee aan ahayn rafaadkii iyo dhibaatadii aad lasoo martay.

24/05/2025

Message (99)

“Mararka qaar waxaad u qalantaa waxa kugu dhacaya, si aad uga toosto doqonimadaada yar.”

– Fydor dostoyvsky

23/05/2025

Message (98)

“Wax uma baran doontid si buuxda illaa iyo aad ugu sharaxdid si fudud cidyow kale.”

– faynman

Want your business to be the top-listed Government Service in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Burco